Talladii Cali binu Abii Daalib (rc) Q.3aad (WQ: Cabdiraxmaan Cismaan)

Aqbal tallada wanaagsan oo ku noolee maskaxdaada, yeelo taqwa oo dil rabitaanada hawada naftaada adigoo kaalmaysanaya Alle. Akhlaaqdaada dhis adigoo taageersanaya iimaanka sugan ee diinta iyo Allahaa.

Ku hano dabciga naftaada adigoo mar walba xasuusinaya geerida, tus in ay noloshani dhammaanayso iyada iyo dhaldhalaalkeeduba, ku sandulee in ay xaqiiqsato musiibooyinkeeda iyo mushkiladaheeda, ha u muuqato isbeddeladeeda joogtada noqday xaalad kasta iyo xilli kasta, kuna dirqi in ay deristo mahadhadii dadkii hore.

Ku qanci in ay aragto magaalooyinkii burburay, qasriyadii duugoobay, raadadka iyo aataarta xadaaradihii dumay. Kolkaa si xeel dheer uga fikir dhaqanadii dadyowgaas, wixii ay faleen markay nooleeyaan ee ay awoodda haysteen, waxay taransadeen, halka ay hayaankooda ka bilaabeen; xaggee, xilligee, halkee ayay ku danbeeyeen, xaggee ayay imika jiraan; maxay nolosha ka gaadheen guul maxayse ku biiriyeen wanaag-wadareedka Aadamaha.

Haddii aad si degan u dhuuxdo mushkiladahan, waxaad ogaanaysaa in ay mid kasta oo dadkaas ka tirsanaa uu ka tagay kuwii uu jeclaa ee uu xiisayn jiray, haddana uu keligii qabri jiifo, bilaa wehel iyo bilaa saaaxiib na ku yahay; adna kuwaas ayaad la mid tahay oo waad mari wadadaas.

Si taxadar leh oo wanaagsan usii diyaarso gurigaaga runta ah ee Aakhiro. Raaxadan yar iyo ruwaayadan dhammaanaysaa ee ifku yaanay ku hoโ€™din oo ku seejin barakada lagu waarayo ee Aakhiro…

La soco: qayb danbe oo ka xiiso macaan, sirtana noloshana ku bari doonta, jaamacadna aanad ka heli karin, qof kalena aanad ka dhaxli karin, adigana ay kugu dheeraanayso inaad soo tijaabisaa ama aad nolosha ka dhaxashaa.