Goorfeynta Buugga Qaran Iyo qabiil:  laba aan is-qaban Q.2aad (WQ:Sacad Maxamed Aadan)

Qaybta Saddexaad waxa uu qoraagu ku deedafaynayaa gaashaankana u daruurayaa in abidkeed la helay Qaran Soomaaliyeed.
Dhammaan dawladihii Iyo maamulladii Soo maray carriga Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo ay hoggaaminayeen dadyow ajnabi ah, kuwaasi oo Soomaali ka xoreeyey edeggii ay ku oodnaayeen.

Ifad oo ahayd boqortooyo ka hanaqaadday dhulka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen Carab, halka Axmed Gurey _ ciddii uu doono ha ahaadee_ ay ciidankiisa ku jireen dadyow kala tagsan oo ay ka mid yihiin Soomaali, Carab, Cafar Iyo Oromo, waxana uu qabaa in haddii uu Soomaali ahaan lahaa aan la waayeen cid gaar u sheegata.
Xoogaggaas ka madaxa bannaan isku hiilintii ku dhisnayd qabiilka Iyo is ahaantii tolnimo ayaana u saamaxay boqortooyooyinkaasi in ay samata-baxaan , balse haddii ay ahaan lahaayeen Soomaali sooc ah, waa sida qoraagu ku doodayee, cidna kuma heshiiseen cidda madax ka noqonaysa maamulkaasi, iyada oo reer waliba nin u cumaamadi lahaa.

Magaalooyinka iyagu yeeshay maamul Iyo kala danbayn ilbaxnimo ku dhisan marnaba suurtogal ma ahayn in ay isku kaliyeystaan Soomaalidii reer guuraaga ahayd, hayeeshee waxa markasta ku lammaanaa oo keenada u hayey dadyow Carab , Hindi Iyo Beershiyaan iskugu jira.
Magaalooyinkaas waxa ugu caansan Zeylac Iyo Muqdisho oo ka mid ah magaalooyinkii ugu hor aasaasmay dhulkan bariga Afrika.

Magaalada Zeylac maamulkeedu waxa uu ku koobnaa kaliya magaalada gudaheeda mana uu gaadhi jirin dhulalka miyiga ah ee ay isku baacsadaan tolalka Reer guuraaga ahi.
Waxaba dhici jirtay in marar badan ay xoolo-dhaqatadaasi weerar ku Soo qaaddo magaalada oo ay qalalaase ka abuuraan.
Qofka kasoo fallaagooba noloshii ku dhisnayd qabiilka ee Soo gala magaaladu waxa uu muddo kooban ku noqon jiray qof ilbax ah oo dadkiisa dhinac ka raaca.
Dhanka Soomaalida qofkii ugu horreeyey ee la wareega gacan ku haynta Magaalada Zeylac waxa uu ahaa Xaaji Sharmaarke Cali Saalax oo lagu tilmaamay in uu ahaa nin caddaalad Iyo samo-talisnimo isku darsaday.

Dhanka kale Muqdisho waxa ay ahayd magaalo aad u ballaadhan oo in badan ay ka jirtay ismaamul Iyo kala danbayn.
Qofkasta oo yimaadda magaaladaasi waxa uu ku abtirsan jiray Isla Magaalada taas oo u beddeli jirtay haybtiisa qabiil ee uu miyiga Kaga soo tagay.

Waxana illaa hadda ku nool dad badan oo la yidhaahdo reer Xamar oo cid kasta leh , kuwaas oo summaddoodii reernimo ku doorsaday summad reer magaalnimo.

Waxa uu qoraagu gaar u xusayaa boqortooyadii Ajuuraanka oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen maamulka kaliya ee Soomaali ah.

Waxa se uu qoraagu ka daba tagayaa aragtidiisii ahayd in aan xoolo dhaqatadu maamul mideeya samaysan karin.
Haddaba maxaa u suurtageliyey qoyska Ajuuraan in ay Soomaali u taliyaan, maadaama aan la arki jirin Soomaali isku talisa?!

Waxa uu qoraagu xusayaa isaga oo ka jawaabaya weydiintaas Kor ku xusan in Ajuuraanka ay ciidan u ahaayeen Carab calooshooda u shaqaystayaal ah, Addoon Iyo beeralay aan xoolo dhaqato ahayn.
Sidaas marka ay tahay qoraagu sinaba uma aqoonsana in uu Soomaali xoolo dhaqato ah dhexdeeda ka hanaqaadi karo Qaran Soomaaliyeed.

