Guulwadayn iyo gudasho la’aan hawlihii yaaley (WQ: Maxamed Cumar Dhagax)

 

Hordhac:

Markaad indhahaaga siiso dhinacyada dawlada, waxaa kuu muuqanaaya waxyaabo aad la yaabayso oo aan inna qof miyir qabaa samayn Karin, waxaa masuuliyiinta qaranku u heelan yihiin in mid kastaa uu qanciyo kan isaga ka sii sareeya si uu u ilaashado mansab xileedka uu dalka ka hayo; waxaa sharaf iyo sumcad noqotay in aad loo amaano madaxweynaha ama wasiirada ama taliyayaasha laamaha ciidamada. Waxaa is waydiin mudan maxaa keenay waxan? Maxaa looga gol-leeyahay daba-guclaynta madaxweynaha? Waa maxay is daba yaaca iyo gurdanka ka baxaa safarada madaxweynaha?

Waajibaadka shaqo ee uu qof kastaa leeyahay maaha in uu daba raxlayn iyo guul wadayn la daba joogo masuulka mar walba ugu sareeya ama kan isaga ka sii sareeya. Hase yeeshee Somaliland waxaa beryahan danbe ku soo badatay waxyaabo aad u fool xun.

Booqashooyinka madaxweynaha ee gobolada dalka:

Hadii madaxweynuhuu u kicitimo in uu gaadho gobo lama degmo ka mid ah dalka, waxaa la socda oo daba yaacaaya xoon wasiiro ah sidii shini boqorkii loo sido ayey u daba socdaan madaxweynaha, meeday hawshii wasiirkan sugaysay? Wasiirku hawshiisa wuxuu ka jecel yahay in uu madaxweynaha la socdo, taasina waxay keentay dayacaad hawleed, waxaa is dul fuulay oo is dhooban hawlihii wasaaradaha laga fulin lahaa oo kuligood u xaniban saxeex wasiir, wasiirkii ma joogo wuxuu koob bun ah ku jiidaayaa ama fiiqayaa madaxtooyada ama madaxweynuhu u raacay gobol hebel, la socoshada madaxweynuhu halkee ayey kaga jirtaa hawlaha uu u igman yahay wasiirku? Mid kaasi kuma xusna ama kama mid ah hawlaha wasiirka sugaaya ee dhooban xafiiskiisii ee waa daba-dhah.

Hadaba wasiirku, agaasimuhu ama taliyuhu muxuu madaxweynaha u daba caymanayaa? Si kooban hadaan u sheego waa inaan la eryin oo uu ahaado mid si fiican looga jecel yahay qasriga looga arimiyo dalkan oo uu ugu badnaado sawirada laga qaadaayo madaxweynaha, taas waxay wasiiradu ka rumaysan yihiin in ay tahay midda ilaalin karta mansab xileedka uu qarankan weli yagleesha ah u hayaan; balse xaqiiqada ilaalinta kursigu sidaa kuma imanayso maxaa wacay waxaa qabyo ah hawlihii odaygaasi, u igmnaa, xafiiskii waxaad hoganaaya dad badan oo hawlo ka sugaayey wasaarada iyagoo u xaniban saxiixa wasiirka! Wasiirku malaa ma oga in dayaca uu sameeyey xilkiisa fashil ku yahay oo uu dhanka qaranka kaga dhigan yahay baal madoow oo ah ma gutaha hawlihii uu u igmanaa mise qarankuba waa madaxweynaha.

Wax la yidhi madaxweynuhu wuxuu u baxayaa Berbera si uu u soo fuulo markab ajanebi leeyahay, mise xoon wasiiro ah ayaa daba socda, ka daroo dibi dhal waaba ciidamadii asluubta oo lagu sido iska rogooyin si ay u muujiyaan taliyahoodu jacaylka xad dhaafka ah ee u qabo madaxweynaha, hadii ciidamadii asluub ee shaqadoodu ahayd ilaalinta iyo dhaqancelinta maxaabiista midba denbi nooc ah ku xukuman yahay balse ay ka soo dareereen yaa hor joogaaya maxaabiistii qaar baa ku xukunaa argagixisonimo, qaar baa ku xukunaa dil ay soo geysteen, yaa ilaalinaaya hadii ciidankii la qaaday oo ka qayb yihiin muujinta jacaylka madaxdoodu u qabto hogaamiyaha, iska dhaaf dhaqancelin ha inoo danbaysee. Madaxweynuhu muxuu waxaas u dareemi waayey oo marna u waydiin waayey u hor boodayaasha hawlaha qaran maxaa i kiin daba dhigay oo aad u gudan waydeen hawlahaad dalka u hayseen? Waa mid iyaduna weli meesha ka maqan!

Salaadaha madaxweynuhu masaajida kula tugato bulshada:

Bal u fiirso marka madaxweynaha dalku uu galo masjid si uu u guto waajibaadkiisa cibaado ee rabi ku leeyahay khaladaadka goobtaas ka dhaca ee khalkhalin kara amniga madaxweynaha, waxaad arkaysaa raxan askar ah oo ka tirsan ciidamada laanta socdaalka, kuwa ilaalada amaanka wadada, asluub, milateri iyo ilaaladii khaaska ahayd ee madaxweynaha oo dhex tuban masjidka; amni ahaan waa halis in cadowgu diraysku doono soo xidho oo halkaa wuxuu doono ka sameeyo ileen waa taas oo kudlado ciidamo kala duwan ayaaba goobta joogee.

