Guudmarka Buugga Xor ma tahay? (WQ: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Xog Kooban oo Ku Saabsan Buuggan
Magaca Buugga: Xor Ma Tahay? – Ilaahay Keliya Addoon U Noqo
Bogagga Buugga: Buuggu wuxuu ka kooban yahay 217 bog (Laba Boqol iyo
toddoba iyo Toban bog).
 Sannadka Qoraalka Buugga: Sannadka 2018.
Qiimaha Buugga: $24.99 (Afar iyo labaatan doolar iyo sagaal iyo sagaashan santi oo keliya) oo aanay ku jirin qarashka diridda buugga meel ka baxsan Hargeysa.

Qoraaga Buugga: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi).

Xog Kooban Oo Ku Saabsan Qoraaga: Waa Macalin Jaamacadeed oo Magaalada
Hargeysa deggan, wuxuu ku takhasusay culuumta bulshada siiba siyaasadda iyo
sharciga, wuxuuna si gaar ah u bartay shareecada Islaamka, wuxuuna hadda isku
diyaarinayaa inuu qaato shahaadada PHD dhinaca aqoonta Falsafadda.

Qaabka Buugga Lagu Heli karo: qoraaga oo keliya ayaad ka heli kartaa buugga,
kaasoo ku guddoonsiin doona buugga oo daabacan, markaa qoraaga ka wac
telefoonkan: 00252-063- 4426779, isagaana kugu soo gaadhsiin doona buugga meel kasta oo aad joogtid.

Muxuu qofku ku garan karaa in buuggani u qalmo in la akhristo?

Waa buug aqooneed oo qoto dheer, oo qaab-aqooneed u sugaaya xogta iyo halka laga soo xigtay, isla markaana qoraagu aragtiyihiisa u goonida ah wuu ku xusay, iyadoo uu buuggu sidaasi u qiima badan yahay ayaan haddana go’aansaday in aan
akhristaha siiyo nuxurka buugga oo kooban, kaasoo ku qoran bogagga dambe ee qormadan, si koobiddaasi akhristaha u siiso sawir guud oo qofku ku go’aansan
karo inuu u-baahan yahay buuggan iyo in kale, iyadoo koobidda buuggu ay tahay
lacag la’aan, qofka koobidda buuggana ka waaya wax xiiso galiya waxaan kula
talinayaa in aanuu iibsan buugga.

Adeegyo & Ballan-qaadyo Dheeraad Ah:

1. Qoraagu wuxuu xidhiidh dhaw la
yeelanayaa akhriste kasta laga bilaabo marka uu buugga iibsado.

2. Qoraagu wuxuu si lacag la’aan ah uga jawaabayaa dhammaan su’aalaha akhristaha uga yimaada, wuxuuna kala doodayaa wax kasta oo akhristuhu dood ka qabo.

3. Akhristaha dareema in aanuu waxbaba ka faa’idin buugga wuxuu qoraagu ballan
qaadayaa inuu u soo celin doono lacagtii uu ku bixiyay buugga oo dhamaystiran
haddii uu akhristuhu xaqiijiyo in aanuu buuggu wax faa’iido ah u soo kordhin.

Qayb Ka Mid Ah Hordhaca Buugga
Wali ma is waydiisay su’aalahan:
1. Xor miyaan ahay?
2. Waa Maxay Xorriyad?
3. Maxaan ka xoroobayaa?
4. Yaan U Xoroobayaa?
5. Maxaan ku falayaa Xorriyadda?
6. Suuragal ma tahay in aan is-moodaayo xor anigoo aan ahayn?
7. Ma laga yaabaa in muddada dheer ee ay silsiladu gacantayda ku xidhnayd
darteed in aan moodayay inay silsiladu gacantaydaba ka mid tahay?
Mise waxaad rumaysan tahay in aanad u baahnayn in su’aalahan aad is waydiisid?
adigoo rumaysan in aad xor tahay oo aanay jirin cid xorriyadda kaa qaaday ama kaa qaadi karta.
Cidda aad doontid ahaw – Buuggani wuxuu kuugu baaqayaa in aad naftaada
wakhti yar siisid si aad dibu-qiimayn ugu samaysid heerka xornimada ee aad
haysatid, iyadoo aynu falanqayn doono macnaha xorriyadda iyo nuxurkeeda.
Ahaanshaha qofku waxay ka bilaabmataa xorriyaddiisa, inta ka horraysana wuxuu
ka mid yahay ahaanshaha qof kale, sidaa awgeed waa waxa ugu horreeya ee u qalma in muhiimad gooni ah la siiyo.
Quraanku wuxuu inoo sheegay in abuurka keliya ee xor ah adduunyadan aynu ku
nool nahay inuu yahay dadka, kaasoo awood u leh inuu u-noolaado sida uu doono, go’aanka uu qaatana uu qiyaamaha abaalkeeda ku heli doono janno ama cadaab, iyadoo xornimadaasi ay ahayd arrin ay ka cabsadeen samooyinka, dhulka, buuraha iyo abuurka kale-ba, laakiin bini aadamku uu aqbalay.

