Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye oo si weyn loogu soo dhoweeyey Gobolka Saaxil

Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid yihiin xubnaha sare ee hoggaanka, xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil kale ayaa waxay maanta safar ugu ambabaxeen Gobolka Saaxil oo todobaadkan soo socda ka bilaabmi doonta diwaan-gelinta codbixiyuhu

Weftigan ayaa waxay kala kulmeen dadweynaha gobolka Saaxil gaar tuulooyinka ku teedsan jidhka iksu xidha Hargeysa iyo Berbera soo dhoweyn diiran oo ka duwan tii ay hore ugala kulmeen Gobolka Awdal oo ay maalinta beri ah dhammaan doonto diwaan-gelinta codbixiyaha oo socotay muddo 28 maalmood ah.

Muuse Biixi Cabdi oo intii uu jidka ku sii jiray la hadlay dadweynaha reer Abdaal ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii:

“Reer Abdaal soo dhawaynta ay ka muuqato kalgacalka, xammaasadda iyo weliba ka farxinta faraha badan aad iyo aad baanu idiinka mahadnaqaynaa, dareenkiinnaanu ka arkaynaa soo dhawayntu siday tahay, waxaannu arkaynaa dadweyne cirroole, haween, dhallinyaro iyo carruur laga yaabo in qaarkood guryahoodii inay ka maqnaayeen muddo badan.โ€

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaannu u soconnaa waa diwaan-gelinta iyo in laga wada qaybqaato, dadkeennu waxay joogaan miyiga, deegaanku waa buuralay oo waddooyinku way innagu yar yihiin, markaa dadaal dheeraad ah baa la innaga rabaa dadka miyiga jooga sidii loo keeni lahaa goobaha diwaan-gelinta, waayo dadka maanta la diwaan-geliyo ayuun baa berri codaynaya.โ€

Waxa kaloo weftigu soo dhawaymo diirran kala kulmay dadka ku dhaqan tuulooyinka Lafaruug iyo Xamaas oo iyaguna ku soo dhaweeyey qalbi-furan iyo caleemo-qoyan oo ay jidka laamida ah la safnaayeen.

Sidoo kale, shacabka ku nool Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, ayaa si wayn u soo dhoweeyey weftiga Kulmiye ee Guddoomiye Muuse Biixi, kuwaas oo kumanaan qof oo muujinayey baaxadda taageerada xisbal-xaakimka soo bandhigeen, isla markaana iyagoo wata boqolaal gaadiid ah iyo fardo shaaximan kaga hortagay kaantaroolka dhanka galbeed ee Berbera, kadibna u galbiyey ilaa xarunta dhexe ee Kulmiye ku leeyahay badhtamaha magaalada oo loogu xafladeeyey dabbaaldegga dhoollatuska cududiisa taageero.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, Maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan โ€œCidinโ€ ayaa hadallo kooban oo ay halkaasi ka jeediyeen ku soo dhaweeyey weftiga madaxda xisbiga Kulmiye oo ay ku bogaadiyeen hawsha ay iska xilsaareen hirgelinta diwaan-gelinta codbixiyayaasha.

Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiye Muuse la hadlay dadweynihii soo dhoweeyey Berber waxaan hadaladiisii ka mid ahaa:

Reer Berberow maanta waxaad muujiseen ilbaxnimadii reer Saaxil, waxaad muujiseen soo dhawayntii la idinku yaqaanay, aad iyo aad baanu idiinka mahadcelinaynaa soo dhoweynta qiimaha leh ee aad noo samayseen.โ€

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Walaalayaal, dalka waxa ka jirta abaar kulul ee Ilaahay waxaynu ka baryeynaa in uu abaarta innaga soo jebiyo, in uu dad iyo duunyaba inoo barakeeyo, in Ilaahay dadkeenna walaaleeyo oo wixii khilaaf dhexdooda ku jira uu ka saaro, waxaannu ku ducaynaynaa in dhammaanteen aynu u midowno horumarinta Somaliland, difaaca dalkeenna iyo korinta mustaqbalkiisa.โ€

Guddoomiyaha Muuse oo ay dadweynuhu u yaqaanaan in uu yahay nin ad-adaga ayaa waxa uu maanta isticmaalay kalmad cusub oo aanay dadweynuhu uga baran Muuse taasi oo ahayd walaalayaal.

Halkan hoose ka daawo warka weftigan:

bandhige@gmail.com