Ummad tidhi aan fadhiyo waxna aan cuno, haddana aan caafimaad qabo Soomaali ayaa laga hayaa, wax is qabtana maaha,
Hadday ku arkaan adoo cararaya ama jimicsanaaya, waxay ku odhanyaan dharag ayaa eryaaya, aroortii ayaan yara lugeeyaa, xaafada dhan mid ama laba ayaan arkaa jimicsanaaya, nin aanu aroortii ku kulano dariiqyada oo caraara ayuu mid ku yidhi:
“Waar orodkii laguu qoray miyaanuu wali kaa dhamaan.”
Nin aqoonyahan ah baa wuxu yidhi:
“Haddii aad nolosha isu miisaami waydo, oo aad adduunyo uun ka shaqaysid caafimaadkaagana aad illowdo hadhow wixii aad ururisay caafimaad ayuun baad dib ugu raadin.”
Nin caban jiray ayay carruurtiisii dhakhtar Maraykan u geeyeen waa nin aad ubuuran, dhakhtarkii loo geeyay nin aad u dhuuban ayuu ahaa, markaasuu ninkii eegay wuxu ku yidhi:
“Waar maxaa intan ku leekaysiiyay.”
Wuu baadhay wax xanuun ah wuu ka waayey, biibiile ayuu u dhiibay markaasuu yidhi:
“Afuuf.” Wuu afuufi kari waayey. Dhakhtarkii dhuubnaa ayaa afuufay, hadal iyo dhammaantii ninkii socod ayuu u qoray toban cisho, markaa igu soo noqo ayuu ku yidhi, markuu soo dhamaystay ayuu ku soo noqday, biibiilihii ayuu u dhiibay si fiican ayuu u afuufay, dhakhtarkii ayaa ku yidhi waar bakhaar ayaad tahay eh waxan aad cunaysid saar.
Bari hore ayaan meel ka akhriyay Soomaalida (average life expectancy) cimrul qaalibkoodu waa 40 sanno. Cabbaas Rasuulka SCW adeerkii, ayaa u yimid Rasuulka SCW isagoo duco waydiisanaya, wuxu ugu jawaabay Rasuulku Illaahay caafimaad waydiiso, wuu ka tagay isaga oo yaraystay, markale ayuu ku soo noqday isaga oo duco doonaya, Rasuulku hadana wuxuu ugu jawaabay Illaahay caafimaad waydiiso (aw kamaa qaal) ama waa sidii uu yidhi eh.
Halkaas waxaynu ka qaadanaynaa in uu caafimaadku qaali yahay, waayo haddii uu qofku caafimaad qabo adduunyo wuu u shaqaysan iyo aakhiraba, haddii uu caafimaad waayo isaga ayuunbaa isku mashquuli.
Ninbaa cimaarad dheer ku jiray, laakiin hurdo ma haysto iyo caafimaad, raashinkii loo kariyay ayaa lagu soo daadiyay meeshii qashanka daaqada ayuu taagan yahay, nin miskiina ayaa soo maray raashinkii la soo daadiyay ayuu cunay, markaas ayuu tamaniyay in uu ninka sidan u dhargay ee raashinkan soo daadiyay noqon lahaa, kii kalena daaqada ayuu ka eegayaa wuxu la yaaban yahay caafimaadka Illaahay ninkan siiyay.
Nin Sheekha ayaa qolo maxaadaro u galaayay, markaa intii uuna bilaabin ayuu dadkii dhagaysanaayey ku yidhi waar Axaadiis ayaan halkan ku sheegayaa ninkii aan ku dhaqmaynow imika iskaga baxa, waayo diintu waxay qiimo ku leedahay ku dhaqan.
Waxaan uga gunleeyahay waar nin walba oo maqaalkan akhriya waxaan ka codsanayaa in uu jimicsi bilaabo waad argataa qiimaha uu leeyahay caafimaadku eh.
Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:
Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday
Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega
Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?
Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?
Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa
Maxaad ka taqaanaa dadka waala?
Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?
Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?
Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay
Nuur Xaaji Xiiray
Nur.hersi21gmail.com.