1.Markaa miyaynu ka hadli karnaa dadnimo aan xornimo wadan? Muxuu qofku kaga duwanaanayaa abuurka kale sida xoolaha, ee iyagu aan wax dooranshiyo ah ku lahayn qaab nololeedkooda? sidaa daraadeedna aanay qiyaamaha wax xisaab ah lahayn.

2.Horumar kasta oo laga waramo waxa sameeya oo sal u ah dadka, dadkuna ma
noqonayaan kuwo u qalma magaca (dad) haddii aanay lahayn xorriyad iyo ahaansho
u gooni ah, sidaa awgeeed buuggu wuxuu ka waramayaa arrinta ugu muhiimada
badan nolosha ee arrimaha kale oo dhami ku dul dhismaan.
1
ا
ِ قال تعالى: ) نَّ
َ إ َع َس ْضنَا انَ َ
ى ْاَ
َا َعل ِا َ
ِ ل َّل َ ا
ْز
ْاَ
َا ِل
ِ َا
ْ
َ ْ َ َا ل
َ ن َ
َ
أ نَهَا
ْ
يَ َ ْح ِ ل
ْ َ ْ َ
َاأ
ِ ن هَا ْهَا
ن َلا ُنن َا َح َ لَ
ْاِ
ُن
ِنَّ
ُنو ً إ َ ا َن ا
َ هُنوًو( ) سوزة وحز ب 72 – )اقول ل
ظَ
ْس َ ى َو ٰى ُن تعالى: ) َّ
لَ
ِ َ َا َل لَهَا ُن َ ا ٌنن َا ِ َ ل َّل َ إ ا ِا ِ
ْز
َ ْ
َالِ
ِ َا
ائِ ِع َ ( )سوزة صلت11 )ئ ْو ًعا ْ
تَ ْ نَا طَ
َ
ْا َ ْس ًا قَالَ َا أ
َ
أ
طَ
2
قال زسول هللا صلى هللا عل اسل : ) ي ض هللا ل ل ا انس ا ل هائ ، اإن ل د يو ئر ل اا ل سناا ، ح ى إذ ل ي ق ت ع عند ا حدة ا س قال هللا :
(( للللل لصح ح ل ل ان
ً
ونو تس ا ، عند ذلك ي ول لكا س : } يا ل ن نت

Akhriska buuggu wuxuu kaaga jawaabayaa su’aalo badan oo hor taalla shakhsiyadda Soomaaliyeed ee wakhtigan nool, iyadoo aad fahmi doontid waxay salka ku hayso dhibaatada Soomaalida haysata, maadaama buuggani daba socdo buug kale oo aan qoray oo ka waramaaya arrimaha dawladnimada ee ummadda
Soomaaliyeed, kaasoo magaciisu yahay (Maxaa Dawladnimada & Horumarka ka hor taaggan Soomaalida?).
Waxa muhiim ah in aan akhristaha ku baraarujiyo in qoraalada buuggani qaar
badan oo ka mid ahi ay yihiin kuwo ku cusub bulshadeena Soomaalida halka qaar
kale-na ay ku cusub yihiin qoraalka gabi ahaantii oo waa kuwo aan anigu curiyay,
sidaa daraadeed fahamka aragtiyahaasi wuxuu kaaga baahan yahay samir iyo
dulqaad. Si aan u ilaaliyo amaanada aqooneed waxaan ku xusay halka aan ka soo xigtay xog walba qaybta hoose ee bog walba, anigana doorkaygu wuxuu ahaa isku-nidaaminta xogta si ay macno wanaagsan u sameeyaan, iyadoo aan ku dadaalay in aanan adeegsan eray aan af-soomaali ahayn, sidaa daraadeed qoraalka Aayadaha iyo Axaadiista waxaad arkaysaa anigoo ku qoray macnaha aan anigu u fahmay ee af-soomaaliga ah, halka asalka aayadda iyo xadiiska ee af-carabi ku qoran aan ku xusay halka hoose ee bog walba oo ay ku xusan yihiin.

