Maalintii koowaad ee ololaha xisbiga Waddani ayaa si weyn la isugu soo baxay magaalooyinka Somaliland

Kumanaan taageerayaasha xisbiga Waddani ah ayaa dhammaan magaalooyinka Somaliland isku soo baxay si ay u muujiyaan taageerada xisbigaas iyadoo ay maanta ahayd maalintii koowaad ee ololaha xisbiga iyagoo siyaabo kala duduwan u soo bandhigay taageerada xisbiga Waddani.

Bandhigyada ugu weyn waxa lagu qabtay fagaareyaasha Hargeysa, Burco iyo Boorama.

Halkan waxaanu idinkula wadaagaynaa sawirrada hordhaca ah ee naga soo gaadhaya bandhigyada. Maqaalkan xogtiisa waan kordhin doonaa marka ay warar dhammaystirani na soo gaadhaan.