Gobolka sanaag wakhtiyadii hore marka lamaqlo dhag walba oo uu magacaasi kusoo dhaco waxay garwaaqsan jirtay deegan sida loo sheego in dhulkiisu qabowyahay ay dadkisuna uqabow yihiin, markaan sidaa leeyahay dadka deegan ahaan gobolka sanaag dagaa haybtay doonaan haku abtirsadeene inay ahaayen dad ubadan ganacsato iyo xamaalato ku xiran gacanka cadan oo inta badanba ku mashquulsanaa hawlo ganacsi inta soo hadhaana waxay ahaayen moola dhaqato aan dhib badnayn oo xoolohooda iska raacata.
Waxa jirtay Sheeko lagaso wariyey wakhtigii kacaanka oo Ka dhacday gobolka taaso dhex martay laba qoys oo is dagaalay iyo askari dawlada ugu magawcanaa taliska deeganka, waxaa lagaso wariyey in Marki hore labada qoys ku dagaalamen meel aad uga durugsan taliska balse warki uu gaadhay xarunti islamarkaana uu hal askari soo aaday goobti shaqaaqadu ka dhacday isagoo UL sita taaso uu markii danbe ku kaxeeyey ilaa taliski.
Wakhtigii burburkana wuxuu kamid ahaa gobolada fara kutiriska ah ee wadanka aan dhibaatoyin aad uwaawayni ka dhicin marka laga reebo in mar danbe ay kooxihi burcad badeedu fariisimo ku yeeshen xeebaha waqooyi ee gobolka.
Dhulkii caynkaa ahaa maanta iyadoo taariikhdu 2020 marayso oo guud ahaan deeganadi iyo dadki soomaaliyed udhaqaaqay dhanka horumarka iyo horu usocodka gobolkii waxaad mooda inuu dhabaha uxaadhay jiho taa kasoo hor jeeda oo ah amni xumo, marka la eego ficilada aan loo meel dayin ee guud ahan gobolka ka socda.
Hadaan isdul taago waxyaabaha aan isleeyahay waxay dhibaato ku yihiin mustaqbalka amniga ee gobolka waxaa kamida.
CIIDAMADA:
Awooda goblka siguud marka loo eego waxaa ku hardama labada maamul ee kala ah Puntland iyo Somaliland oo midba qayb kataliyo walow ay puntland dhulka intiisa badan gacanta kuhayso hadana waxaa jira in mudooyinki lasoo dhaafay uudhacay khilaaf dhanka siyaasada ah oo udhexeeyey dadka deeganka iyo Somaliand kaaso dhaliyey in lagu kala xarko gurto, kaso ay keentay inay maamulka somaliland ay ciidamo keento deeganka yube iyado sabab uga dhigto in dhul ka maqan yahay, dhinaca kale maamul ka puntland oo aad mooda inuu awood shacab oo deeganka ah haysto ayaa isna ciidamo tiro badan keenay Kuwo kalena qarameeyey iyadoo sababta loo keenay ay ahayd ciidanki soo duulay ee galbeed ka yimid lagana horgaynayo, mudo markii lays hor fadhiyey oo aan wax dagaal ahi dhicin in ciidami dhinaca puntland badankoodi ay magaaloyinka gobolka dhinaca ka galeen oo ay shaaracyada lamaraaan gaadiid hub waaweyn saaran yahay.
Arinkaasi wuxu markii danbe keenay in shacbkii dareemo xasilooni daro amni sababto ah waxay arkeen waxaanay laqabsan oo ah askar Habeen iyo maalin lawareegaysa hub iyo gaadiid tiro badan, taaso dhalisay in gaadiidki dadwaynaha wadooyinka lagu ciriiriyo iyago loo caga juglaynayo iya waliba in shacbkii Mobiladi laga furtay.
HUBKA SHARCI DARADA AH:
Hubku wuxuu kamid yahay waxyaabaha ugu halista badan ee ay ku xaragoodan dadku oo waxaa loo sita sida maryaha oo kale iyadoo khatartisu xataa haday yartahay uu feeraha qofka naafo ka dhigayo, qiyaasti waxaanba orankaraa 75% dadku waa hubaysan yahay oo kan ugu yari waa kan baastoolad sita, runtii mudadi aan joogay waxaa dhagahaygu maqleen rasaas aan xad lahayn celcelis ahaan maalintii waxay ku dhawyihiin boqol xabo, Iyana waxaan meesha ka maqnayn in hub sharci daro ahi uu gobolka soogalo waliba dadku Ayba ka sheekeeyan qof ka keena kan uu ka gado iyo waliba qiimaha lakala siisto inaad heshaana waxaa kaa xiga jeebkaaga uun.
KHAMRIGA:
Sida caadiga ah wuxu kamid yahay maandooriyayaasha nafta dooriya isagoo khatartiisa lasheego inay kala halis badan tahay oo mid waliba kan uu ka khatar yartahay uu ka qaalisan yahay, hadaba khamriga gobolka iyo guud ahaan dalka yimaada waxaa lasheega inuu wadanka jaarka ah ee itoobiya ka yimaado, deegaankani wuxuu kamid yahay kuwa sida waalan uu usoogalo bahalkaasi mana jirto awood iska caabineda oo joojin kartaa, taasi waxay ufududaysaa inuu sida khudrada usoo galo oo ladho maanta hebel baa soo galiyey.