Akhriste, buuggani wuxuu doonayaa inuu bulshadeena ka beddalo aragtiyaha
khaldan ee ay muddo dheer haysatay, sidaa daraadeed ha ka filin inuu ku soo cel-
celiyo wixii aad hore u taqaanay, maadaama is-beddalka laga doonaayo midhaha (hab-dhaqanka) uu u-baahan yahay is-beddel lagu sameeyo siidhka (fikradaha).

Buuggani waa hawl uu bini aadam qabtay, sidaa daraadeed wax la yaab leh ma
aha in aad ka heshid gaf, gaabis, gurrac iyo qalloocba, waajibkaaguna wuxuu noqonayaa in aad marka hore ii cudur-daartid, isla markaana aad aniga iyo
akhristayaasha kale-ba ku baraarujisid khaladkaasi kuu muuqday, maadaama anigu aan niyad wanaag u qoray buuggan, iyadoo hadafkaygu ahaa raaligalinta Ilaahay SWT iyo in aan bulshadayda anfaco, markaa wixii khalad kuula muuqda fadlan qaab qoraal iigu soo hagaaji Email-kan: abuabdala15@gmail.com iyo adeegga whatsapp: 0634426779, waxaana ballan qaadayaa in aan sida ugu dhakhsaha badan u-beddalo wixii ii soo baxa in aan ku khaldanaa.

Fikradaha Buugga Oo Kooban

Qaybta 1aad: Waa Maxay Xorriyaddu?

 Xorriyaddu waxay leedahay macnayaal badan oo buugga ku xusan, innagoo halkan ku soo koobi karna laba arrimood: 1. Ka badbaadidda qofka wax kasta oo ka horjoogsan kara inuu sameeyo wuxuu doonaayo, 2. Awoodda qofka inuu samayn karo wuxuu doonaayo.
 Muhiimada Xorriyada: Xorriyaddu waa asalka nolosha, xornimaduna waxay la qiimo tahay nolosha lafteeda, xitaa waxaynu odhan karnaa way ka qiimo badan tahay nolosha lafteeda, waana sababta keentay in bini aadamku ilaa waligii uu noloshiisa u bixin jiray
isagoo raadinaaya xorriyad.
 Diinteena Islaamku xorriyadda waxay ka dhigtay arrin muqadas ah oo lama taab-taan ah.
 Diinta Islaamku qof walba goonidiisa ayey ula hadashaa xitaa haddii qaab hadalku u eeg yahay in lala hadlaayo muslimiinta siday u dhan yihiin.
 Diinta Islaamku marnaba may bannayn in qof arrin lagu khasbo, iyadoo uu jiro fahan
khaldan oo ay dadka qaar ka fahmeen in diintu ay dadka khasbayso, sida:
1. Khasbidda waalidku uu ilmihiisa ku khasbo salaadda iyo tarbiyadda kale.
2. Khasbidda ninku ku khasbo xaaskiisa inay addeecdo.
3. Dilka qofka doonaaya inuu diinta Islaamka ka baxo, si loogu khasbo inuu ku sii jiro
diinta Islaamka ee aanuu doonayn.
4. Doodda Wanaag-Farista iyo Xumaan Reebista.

Dhibaatooyinka Addoonsiga

siiba kuwa nafta bini aadamka ku dhaca waxa ka mid ah:
1. Miciinsiga Wixii tagay
2. Ku Dhex Millanka Kooxda
3. Xaaladda Isku Hallaynta
4. Isku-Eekaysiinta Addoonsadaha
5. U Baxsiga Qadarka
6. U Baxsiga Khuraafaadka
7. Isticmaalka Xoogga aan Sababaysnayn.