Dhanka kale hadii aad ka eegto kooxahan askarta ah ee dabayaacaysa madaxweynaha shaqooyinkii kale ee qaranku ku lahaa meeday yaa wada iyada? Iska soo dhaaf askarta ee waxaa ka sii daran madaxda kale oo iyaguna inta isku qabsada sida loo kala xigi doono madaxweynaha, xataa salaada yaan lagaa xigin baa xaalku marayaa! Anigu garan waayey waxan oo guulwadayn ah ee dalka ka jira waxa looga jeedo. Ma madaxweyne ha i casilin baa, mooji, miyaan shaqada oo aan hagaajiyaa I ilaalinayn, ma xilka ayaa ka qiimo badan damiirkaygii shaqsinimo?

Si kastaba ha ahaatee waxaa wax lala yaabo in masuuliyiinta ugu sarsaraysa qaranku ay isku qabsadaan anaa madaxweynaha kaa xigaya dhankiisa iyo iga xigi maysid ayaa ah arin fool xumo ah, waagii diiwaan gelinta codbixiyayaasha ayaan dhawr sawir arkaayey oo wasiir xigeeno isku haystaan anigaa madaxweyne xigeenka dhankiisa xigaaya ee maxaad iigaga horaysay sawir ka turjumaaya oo baraha bulshada ee Facebook lagu magcaabo dad soo dhigaaya!

Booqshada Gobollada ee wasiirada:

Waxaa hawlo shaqo gobol u tegaaya wasiir, wasiir-ku xigeen ama Agaasime, waxaa hor boodaaya oo raxan raxan ugu sii qulqulaaya kaantaroolka magaala madaxda gobolka dhamaan, isuduwayaashii, gudoomiyayaashii degmooyinka, gudoomiye gobolkii, madaxda askarta iyo shaqaalaha kale oo iyagana laguba raafaayo in ay soo dhowaynta ka qayb qaataan. Mudada wasiirkan ama masuulkan qaran la soo dhowaynaayo yaa sii haya hawlihii dan ahaaneed ee qaranka loo hayey, cid sii haysaa ma jirto ee waa halkoodii waana dayacan yihiin, kasii daran waxaa mararka qaarkood lagu khasbaa ciyaalka dhigta dugsiyada, oo waalidkood u soo dirtay in wax loo soo baro ama loo soo dhaqan dooriyo oo dhaqan kale lagu soo shubo ayaa lagu shubaa dhaqan la yiraahdo soo dhowayn, macalinka aan ka soo qayb gelin soo dhowaynta waa ganaax isagu sababtoo ah magaca hawl wadeenada ugu sareeya ayaa jacaylkoodii isu-duwahooda ayey meel kaga dhaceen, ardayga maqnaadaana waa eri, ma waajibaadka loo dhigo ayey soo dhowayntu ka mid ahayd mise waajibaad shaqo ee macalinkay ka mid ahayd yaabka yaabkiis.

Gunaanad:

Gunta iyo gebagebada hadaan u daadego waxaa arimahan keenaaya waa dhawr masalo oo kala ah:

  1. In aan gudasho hawleed jirin oo dadka xilka inoo hayaa ay mudo xileedkooda ku laastaan qaxwe iyo iska dhaadhicin, taasna waxaa keenay garasho la’aan ka haysata hawsha uu u igman yahay
  2. In hawl wadeenka qaranku wax u dirtay uu dalkiisaba ka door biday ilaalinta qaloocan ee kurisga uu fadhiyo
  3. La xisaabtan la’aan ka timaada laba dhinacba
  4. Dhanka madaxtooyada oo aan marnaba la xisaabtamin masuuliyiinta ileen hadii lala xisaabtamayo sidaas ma yeeleene
  5. Dhanka bulshada oo qolyo qabyaalad ku ilaaliyaa ay jiraan oo hadii la taabto ay tahay in dhamaan reer hebel oo dhan la wada taabtay.
  6. In aanay jirin golayaal baarlamaan oo ninkaas ama dadkaas inaga af qabtaa, maadaama ay iyaguba ka mid noqdeen

Haddaba arimahaasi waxay dhulka jiidayaan hadh iyo habeenba mansabka somaliland leedahay, sidoo kale waxay meesha ka saartay dhamaanba waajibaadkii qaranku ku lahaa dadka noocaas sameeya.

Waxaan-na ugu danbayntii waydiinayaa masuuliyiinta sidaas ku caan baxay guulwadaynta iyo daba guclaynta Madaxda ka saraysaa, xagee ayey kaga jirtaa waajibaadka uu qaranku ku leeyahay? Waa se maxay dheefaha aad ka heshaan odayaal? Maxayse tahay waxyeelada iyo gabood falka aad dalka u geysanaysaan? Mase iska dayn doontaan mar uun?

Maxamed Cumar Dhagax