Aakhirkii waxay keentay in cid waliba ay si fudud ku heli karto kuna cabi karto qiimihisuna waxan maqlay in cid waliba goyn karto, dadka cabaa waxay ubadan kuwa qoryaha iyo rasaasta bilaashka ahaa sitay marka ay labadaa isla helaana habeenki oo dhan waxay kujiraan dagaal aan la aqoon cid ay lagalaan rasaas aan xad lahayna waa ridaan.
QAADKA:
Geedkan wuxuu kamid yahay meceeshadaha ay somalidu aad uga macaashan xoolo badana ay ka sameeyan taa bedelkeeda waxaa lasheega in qoysas badan meesha ka baxaan una burburaan sababta geedkaas qaadka layidhaa isagoo waliba galaafta nolosha dhalinyaro badan oo hami iyo himilo sare lahaa maadama lasheego qofka qabatimaa uu wax walba uga go’o.
Culimada diintu way isku khilaafsan yihiin xaaranshihisa iyo xalaalnimadiisa.
Dhanka dhaqaalaha waxaa lasheega inuu ka bato miisaaniyada sanadlaha ah ee dalka loo qoondeeyey, wuxuu kayimaada labada wadan ee kala ah itoobiya iyo kiiniya, hadaan dib Ugu so laabto qodobkaygi gobolku berigii hore dhanka beriga ayu qaadka kasoo gali jiray balse maanta waxa uu kayimaada dhanka cirka waxaana jirta diyaarad toos ugaso dagta madaarka magaalada badhan taaso sida qaad tiro badan oo runtii gobolka iyo guud ahaan gobolada jaarka la ahba gaara, wuxu sababay geedkaa xajmigaa lihi in bulsho badan oo aan wakhti iyo kharashba uheli jirin ay maanta labadiiba uheleen kuna dhiiradaan cunidiisa, waxaa iyana ka dhashay dhibaatoyin dhanka tuugada ah iyo waliba mid amni daro.
KHILAAF DHANKA REERAHA AH:
Dhinaca qabaailka waxaad mooda inay jirto kala aragti duwanaasho dhan Kasta ah marka laga reebo nabad yar oo aan Cago adag ku taagnayn, waxyaabaha sababta u ah waxaa kaw ka ah Sad bursi ay reeraha qaar tirsanayaan kaaso kusalaysan awood qaybsiga dhanka metelaada siyaasiga gobolka oo markii danbe ay ka dhalatay in qabiil Kastaa iskii isu hubeeyey oo gaadiid dagaal iyo huba iibasado ay sheegen in ku ilaalinayaan masaaliixdooda.
Intaas oo qodob ee aynu kasoo hadalnay runtii markaad eegto waxay cadayn uyihiin in aanay mustaqbalka nabadeed ee gobolku wanaagsanayn meesha uu usocdoana aan lamahdin doonin, waa Hadii aan xal dagdaga ah laga gaarin.
WAA MAXAY XALKU?
Uqareemida hayada amniga:
Ma jirto agab iyo dhaqaale ku filan oo uu ku hawlgalo ciidanka uxilsaaran amniga gobolka, Hadii ay dhacday in gaabis dhanka dawlada ahi jiro waxaa lagama maarman ah in bulshada deeganku uqareento una kacdo sidii ay uhaqabtiri lahaayen laamaha amniga.
Wacyi galin bulsho iyo ciidanba:
Ina lahelo Wacyi galin bulshada ah iyadoo si gaara loola kulamaya qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan Odayaasha, Haweenka iyo waliba dhalinyarada iyadoo laga wacyi galinayo khatar amni ee dhici karta, waa ka ay uga hortagayan, loona diyaariyo qaabka ugu wanaagsan ee ay ulasoo xiriiiri karaan laamaha amniga ee ugu dhaw, ciidanka laftigii waa in qof ahaana loo dhisaa oo uu yahay askari tababar qaba farsamo ahaan uu udiyaarsan yahay mid ka jawaabi kara baahiyaha bulashada.
Wada shaqayn hayadaha dawlada ah:
Waa arin hal bawle u ah dhanka aminga in ay jirto wada shaqayn dhanka haayadaha dawlada ah si looga hortago khatar kasta oo iman karta, Hadii aanay jirin taasi waxaa lagama maarman ah in sida ugu dhakhsaha badan bulshadu uga hawlgasho isuso dhawaynta madaxda.
Madax banaani laamaha amniga ah:
Waa in hayadan amni ay ahaata mid umadaxbanaan shaqadeeda oo aanay jirin cid faragalin kusamayn kartaa oo danaheeda uga faaidaysata, hanoqoto odayaashada dhaqanka oo runtii ah caqabada ugu wayn ee ay ka shaqayn la ayihin oo Hadii ay dhacdo in dambiile danbi laguso qabto noqonaya qofka ugu horeeya ee imanaya sharcigana in lageeyo ka hor istaagaya, sidoo kale ciidama kala duwan ee aan ahayn booliiska waa inay joojiyan hawsha aan shaqadooda ahayn ee ah inay qabtaan shaqadii ciidamada booliska iyo waliba inay mararka qaar dambiile kala baxaan xarunta booliska.
Waxaan kusoo gunaanadaya in ay jirto gaabis kaalintii dhalinyarada ah oo aan looga maarmayn doorkooda waxaana muhiima in boorka laga jafo islxilqaamidna layimaadan.
Mahadsanidin Jaalayal
WQ: Mohamed Abdirashid Kastaro
Mahadkastaro7@gmail.com
01/03/2020