Qaybta 2aad: Ilaahyada Aynu Caabudno
1.1 Diinta Dadka:

waa diinta ay bulsho gaarkeed u samaysato taasoo ku dhex daraysa dhaqankeeda iyo duruufeheeda nololeed isla markaana u nisbaynaysa Ilaahay SWT.

1.2 Dillaaliinta Diinta

(Af-hayeenada Ilaahay): waa dadka isku dhexaysiiya qofka iyo Ilaahay SWT, kuwaasoo ah kuwa ay dadweynaha Soomaaliyeed u yaqaanaan magacyo.

kala duwan sida: (Culimo, wadaado, culimaa’u diin, sheekh..iwm), iyadoo dadkani ay bulshada Soomaaliyeed ku dhex noqdeen Ilaahyo la caabudo Ilaahay SWT sokadii.
 Dillaalnimada diintu waa tilmaan shaqo mana aha magac loo bixin karo qof ama qofaf.

Ka Xorrowga Dabarka Ay Sameeyeen Dillaaliinta Diintu sida:
1. Fikradda Weynaynta Culimada: taasoo sida aynu sheegnay laga dhigtay Ilaahyo la
caabudo.
2. Fikradda La Xidhiidha Qadarka: taasoo laga dhigay arrin qofka maamusha oo
ikhtiyaarka ka qaaday.
3. Fikradda la xidhiidha arrimaha Qarsoon (Qaybka): taasoo dillaaliinta diintu ay
dadweynaha ku dhex faafiyeen khuraafaad badan si ay lacag badan uga helaan, sida:
Jinka, Isha, Sixirka ee ay ka ganacsadaan goobaha loo yaqaano cilaajyada.
4. Fikrada Caadaysiga Dhibta: iyadoo dillaaliinta diintu ay dadka baraan in astaanta jacaylka Ilaahay ee addoonkiisa ay tahay inuu adduunyada ku dhibaateeyo, taasoo ay ka dhalatay inay dadweynuhu ku raaxaystaan dhibta iyo dulliga.
5. Fikradda la xidhiidha Madaxda: iyadoo ay dillaaliinta diintu gaadhsiiyeen madaxda
heerka Ilaahyada oo kale ee aan laga daba hadli karin lagana hor iman karin.
6. Fikradda la xidhiidha Qabiilka: kuwaasoo qabiilka ka dhigay qayb diinta ka mid ah.
7. Fikradda la xidhiidha Labada Waalid: kuwaasoo ubadka u sheega inay waajib ku
tahay addeecidda waalidka halka Ilaahay SWT uu ubadka ku waajibiyay U-Sama-
falka Waalidka.
8. Fikradda la xidhiidha Sayga iyo xaaskiisa: kuwaasoo u banneeyay ragga inay dumarka garaacaan oo ay ula dhaqmaan sida hantidooda oo kale.
9. Fikradda la xidhiidha Diidmada ka noqoshada Diinta Islaamka: kuwaasoo diinta Islaamka ka dhigay meel la galo oo aan lagaba bixi karin marnaba, dadka dareema in diinta Islaamku ay khaldan tahayna waxay ku cabsi galiyaan dil si ay u noqdaan munaafiqiin qarsanaaya diin kale isla markaana muujinaaya muslinimada.
2. Ilaaha Qabiilka:

waxa dhacay is-bahaysi aan barakaysnayn oo dhex maray dillaaliinta diinta iyo madax-dhaqameedka kaasoo ku saabsan sidii ay u addoonsan lahaayeen qofka Soomaaliga ah, isla markaana uu mid walba ka kale xoojiyo.
 Dillaaliinta diintu waxay ka dhigeen qabiilka arrin ay diinta Islaamku qofka ku
waajibisay, halka ay xaqiiqadu tahay in qabiilku uu ahaa qaab-nololeed ay carabtu ku noolayd wakhtigii dhalashada Nabi Muxamed CSW sidaa daraadeed uu Nabigu CSW ula dhaqmay inuu yahay waaqac jira, laakiin marnaba muu farin in la abuuro ama laga dhigto qaab nololeed.

 Madax-dhaqameedku iyaguna dhinacooda waxay mar kasta ku dhaqaaqaan cabudhin iyo cabsi galin qof kasta oo isku daya inuu ka dhex baxo xerada qabiilka, iyadoo ay barigii hore caawinaysay nolosha miyigu, marka la soo galay magaaladana waxay adeegsadeen qalabyada aynu kaga hadli doono qaybaha dambe.

