Maxaa lagu Cabiraa Horumarka? (WQ: Rashiid Odowaa)

Ummad kasta oo aduunka ku dhaqan ama waddan kastaa dadkiisu waxay ka fikirayaan ee loo tabcayaa waa side Horumar loo gaadhaa waa halhays in badan ku soo noq noqda goobaha la isugu yimaaddo iyo masraxiyad kasta oo siyaasdeed.

Haddaba bal side ayaa loo garan karaa in Horumar la gaadhay ama lagu dhowyahay? Ma daaro dhaadheer oo la dhisto iyo gawaadhi badan iyo dikhowga hawada ku yimaaddaa?ma lacag badan iyo dakhli soo gala waddanka iyo dadka ma sidaas baa? Marka scholarsku ama dadka ku xeel dheer cilmiga Siyaasadda iyo Dhaqaalahu eegayaan waxa loo cabbiraa qaabkan qaab ka duwan.

Waxa laga yaabaa waddamo badan oo magaalooyin waaweyn iyo fooqyo aad u dhaadheer leh inuu qoran yahay waxba yahay (0) waayo waxa laga yaabaa in waddankaasi si fudud u dumo oo aanu ka dhisnayn dhinacyo muhiim ah oo lagaba yaabo inaan siyaasadiisu deganayn.
Inta badan haddii dalkaas sadex dhinac horumar ka gaadho waxa lagu tiriyaa inuu dalkaasi tallaabsaday oo horumar gaadhay amaba uu hayo dhabihii horumarka,marka la eegayo halkii uu ka yimid,halka uu imika socdo iyo halkuu higsanayo inta ay jirto,waxa laga cabirayaa saddex dhinac oo kala ah;-

Horumarka xagga Siyaasadda

Waxa la yidhaahdaa marka uu waddan xagga siyaasadda ka horumaro waa marka uu gaadho xasilooni Siyaasdeed (political stability) waxay arrintani timaadda marka madaxweynaha doorasho ku guulaystaa si kalsooni leh kursiga u fuulo madaxweynaha doorasho laga helayna u tiriyo xilka si habsami ah wax buuq ahna aan la maqal,waddamada heerkan gaadhay dadka caadiga dan kama laha madaxweynaha fuulaya iyo ka ka degaya xilka waxa laga yaabaa dad badani inaanay dareeminba isbeddelka Siyaasadeed waayo war war ayaan ka haynin madaxweynaha ama qof kastoo xil haya looma arko wax aad u wayn waxa loo arkaa uun shaqaale lala xisaabtami karo muddada gaaban ee uu xilka hayo waddamada noocan ah waxa ka mid ah dalka Switzerland marka ay heerkaas gaadho dalku waxa la odhanayaa waddankasi Xagga siyaasadda Horumar ayuu ku tallaabsaday.

Dhinaca dhaqaalaha;-

Haa marka uu kordho dakhliga dalka soo gelayaa guud ahaan iyo dakhliga dadka soo gelayaaba sanadkii GDB iyo GNB sax waxa la odhan karaa dalkaas xagga dhaqalaha wuu ka horumaray.

Dhinaca dhaqanka;-

Bulsho kastaa waxay leedahay dhaqan,dabcan dhaqanku wuxuu leeyahay dhiancyo fiican iyo dhinacyo xun umadaha qaar ayaa qabyaaladdu biyo dhigtay sida Somalida oo kale,Umadaha qaarkood ayaa Laaluushka iyo Musuqa ku caano maalay sida Kenyanka oo kale,haddaba haddii waddan dadkiisu caadooyinka dumiska ah ka ilbaxaan ee ay ka mid yihiin waxyaabaha dumiska ah ee Qabyaaladda,Musuqa,eexda ka mid tahay ay ka koraan wadankaas waxa lagu tiriyaa inuu xagga dhaqanka ka horumaray.

Sadexdan arrimood haddii dalku ka horumaro dalkaasi waxa la odhanayaa horumar ayuu gaadhay ,wuxuu noqonayaa waddan la aamini karo oo la isku hallayn karo waxna lagaga talo geli karo haddii kale waddankaasi ma deggana.sidaas darteed akhriste cabbir oo ku cabbir waddankaaga arrimahan heerka uu ka taagan yahay ka dibna adigaa sixi doona ama khaldi doona waana arrin loo baahan yahay in lagu dhaqmo.

Wa billaahi towfiiq

Rashiid Odowaa
khadarslaan@gmail.com
063-4101213