Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Daah-furay Xarunta Daryeelka Iyo Xannaanada Ee Xayawaanka Hariima-cadka

Madaxweyne ku  xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa  galabta daahfuray Xarunta xannaanaynta iyo daryeelka Xayawaanka Harimacadka.

Munaasibadan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miiga ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeybgalay qaar kamida Golaha Wasiirada, Agaasimayaal guud iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay muhiimada ay leedahay furitaanka xaruntan lagu daryeeli doono laguna xannaanayn doono Xayawaanka Harimacadka oo beryihii u danbeeyey ay aad u badnayd Tahriibintiisu, taasi oo uu sheegay inay xukuumaddu aad uga hawl gashay.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu u mahadceliyey Ciidamada kala duwan ee qaranka iyo Wasaaradda Deegaanka, sida wanaagsan ee ay uga hawlgaleen ilaalinka Xayawaankaasi oo faa’iido weyn u leh dalka kana mida xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.