Qaybta 3aad: Ilaalada Ilaahyadeena
1. Muquuninta Booliska:

Booliska dalalka Soomaalidu (Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti, DDSI, Kenya) waa dambiilayaasha bulshada ee ay bulshadu cabsi ay iyaga ka qabto darteed ay u garteen inay boolis ka dhigaan.
 Tusaalaha ugu cad waa Somaliland oo aan xog-ogaal dhaw u ahay, taasoo ay ku
rumoobayso odhaahdan aan ka sameeyey (Daydaygii shalay Booliska Maanta,
Daydayga maanta Booliska Berrito).
 Muquunintu boolisku waa soo if-baxa muuqaalka muquunineed ee bulshada ka dhex jira, laga bilaabo qoyska ilaa halka ugu sarraysa.
 Booliska dhulka Soomaaliyeed xitaa haddii uu is-yidhaahdo si naxariis leh ula dhaqan dadweynaha Soomaaliyeed cidda ugu horraysa ee cadaw ku noqonaysa waa
dadweynaha Soomaaliyeed ee iyagu doonaaya cid cabudhisa mar kasta,kuwaasoo si dhab ah u aaminsan (Soomaalidu kal xishoota ma laha ee kal cabsata ayey leedahay).
 Eedaynta booliska ka shaqeeya dalalka Soomaaliyeed oo keliya iyadoo laga soocaayo bulshada kale, oo dhibaatada muquuninta loo sawiro si ay tahay dhibaato boolisku keligood gacanta ku hayaan waa arrin aad u khaldan oo xumaanteena bulsheed bustaha saaraysa, sababtoo ah boolisku waa qof oysaskeena ka soo baxay, oo iskuuladeena wax ku soo bartay, oo masaajidadeena ku tukaday, dhammaan meelahaasina waa kuwo ku salaysan xoog iyo muquunin.
 Boolisku waa xoogga ay adeegsadaan dillaaliinta diintu iyo madax-dhaqameedku si ay u boobaan hantida dadweynaha, kuwaasoo ugu yeedha magaca cashuuro, iyadoo Ilaahyadu aanay wajahada soo istaagin balse waxay iska horraysiiyaan dad aan miisaan badan lahayn oo ay ku shaqaystaan oo loo yaqaano Siyaasiyiin, iyadoo dad badani ay moodaan in siyaasiyiintu yihiin kuwa ku shaqaysta dillaaliinta diinta iyo madax-dhaqameedka, laakiin baadhista qotoda dheer ka dib waxa soo baxaaya in arrintaasi aanay jirin.
 Siyaasiyiintu saamayntoodu waxay ku kooban tahay inta ay kursiga ku fadhiyaan, isla wakhtiga ay kursiga ku fadhiyaanna ma awoodaan inay sameeyaan arrin ka hor
imanaysa rabitaanka guud ee dillaaliinta diinta iyo madax-dhaqameedka ee iyagu
awood u leh inay dadka kiciyaan iyagoo aan adeegsanayn awood ciidan oo muuqata, iyadoo awoodda Ilaahyadani ay tahay mid ku dheggan oo aan ka beddalmayn isla markaana aanay la xisaabtan la socon, halka siyaasiyiintu aanay lahayn awooddaasi.

