Guurka gabdhaha yaryar iyo saamaynta waxbarashada (WQ: Maxamed Xuseen)

Waxbarashada: Waa furaha nolosha, aqoon la’aan waa iftiin la’aan waa aqal iyo ileys la’aan. Dhamaan umadaha dunida ku nool waxay ku sugan yihiin xaalado aad u kala duwan oo dhanka nolosha ah, sidoo kale waxaan ognahay in dunida maanta ay u qaybsan tahay labo qayb  kala ah dunida hore-u-martay iyo tan dambaysa.

Si u waddankeenu u higsado dunida hore-u-martay waa in aynu kor-u-qaadnaa waxbarashada dad yarta guud ahaan, si ay ula jaan-qaadaan dunidan ay hoggaankeedu noqday tiknoloojiyadda.

Balse waxaan maqaalkan kooban kusoo qaadan doonaa doorka guurka gabdhaha yaryar iyo saamaynta waxbarashada, sidoo kalena waxaan xusi doonaa doorka barbaarinta carruurta ee gabadha wax baratay markay hooyo noqoto.

Waxa inta badan haldhigyo laga dhigtaa marka laga hadlayo waxbarsahda gabdhaba odhaahyo dunida ka caan baxay kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Qofkii waxa bara gabadh, waxa uu waxbaray qaranka.”

Taasi oo micnaheedu yahay in waxbarashada gabadhu tahay mis saameyn weyn ku leh guud ahaan qaranka ama bulshada maadaama ay iyagu tahay wax-soo-saarta dadka.

Dhanka kale waxa jira dhaqankeena Soomaaliyeed kaas inta badan awood iyo taageerada siiya wiilasha haday noqoto dhinaca waxbarashada iyo maamulka reerka.

Haddaba iyadoo ay jiraan ololaha waxbarista gabdhaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tirada gabdhaha dugsiyada aada ayaa waxa dhanka kale saamayn ku yeesha wadashada waxbarashadood guurka gabdhaha yaryar, kaasi oo yareeya tirada gabdhaha yaryar ee waxbarashad sare in ay aadaan, kadib markii agal ay yeesheen.

Dhanka Soomaaliyada iyo diinta Islaamku waxay ina fareen qiimaha ay hooyadu ku dhex leedahay bushlada, haddanase waxa jirta in aynaan muhiimad siin gabdhaha yaryar wakhtiga ay waxbarashada iyo barbaarinta ku jiraan, waxa halkan tusaale u soo qaadanayaa heesta uu curiyey Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ee uu ugu magac daray hooyada, waxaana ka mid erayadiisii:

Hooyoy la’aantaa

Adduunyadu hubaashii

Habeen kama baxdeenoo

Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen

Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen

Xiddig hawd ka lulatoo
Hawo laguma gaadheen…

“Maanso Hooyoy la’aantaa, Hadraawi”

Sidoo kale guurka gabdhaha yaryar waxa uu saameyn togan ku leeyahay barbaarinteenta carruurteed iyo waxbarashada jiilka dambe ee dhalan dooona kaas oo soo barbaarisay hooyo iyadu waxbarashada iska tagtay oo aanay qiimo badan agteeda ku lahay.

Waxa qoray: Maxamed Xuseen

Somaliland Y-PEER