Ha guursan tobankan nin (WQ: Ina Siciid)  

Guurku waa go’aanada ugu muhiimsan nolosha aadamaha. Qof kasta oo guurdoon ah waxa la gudboon in uu ka fiirsado cidda uu guursanayo oo aanu caadifad ku guursan. Gaar ahaan hablaha muhiimad gaar ah ayay u leedahay cidda uu noqonayo qofka masuuliyaddeeda qaadaya. Walaashayeey waxan halkan kuugu soo bandhigayaa 10 rag ah oo ay tahay in aad guurkooda iska ilaaliso, kuwaas oo aan ka soo xigtay daraasado dhawr ah.

1. Xiise-badane: Ragga qaar ayaa gabadhii ay arkaanba ka hela ama shalmaddii ay arkaanba iska daba dhaqaaqa. Waxa ku abuuran dabeecad ah in wixii ay haystaan aanay u muuqan laakiin wixii kolba ka maqani u hillaacaan. Si kale haddii aan u idhaahdo waxaa  ka lunsan dookha. Ha guursan ninkan haddii kale waxaad la daris noqon doontaa hinaase, werwer iyo waswaas joogto ah.

2. Mushaki: Waxa jira ragga qaar aan kalsooni ku qabi karin xaasaskooda. Waxay isku dayaan in ay mar walba la socdaan dhaqdhaqaaqa gabadha kana daba shaqeeyaan meel kasta oo ay tagto. Tani waxay abuurtaa muran mar walba u dhaxeexa ninka iyo gabadha kaas oo marar badan gaadha gacan-ka-hadal xaaladaha qaarna sababa dil. Ha guursan ninkan haddii kale waxad la daris noqon cabsi, muran iyo fadeexadayn joogto ah.

3. Bakhayl: Dhaqaaluhu wuxu ka mid yahay arrimaha ugu muhiimsan nolosha aadamaha. Inta badan ragga ayaa ka dhaqaale badan dumarka. Sidaa daraadeed marar badan khasnaddaadu inan yahay waa khasnadda odaygaaga. Ha guursan ka gacanta adag haddii kale waxaad la daris noqon baahi iyo busaarad joogto ah.

4. Been-badane: Beentu waxay ka mid tahay dhaqannada ugu xun ee bani’aadamku yeelan karaan. Ninka beenaalaha ahi wax wal oo uu kuu sheegaa been ayay noqon karaan. Xataa ballamaha guurkiinu ku salaysan yahay in ay beenoobaan baa laga yabaa. Xataa dhaqaalihiisa, shaqadiisa iyo noloshiisa runta ah in uu ka been sheego ayaa laga yaabaa. Sumcadda uu dadka ku dhex leeyahayna ma fiicna oo kolay waxa lagu xantaa beenaale. Ha guursan ninkan haddii kale waxaad ku noolaan doontaa khayaali waxaanad la daris noqon doontaa filanwaa ama “surprises” joogto ah.

5. Go’doomiye: Ragga qaar ayay kaga dhagtaa in ay mar walba kantaroolaan xaasaskooda oo u diida in ay dibedda u baxdo ama cidi soo booqato amaba ay xafiis ka shaqayso. Nooc kasta oo kantarool ah oo aanad ka raali ahayn oo dusha lagaaga keenaa wuxu ku gelin doonaa cidhiidhi nafsiyeed. Ha guursan ninka kantaroolka badan haddii kale waxaad noloshaada ku dhammaysan xabsi.

6. Niyad-jabiye: Ragga qaar waxa jira hadalku si aan ka fiirsi lahayn uga dhaco oo aan afkoodu tifaftire lahayn. Waxa caado u ah hadallada doqoniimada ah ee gefka ah ee dadka niyad jabiya. Sidoo kale wuxu dhaqan ka dhigtaa in uu xaaskiisa u dacaayadeeyo, ku dhego hadlo ama ugu duur xulo sidii kuray ay saaxiibo yihiin. Inta badana wuxu arkaa dhalliilaha laakiin wanaagga indhihiisu ma qabtaan. Ha guursan kan haddii kale waxaad la daris noqon bah-dilaad iyo niyad-jab joogto ah.

7. Eedeeye: Ragga noocan ahi waxay caado u leeyihiin in ay eedayn la daba joogaan xaasaskooda khaladkoodana anay aqbalin marnaba. Xataa haddii ay caddaato in ay khaldameen waxay isku dayaan in ay helaan cid ay khaladka ku leexiyaan ama eedda saaraan “scapegoat.” Mar walba waxaad arkaysaa isaga oo cid eedaynaya ama dhalliilaya. Ha guursan ninkan haddii kale waxad la daris noqon canaan, eed iyo dacwad joogto ah.

8. Isbedel-badane: Nimanka qaar ayaan lahayn meel go’an oo loogu soo hagaago. Marka aad wax isla qaadataanba wuu beddelayaa oo wax cusub ayuu la imanayaa. Isagoo faraxsan haddii aad ka tagto in yar kadib isagoo cadhaysan ayaad ugu soo noqonaysaa. Waxaad arkaysaa isaga oo qof ammaanaya in yar kadibna isaga oo isla qofkii dhalleecaynaya. Marka uu daawanayo laba kooxood oo kubad wada ciyaaraya waxa laga yaabaa in uu qaybta hore koox taageero qaybta dambena kooxda kale. Ha guursan ninkan haddii kale waxaad la daris noqon jahowareer joogto ah.

9. La-saameeye: Ninka noocan ah af-Ingiriisi waxa lagu yidhaa “easily influenced” ama qof si fudud loo saamayn karo. Waa qof bilaa kalsooni ah, aan maskaxdiisa adeegsan laakiin ku tiirsan maskaxaha dadka kale. Sidaa daraadeed go’aanadiisa oo dhan dad kale ayaa ka dambeeya waana lagugu soo diri karaa mar kasta. Waxa kuu adeegsan kara dadka cadowgaaga ah, xigtadiisa iyo cid kasta oo xurgufi idin dhex mari karto. Ha guursan ninkan haddii kale waa laga soo dhex hadli ama laguu soo dhex mari doonaa mar walba.

10. Sal-laawe: Ragga fudaydka iyo boodboodka looga wanaagsan. Waxa jira rag go’aannada dhakhso u qaata taas oo sababta in ay dhex dabaashaan khaladaad ama gefaf khasaare ka dhalan karo. Waxa ku adag in uu sugo inta uu xog ku filan helayo si uu go’aan fiican u qaato. Sidoo kale, waxa ku adag samirka iyo in uu meel ku adkaysto. Shaqooyinka dhakhso ayuu uga tagaa. Waxba ma sugi karo oo wax walba wuu raagsadaa taasina waxay keentaa in ay marar badan dadka isku dhacaan. Ha guursa ninkan haddii kale waxad ku jiri doontaa xaalad degdeg  ama emergency” ah.

Way adag tahay in la helo nin astaamahan oo dhan ka madax banaan. Laakiin wakhti kasta oo aad galiso raadinta nin kuu qalma maaha wakhti kaa khasaaray. Wuxu kuu badbaadinayaa wakhti dambe ee noloshaada oo kaa xumaan lahaa. Raadi nin kugu habboon waad heli doontaaye!

Waxa qortay Ina Siciid oo ka mid ah gabdhaha qalinleyda ah ee Bandhige. Hoos ka akhriso maqaal hore oo ay qortay oo ku saabsan 10 haween ah oo guurkooda laga dayriyey. 

Bandhige@gmail.com

http://bandhige.com/10-haween-ah-oo-ay-tahay-in-aanad-waligaa-guursan-waxa-qortay-ina-siciid/