2. Gaajaysiinta Ganacsatada: hantidu waa jid weyn oo xornimo, iyadoo qofka hantida
haystaa uu mar walba xornimada uga dhaw yahay qofka kale ee aan hantida haysan, laakiin ganacsatada Soomaaliyeed ee ka duulaaya isla maskaxda addoonsiga iyo muquuninta ee bulshadu wada aaminsan tahay, waxay hadh iyo habeen-ba ku dadaalayaan sidii ay bulshadu ugu jiri lahayd xaalad Qaadaa-ma-dharge ah, iyagoo arrintaasi iskaashi kula jira Ilaahyada aynu sheegnay iyo noocyada kala duwan ee Ilaalada Ilaahayada.
 Ganacsatadu waxay kaalin weyn ka ciyaareen sidii uu u-abuurmi lahaa nidaam dhaqaale oo xidhan, kuwaasoo gaar u qabsaday laba arrimood oo muhiim ah:
1. Dhulka: oo ah meesha wax walba lagu dul samaynaayo, kuwaasoo qabsashada
dhulka u kaashaday dacalada kale ee addoonsiga siiba cududa muquuninta ee ka timid jabhadihii qoriga sidatay sideetamaadkii sida jabhadda SNM marka laga hadlaayo Somaliland, halka dhulalka kale ee Soomaaliyeed ay ganacsatadu adeegsadeen awoodda dawladeed si ay dhulka u qabsadaan.
2. Raasamaalka: kuwaasoo kooto ku xidhay lacagta lagu bilaabi karo ganacsi cusub, kuwaasoo u maray saddex jid:
b) waxay macaash ribo ah dul-saartaan amaah kasta oo ay dadweynaha amaahinayaan, Iyagoo la kaashanaaya dillaaliinta diinta ee iyagu u xalaaleeyey oo u bixiyey magaca (Muraabaxa), tusaalaha ugu fiican Somaliland waa labada shirkadood ee Dahabshiil iyo Telesom.
t) waxay si khiyaamo ah u adeegsadeen hantidii ay dadweynuhu amaano ahaan ugu
dhiibteen kuwaasoo u adeegsada danohooda gaarka ah, iyadoo isla shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom ay tusaale fiican u noqon karaan arrintan marka la eego Somaliland.
j) Dahabshiil, Telesom iyo shirkadaha kale ee la midka ah lacagta ay dadka ka dhaceen way wanaagsanaan lahayd haddii ay galin lahaayeen arrimo wax-soo-saar leh oo dadweynaha u adeegaaya ama shaqo abuur u samaynaaya, laakiin waxay galiyeen dano gaar ah oo aan dhaqaalaha guud ee dalka kor u qaadayn.
 Muuqaalada kale ee gaajaysiinta ah ee ay ganacsatadu sameeyaan waxa ka mid ah: Ku Cidhiidhinta Suuqa Ganacsatada Yar-Yar siiba kuwa loo yaqaano bacad-yaalka, iyagoo kaashanaaya muquuninta booliska.
 Waxa xusid mudan in gaajaysiinta dadka ee ay ganacsatadu fuliyaan aan laga dhex sooci karin fikirka guud ee addoonsiga ee ay bulshadu wada aaminsan tahay, fikirkan oo abuuray xaalad u fudaydinaysa cid kasta oo ganacsade ka noqota bulshada
Soomaaliyeed dhexdeeda inay u dhaqanto si la mid ah ganacsatada maanta jirta oo Kale.

3. Suuxinta Waxbarashada: aqoontu waa fure weyn oo ay dadku isku xorayn karaan,
laakiin isbahaysiga addoonsigu wuxuu ka saaray dhiiggii iyo dheecaankii wuxuuna ku
reebay qalfoof aan dadka waxba u tarayn xitaa haddii ay dadku wada bartaan.
 Aqoonta waxay u qaybiyeen mid diimeed iyo mid maadi, labaduba waxay ka midaysan yihiin inay qofka galinayaan xaalad suuxsanaan ah, si aanuu u ogaan nolosha dhabta ah ee ku hareeraysan, ogaanshahaasi oo ay ka dhalan karto inuu qofku is-xoreeyo, arrintaasina waa mid ay dagaal ka xigaan isbahaysiga addoonsigu.
 Aqoonta diimeed waa mid qofka adduunyada ka saaraysa oo aakhiro gaynaysa isagoo wali nool.
 Arrimaha macnaha daran ee aqoonta diimeed ku jirta waxa ka mid ah in suuxinta lagu bilaabo qofka isagoo yar, iyadoo ubadka yar yar la xafidsiiyo Quraanka kariimka ah, taasoo ceeb ku ah Quraanka laftiisa.
 Sidoo kale wakhtiga dheer ee ay dillaaliinta diintu doonayaan inay dadka dhagohooda haystaan ayaa ah astaan kale oo suuxineed, iyadoo muuqaalka ugu qosolka badan uu yahay inay buug salaadda ka waramaaya ay ku dhigaan muddo dhawr bilood halka barashada salaadda ay ka qaadan jirtay Saxaabadii Nabiga CSW wax saacad ka yar.
 Waxbarashada maadiga ee dhulka Soomaaliyeed marka laga reebo barashada qoraalka iyo akhriska iyo xisaabta waa mid inteeda kale suuxin ah oo qofka dantiisa seejinaysa, heer kasta ha ahaato waxbarashadaasi laga bilaabo dugsi hoose ilaa heerka ugu sarreeya ee jaamacadeed ee ay bixiyaan jaamacadaha Soomaalidu.
 Nuxurka waxbarashada maadigu waa mid ku salaysan soo-maan-guurin laga keenay bulshooyinka horumaray, iyadoo aanay la socon barashada falsafadda aqoonta ee keenaysa in la fahmo xaaladda Soomaalida si loo hal-abuuro aqoon ka jawaabisa baahida Soomaalida.
 Aqoonta maadigu waxay qofka galisaa ama gaysaa meel u eeg aakhirada ay dadka geyso waxbarashada diimeed, taasoo gabi ahaan ka goysa qofka xidhiidh kasta oo uu la leeyahay waaqaciisa nololeed, iyadoo qofka Soomaaliga ah ee wax ku bartay dhulka Soomaalidu aanuu awoodin inuu aqoontiisa ka dhigo mid bulshada wax u tarta xitaa haddii uu shahaadada ugu sarraysa qaato.
4. Kormeerka Xoogagga Dibadda: isbahaysiga addoonsiga ka jira dhulka Soomaaliyeed wuxuu is-kaashi dhaw kula jiraa xoogagga ugu waaweyn ee dunida, kuwaasoo u fudaydiya addoonsiga.
 Gumaysiga dhulka Soomaalida haysan jiray wali wuu ka taagan yahay dhulkooda,
laakiin wakhtigan wuxuu adeegsadaa isbahaysiga addoonsiga ee aynu ka soo waranay.

