Guudmarka Buugga ”Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed” (WQ: Mubaarik Gabyaaye)

Buuggan magiciisu waa “Taariikhda Afka iyo Bulshada Soomaaliyeed” waxaana qoray Cabdalla Cumar Mansuur oo loo tiriyo mid ka mida dadka ugu afyaqaansan Soomaalida. Buuggan oo ka dhashay cilmi baadhis uu qoraagu waday muddo ka badan 10 sanno waxa la daabacay laba jeer oo kala ah sannadihii 2009 iyo 2016.

Guud ahaan waxa uu ka kooban yahay 16 cutub oo sii kala baxaya saddex qaybood oo waawayn. Qaybta koowaad oo ka kooban 6 cutub waxa uu qoraagu kaga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin: taariikhda Soomaalidii hore iyo intii aanay diintu Islaamku soo dagin waxyaabaha ay caabudi jireen, asal ahaan halka ay Soomaalidu ka soo jeeddo, xidhiidhka ay la lahayd ummadihii hore iyo diintooda iyo halka uu ka soo jeeddo magaca “Soomaali”.

Buuggu isaga oo daliishanaya aqoonyahannada iyo taariikhyannada baadha dadka isirkooda iyo hiddahooda waxa uu qorayaa in Soomaalidu ka soo jeeddo reer Xaam (Xamitig) waxaanay ka sii yihiin reer Kuush (Kushitig) ka sii ah Kushitig Bari. Qoraagu wuxuu sheegayaa inta aanay diinta Islaamku soo gaadhin dhulka Geeska Afrika in Soomaalidu haysatay diin ay la wadaagto dadka ay isku haybta yihiin ee Kushitig bari (Soomaali, Oromo, Sidamo, Cafar, Burji, Rindille iwm). Buuggu waxa uu qorayaa in magaca Soomaali ka hor dadka Soomaalida la odhan jiray dhowr magac oo ay ka mid yihiin: Punt, Aromalum rego, Baarul-cajam, Barbariga, laakiin magaca Soomaali u dhashay qarnigii 9-aad ilaa 10-aad halka uu ka soo caan baxay qarniyadii 14-aad ilaa 15-aad. Si cad buuggu uma dul istaagayo asalka magaca Soomaali laakiin waxa uu soo qaadanayaa dhowr sheeko caamo (Folk etimology) oo magaca Soomaali inuu ka yimid lagu fasiro, laakiin waxa uu ku doodayaa in magacani caan baxay markii diinta Islaamku soo gaadhay dhulka Soomaaliyeed qarnigii 14-aad ilaa 15-aad. Mid ka mida qodobada ugu xiisaha badan ee buugga ku qoran boggiisa 30-aad waa afafka lagaga hadlo deegaannada Soomaaliyeed.

Buuggu waxa uu sheegayaa in deegaannada dhulka Soomaalida badankiisa lagaga hadlo hal af marka laga reebo deegaano kooban oo ku yaala dhulka Soomaalida koonfureed, kuwaasi oo lagaga hadlo ilaa saddex af oo kale ayna kala yihiin: Af Baraawe ( Baraawe), Af Baajuuni (Kismaayo), Af Mashuunguli (Jamaame). Sidoo kale buuggu waxa uu sheegayaa inay jiraan ilaa 25 lahjadood kuwaasi oo uu leeyahay Afka Soomaaligu. Qaybta labaad waxa ay ka kooban tahay cutubka 7-aad waxaana uu ka hadlayaa sidii diinta Islaamku ugu fiday deegaannada dhulka Soomaalida. Buuggu wuxuu sheegayaa in warbixin ay qoreen niman Shiine ah qarnigii 9-aad inay ku xusantahay in reer Berber (Somaliland) markaa aanay muslim ahayn ama Islaanimadoodu daciif ahayd halka warbixin kalena qarnigii 12-aad ay Soomaalida koonfureed ku sheegtay cawaan (diinlaawayaal). Buugga oo xogo badan daliishanayaa waxa uu sheegayaa in diinta Islaamku si fiican u soo gaadhay magaalo-xeebeedyada Soomaalida wixii ka dambeeyay qarniyadii 13-aad ilaa 14-aad.

Qaybta saddexaad ee buugga oo ka kooban cutubka 8-aad ilaa ka 16-aad waxa ay ka hadlaysa qodobo ay ka mid yihiin: fiditaaanka bulshada Soomaaliyeed ee Geeska Afrika, habka ay u samaysan yihiin qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo abtirsigooda, waxybaaha sababay isu dhawaanta Soomaalida xagga: dhaqanka, diinta iyo afka, taariikhda madaxdhaqmeedyada. Qulqulka Muslimiinta Carbeed oo ka soo qaxay Jasiirada Carabta kuwaasi oo soo gaadhay xeebaha Soomaalida waxa ay is dhaxgaleen Soomaalidii ab’’ogaaga ahayd, iyadoo halkaasna ay ka soo baxday bulsho cusub oo dhaqan Islaam leh.

Bulshadan cusub oo ka dhalatay badankeedu dhulka xeebaha Soomaalida waqooyi waxa ay u hayaameen dhinaca koonfureed ee dhulka Soomaalida ilaa ay aayar aayar iskugu ballaadhiyeen Geeska Afrika. Mid kale oo ka mida qodobada ugu xiisa badan ee buuggani lafaguray waa habka uu ku samaysmo tolka Soomaaliyeed, isagoo ku doodadaya in dhiig iyo dhalasho kaliya aanu ku samaysmin qabiilka Soomaaliyeed ee uu ku samaysmo sidoo kale isbahaysi iyo dan- wadaag isaga oo sabab uga dhigaya: reer guuraaga oo had iyo jeer biyo iyo baad raadiya, isku dhaca reeraha dhexdiisa iyo abaaraha oo keeni kara in reero ka fogaadaan deegaankooda,. Buuggu waxa uu tusaale u soo qaatay dhowr magacyo qabiil kuwaasi oo uu sheegay inay muujinayaan isbahaysi waxaana ka mida: Iskaashato oo ah magaca guud ee loo yaqaan beelo reer Xamar ah. Buuggan oo raadraacyada uu soo xiganay a aad u badan yihiin waxa uu ugu dambayn ku talinayaa siyaabo lagula dagaallami karo qabyaaladda aafaysay Soomaalida, isagoo farta ku fiiqaya in lala dagaallamo shaqo la’aanta, dhibaatada dhaqaale iyo aqoondarrada baahsan.

WQ: Mubaarik Gabyaaye