Waxa aan qirayaa in uu xafiiska imtixaanaadku waajibkiisa u guto si hagar laโaan ah. Mana lihi shaqo uu aadame hayo ayaa 100% qumman. Waxa dhici kara ilduuf, gef iyo gol-daloolo. Laakiin guushiisa ayaa kun iyo kumaan goor ka weyn gaabiskiisa, taas ayaana ah ta ay qabanayaan indhaha iyo maanka aan naxligu buuxini. Mararka qaarkood waxa loo beegsadaa dano siyaasadeed.
Tusaale ahaan waxa dhacda in deeqaha waxbarashada lagu saleeyo sida ay ardaydu u kala sarreeyaan natiijada imtixaanka, waxaana soo baxa tiro badan oo ka soo jeeda gobolka Maroodijeex ama caasimadda. Marka horeba Maroodijeex wuu ka dad badan yahay gobollada kale, waxaana jooga bareyaal xeel-dheer oo kobciya aqoonta ardayda. Sidaas awgeed ayuu uga guud maraa dhiggiisa, una xantoobsadaa fursadihii jaamacadeed ee waxbarasho. Waxa laga dhigaa in Maroodijeex ama Awdal loo sed-buriyay.
Ardayda ku nool tuulooyinku lama duruuf iyo xaalad aha kuwa magaalooyinka waaweyn. Waxa laga yaabaa in ardayda magaalada jooga loo sii tababaro hannaanka imtixaan-gelista, halka ardayga tuuladu ka yaqaanno warqad ama bog uu ka shaqeeyo. Nin macallin ah oo madax ka noqday imtixaanka degmo ka tirsan Maroodijeex ayaa ii sheegay in uu imtixaan 15-20 bog ah u dhiibay mid ka mid ah ardaydii degmada.
Ardaygi illeen weligii muu arkin 15-20 bog oo uu ka shaqeeyoโe waxa uu yidhi โMacallin, ma ardayda ayaan u qabiyaa?โ. Waxa uu barihi yidhi โWaa kaagii, kuwa kalena mid kasta warqad baan u hayaaโ
Waxyaabaha sababta u ah guusha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland, waxa ka mid ah:
1. Imtixaannada waxa laga xulaa waraaqo (papers) ay diyaariyeen bareyaal kala geddisan, lama yaqaanno qofka rasmiga ah ee diyaariyay
2. Xafiisku waxa uu shaqada ka joojiyaa bareyaasha lagu eedeyo xil-gudasho-laโaanta iyo dayaca.
3. Waxa uu dirtaa hawl-wadeenno dhaarsan: mar haddiiba la aamminay way dhaarsan yihiin, kuwaas oo kalsooni lagu qabo.
4. Ardayda waxa la baadhaa inta aanay fasallada gudaha u gelin: moobil, waraaq iyo agab kasta waa laga reebaa inta awoodda aadame gaadho.
5. Bahda wasaaradda waxbarashadu waxa ay u hawl-galaan hab-wadareed (team work) ku dhisan iskaashi, wada-shaqayn iyo hannaan agaasiman.
6. Gaadiidka u qaada imtixaanka gobolladu waa kuwo cayiman, lagu kalsoon yahay oo si hufan u gutay/fuliya waajibaadkooda.
7. Goob kasta oo imtixaanka lagu qaadayo waxa masuul ka ah qof waayo badan la shaqeeyay wasaaradda oo masuuliyad ku suntan.
8. Masuuliyiinta xafiisku waxa ay ku shaqeeyaan xaalado iyo duruufo adag. Hurdada ayaa ku yar, hawsha ayaa ku badan, waxa ay galaan heegan 24ka saacadood ah.
9. Waxa la diyaariyaa kooxo kormeer ah oo dusha kala socda hannaanka shaqadu u socoto iyo dad ka jawaaba cabashada degdegga ah.
10. Waxa la isku beddelaa ilaaliyeyaasha imtixaanka ee gobollada si aan qofna ugu eexan ardaydiisa.
Hal maalin ayaan ka qaybgalay ilaalada imtixaannada qaranka oo 2006da ahayd, waanan iska joojiyay aniga oo eed-ka-carar ah. Waxa laga yaabaa in fasal kasta oo Hargeysa ay ardaydu ku gelayso aan cid garto, oo saayiraad la iga doono. Taasina maangal maaha. Sidaas awgeed ayaan faraha uga qaaday. Waxa iga geesisan, iga goaan adag oo hambalyo geya ragga guโ walba dhabarka u dhiga masuuliyaddaas culus. Hawlaha ugu muhiimsan ee xafiiska marka laga tago ilaalada iyo qaadista imtixaanka, waxa ka mid ah diyaarinta, sixitaanka iyo shahaado- bixinta. Iyagana weligood kama qayb gelin, haddii aan ka maqanahayna ma aha in aanay ahayn wax macno laโaan ah. Aragtidayda ayaan cabbirayaa aniga oo ka madax bannaan dan kasta.
Haddii uu Somaliland qof hayo xilkii uu ku habboonaa (right person with right position) Guddoomiye Daauud Axmed Faarax waa udub-dhexaad karti, hawlkarnimo iyo xil-gudasho leh, oo masuuliyaddiisa u guta sida ugu togan. Muddada uu madaxda ka ahaa Xafiiska Imtixaanka waxa uu bartay dadka ku habboon inay xilkaas ka soo baxaan oo ku kala nool degmooyinka, magaalooyinka iyo tuuleyaasha Somaliland. Gobol kastana cidda madaxda uga ah waxbarashada ayaa garab istaagta.
Ugu dambayntii waxa aan guul u rejaynayaa ardayda bishan Juun 2019ka u fadhiisan doonta imtixaannada qaranka.
Dhammaad
Siciid Maxamuud Gahayr.