 Sababta aan ugu bixiyay magaca (kormeer) waxay tahay in raadkoodu uu aad u yar
yahay oo aanuu dhaafsiisnayn kormeer iyo ka war-hayn guud, halka isbahaysiga
addoonsiga ee Soomaalidu uu yahay ka shaqada inteeda badan qabta.

Qaybta 4aad: Jidka Xornimada
Xorriyaddu Waa Dareen Nafta Ka Bilaabma:
 Xornimadu waa arrinka ugu fudud nolosha, sababtoo ah waa wax la jaan-qaadaaya hannaanka guud ee nolosha, halka addoonsigu yahay mid aad u adag, sii jiritaankiisuna uu sii adkaado marka qofka la addoonsaday uu dareemo in xorriyaddii laga qaaday.
 Xorriyaddu waa iftiinka oo kale ee sida fudud u baabiiya mugdiga, waa sida dabaysha aan la joojin karin, waa sida badda ee aan waligeed ilaheedu dhammaanayn, waa sida cadceedda oo kale ee aan wakhtigeeda dib looga dhigi karin.
Xoraynta Dadka Kaa Hooseeya Waa Astaanta Xornimadaada:
 Tusaale ahaan, ninka niyadda ka xorooba wuxuu ku dadaalaa inuu xaaskiisa xoreeyo oo uu siiyo xorriyaddeeda oo buuxda, sidoo kale gabadha xorowdaa waxay ku dadaashaa inay ubadkeeda xorayso oo ay ka dul qaado cuna-qabatayntii ay ku hayn jirtay, maamulaha xoroobaana wuxuu ku dadaalaa inuu xoreeyo shaqaalaha ka hooseeya, sidaa si le’eg ku qiyaas qaybaha kale ee bulshada.
 Qof isaggu cid kale addoonsanaaya ma dhici karto inuu dhab ahaan aaminsan yahay xorriyadda, iyadoo aynu marar badan aragno qof ka cabanaaya inay cabudhiyaan cidda ka sarraysa, laakiin isla wakhtigaasna uu isagu cabudhiyo dadka ka sii hooseeya, taasina waa tilmaan muujinaysa in qofku aanuu dhab ahaan aaminsanayn xorriyadda, balse uu
doonaayo in la siiyo fursad ka weyn ta uu haysto si uu dad badan u cabudhin karo.
In Aad Wanaag La Jeclaatid Addoonsadahaaga Waa Astaanta Xornimadaada
 Addoonsaduhu waa qof ku socda dariiq khaldan, waa qof ka soo horjeeda dhammaan xeerarka nolosha, waa qof jahli ku sugan oo aan aqoon u lahayn qaabka nololeed ee fiican, sidaa daraadeed waa qof mudan in laga naxo oo loo naxariisto.
 Laakiin qofka aan si dhab ah u xoroobin wuxuu addoonsadihiisa u hayaa dareen
nacaybshiyo iyo xumaan, dareenkaasi oo ka dhashay in addoonku uu moodaayo in
addoonsaduhu uu yahay sababta ka dambaysa addoonimadiisa, laakiin xornimada dhabta ahi waxay qofka tusaysaa in aanay jirin awood qof addoonsan karta haddii uu isagu go’aansado inuu xor ahaado, sidaa daraadeed wuxuu u arkayaa addoonsadaha qof is-luggoynaaya.
 Sidaa daraadeed bulshadeena Soomaaliyeed marka ay doonayaan inay is-xoreeyaan waa in hubkooda ugu weyni noqdaa jacayl iyo naxariis, kaasoo ka adag hub kasta oo uu dhinaca kale sito.