Qaybta Afraad waxa uu qoraagu u gaaryeelay Sayyid Muxammad Cabdalle Xasan Iyo halgankiisii, isaga oo ka eegaya dhanka maamulka Iyo saamayntii qabiilka.
Ugu horreynba waxa uu qoraagu qirayaa in Sayyidku ahaa halgamaa Soomaaliyeed yoolkiisuna ahaa in gaalada laga saaro dhulka soomaaliyeed ujeeddadii doontaa ha u weheliso halgankaase.

Waxa uu Sayyidku ugu horreynba la yimi dariiqo cusub oo ah Saalixiyya, taas oo sayyidka ka hor keentay culimadii waddanka sii joogtay ee qaadiriyada u badnayd.
Halkii ay ka ahayd in uu dadka isku Soo dhaweeyo-na waxaba uu furay khilaaf aan hore u jirin.

Waxa iyana xusid gaar ah Mudan in aanu Sayyidku isku aaminin tolalkii xoolo raacatada ahayd; tolkii Iyo abtiyadiiba, hayeeshee uu ilaaladiisa gaarka ah ka dhigtay Addoon, jareer Iyo reeraha la haybsooco.

Waxa uu Sayyidku isku darsaday qabyaalad cad Iyo xeer la’aan wax kastaa isaga gacmihiisa ku aruuraan.
Waxa uu qoraagu xusayaa in aan daraawiish loo geli jirin qofqof , balse ay ku biiri jireen reero idi, Haddii ay cid isku dhacaan daraawiishna waxa ka dareeri jiray reero idil sidii dhacday marar badan oo ay ka baxeen Ogaadeen, Majeerteen Iyo badiba Dhulbahante.

Qofka isaga oo kaligii ah oo aan beeshiisa la socon daraawiish ku biirana wax maamuus ah ma helayn sida badanna ninna tolkii Kama tagayn, illeen tol waa tolanee.
Tusaale fudud oo qoraaga u markhaati kacayaa waxa uu yahay Markii Sayyidka la jabiyey ee uu Caruusa u galay waxa qalcadda ku geeriyooday Xaaji Suudi oo ahaa nin magac weyn Kana soo jeeday beesha Habarjeclo.

Xaajigu waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii bud dhigay daraawiish.
Haddaba quudhsi Iyo ilduuf wax ay ka ahaydba waxa uu Awjaamac Cumar Ciise leeyahay isaga oo qalcaddii taleex ka hadlaya kaddib jabkii daraawiisheed ” halkaas waxa ku geeriyooday Xaaji Suudi , dumar Iyo carruur badan” waad garan kartaa macnaha ay samaynayso.

Sayyidku waxba kagama uu duwanayn Soomaalidii xoolo dhaqatada ahayd ee uu rabay in uu mideeyo jihaadkana ku horgalo.
Cay Iyo afxumo, dhac , qabyaalad Iyo jujuub ayaa uu isku darsaday oo uu mararka qaar baro-dhaafiyey xoolo dhaqatadii uu la yaallay.
Dhaqanxumadii dhaca Iyo xalaashiga xoolahooda Ummadda ee Sayyidku ku dhaqmi jiray ayaa dad badan oo xoolo cir doon ahi u daliishadeen in dhaca xoolaha Ummadda xalaal yahay. Waa kan Faarax Laanjeer oo sayyidka markhaati gashanayaa:

Sayyidkii xadeed Iyo ku furay, xallin daraawiishna
Ee xodayo gayn jiray intuu, Xamar u heenseeyo
Xaafidal quraan buu ahaa, soo xajiyey dhawre
Isagaba xaq Iyo baadil waw, kala xarriiqnaaye
Xaaraan hadduu yahay sengaha, kuma xarraansheene.

Xoolo badan oo uu Sayyidku beesha ogaadeen uga Soo celiyey xabashida ayaa uu ammaan badan ku helay, balse in yar kaddib waxa uu geel Kor u dhaafaya 30000 ( soddon kun) oo neef ka dhacay beesha Habaryoonis oo iska deggen wax dhib ahina aanay u dhaxayn, taasina waxa ay wiiqday jihaadkii uu ku baaqayey.