Aar-goosigu iyo nacaybku wuxuu awood u leeyahay inuu wax dumiyo, laakiin marnaba
waxba ma dhisi karo, markaa maadaama aanuu waxba dhisi karin isla markaana dunidu aanay lahaan karin meel madhan, waxa hubaal ah inuu soo noqonaayo isla nidaamkii uu aar-goosigu dumiyay kaasoo ay hagayaan wajiyo cusub.
 Jacaylku maaha jid ka mid ah jidad badan oo la kala dooran karo marka loo socdo xornimada, balse waa jidka keliya ee xornimada.
Dhaq-dhaqaaqa Caqliga Ku Salaysan Waa Astaanta Xornimada:
 Dad badan oo sheegta inay yihiin xornimo doon ayaad arkaysaa iyagoo samaynaaya
falal caqli ahaan ah kuwa aan iyaga laftooda u fiicnayn muddada gaaban iyo muddada dheer-ba, laakiin waxay arrintaasi ku sababeeyaan arrimo caadifadeed.
 Inta badan qofka jidhkiisa la xoreeyo balse aan wali maskaxda ka xoroobin wuxuu ku dadaalaa inuu sameeyo tallaabooyin aan caqli ku salaysnayn si uu naftiisa uga dhaadhiciyo inuu xor yahay, taasoo ugu dambaynta u soo jiida dhib ka weyn tii hore u haysatay.
 Tusaale ahaan, ninka xaaskiisa cabudhin jiray haddii uu go’aansado inuu si xorriyad ah ula dhaqmo, waxa taasi ka dhasha haddii aanay xaasku maskaxda ka xoroobin inay ninkeeda aad u dhibto, taasoo ay ku kalifayso in aanay wali rumaysnayn inay xor tahay, taasina ugu dambayntii waxa ka dhasha in cabudhintii lagu soo celiyo xaaskaasi ama ha ka timaado ninkii markii hore xoreeyay ama nin dambe oo gabadhaasi guursada.
Qorshaha Xornimada Guud Ee Bulshada:
 Waa run in xornimadu tahay arrin qof walba iskii looga baahan yahay, laakiin si ay u dhamaystirmato waa in qofka xorka ahi ku dhex noolaadaa bulsho xor ah, sidaa
daraadeed ma aha arrin la dhayalsan karo muhiimadda ay leedahay in bulshadu guud
ahaan noqoto mid xor ah.
 Waa in dadka samaha jecel ku dadaalaan sidii ay u faafin lahaayeen aragtiyaha
xornimada iyo kuwa ka sii dhalanaayaba si ay u aaminaan tirada ugu badan ee bulshadu taasoo fudaydinaysa inuu dhaco is-beddelku.
 Ugu dambayn, waa in aynu rumaysannaa in heerka ugu sarreeya ee xornimo ee bulsho
gaadhi kartaa inuu yahay nidaam dawladeed oo sal adag leh kaasoo ilaalinaaya
xorriyadaha guud iyo kuwa gaarka ah ee dadka, dawladdaasina iyo qaabka loo heli karo
waxaan kaga hadlay buuggayga kale ee magaciisu yahay (Dawladnimada & Horumarka Maxaa soomaalida ka hor taagan?!)

Dhamaad.