Gabayada sayyidka waxa ka buuxa aarsi, dhaarasho , libin ku geeraar Iyo reero uu ku gummeynayo.
Halka uu qoraagu u socdo ayaa ah, Sayyidku qabyaaladdii Soomaali ka hor taagnayd qarannimada ayaa uu ku dhaqmay waana ta halgankiisii ka dhigtay Hal bacaad lagu lisay.

Waxa iyana marag ma doon ah in aanu Sayyidku waligii gaalo ka hortagin marka laga reebo duullaankii daraawiishi ku dishay koofil oo watay ciidan kooban oo sahan ah.
Taas lidkeeda waxa uu Sayyidku hadh Iyo habeen dagaal kula jiray Soomaalidii uu oodwadaagta la ahaa.
Sannadkii 1910-kii oo lagaran ogyahay Xaaraame cune waxa uu Sayyidku lumiyey fursad dahabi ah oo mar la arag ah.
Sannadkaas waxa uu ingiriisku banneeyey dhulkii miyiga ahaa oo waxa uu ku ururay dhulka xeebaha ah. Soomaalidii uu ingiriisku kala dhex joogay ayaa isku muruxsatay iskuna dhammaatay. Waxa Sayyidka laga filayey in uu la yimaaddo aragti hoggaamiye , Soomaalidana kala dhex galo iskuna dubbarido.
Balse Alle ma solansiin oo waxa uu sii watay dhacii Iyo dhiiggii islaameed ee uu daadinayey.
Waxa uu awood u lahaa in uu buuxiyo fakaaggii ka dhashay guuritaankii Ingiriiska xeebaha galay, waxa uu se u kala hiiliyey reerihii dirirta qabiil ka dhaxaysay , taas oo aakhirkii keentay in ingiriisku hubeeyo reerihii taabacsanaa si ay iskaga dhiciyaan sayyidka Iyo huwantiisii.

Sayyidku waxa uu aaminsanaa fikrado xagjir ah oo u dhiganta ta ay hadda aaminsan yihiin khawaarijta oo iskugu biyo shubanaya gaalaysiinta ummadda Islaamka ah.
Waxa ka muuqata in uu xattaa bannaystay xoolahooda oo qaniimo u niyaystay dumarkoodana gaalo uu Soo qafaashay oo sida addoonta loola macaamilayo.

Bal u fiirso baydkan:
#Geeliyo Allahayoow nasii, #guunyadiyo #reerka.
Geelii Iyo dumarkii oo reerka ah ayaa uu goonni u xusay.
Sayyidku waxa uu ahaa kaligii taliye aan laga daba hadlin kaliyana uu socdo amarkiisu.
Ma jirin sharci isaga ama khusuusidiisa qabtaa, balse isaga ayuunbaa ciddii uu u dan leeyahay xukun jeebkiisa ah ku ridi jiray ama ku dhawaaqi jiray in uu xujoobay.
Meel uu kaligii diig ka yahay ayaa uu joogay waana sababta loo waayey cid Soo labaysa ama hadduu dhinto halganka sii wadda, maxaa yeelay kaligii taliyuhu ma oggola nin qoodh ah oo ku dherersada.
Xattaa haddii aad eegto dhanka suugaanta ma uu jirin Abwaan soo labeeyaa, waxana tusaale kuugu filan Ismaaciil Mire oo aan suugaanta ku badnayn balse Markii daraawiishi jabtay gabayadiisu soo butaaceen oo xikmadi ka burqatay.
Dadka qaar ayaa sayyidka garab dhiga dhaqdhaqaaqii Mahdigii Sudan oo halganka kula jiray masaarida.
Si guud Iyo si gaar ah ba isku shaqo Iyo shuqul toona maaha labada dhaqdhaqaaq. Halka sayyidka dhimashadiisii uu halganku Soo af go’ay maadaama wax kastaa gacanta ku urursanaa taas lidkeeda xarakadii Mahdigu waxa ay lahayd ku xigeenno halganka dogobyo sii saaray , Sidoo kalena ma ahayn halgan qofaysan ee waxa uu ku tiirsanaa aragti Iyo aydiyoolajiyad la yaqaan.
Waxa markhaati u ah sida illaa hadda xarakadaasi u shaqayso oo aanay u shufbeelin.
Iyada oo markasta la jaanqaadaysay isbeddelladii suudaan, ugu danbaynna waxa ay u xuubsiibatay xisbiga siyaasadeed ee Ummadda oo illaa hadda shaqeeya.

Sacad Maxamed Aadan, Hargeysa, Somaliland.