Somaliland waxay gashay xaalad adag, waxaanay qarka u saaran tahay burbur siyasadeed, kol haddii Suldaanki qori qaatay , Boqorkii kacdoon ku dhawaaqay, Faisalna toogasho ku hanjabay. Madaxwaynahii la doortay lama hayo raq iyo ruux, Wasiirki daakhiligu wuxuu ku mashquulay timo feedhis iyo isku daawashada muraayad, xaaladiisuna waa:
“Faras qaayahiisi, qurux buu ku doorsday.”
Xaalada Madaxwayne Siilaanyana waxay la mid tahay:
“Siilaanyo ma noola , mana dhiman, muuqiiso la waayo mooyane, In uu maqan yahay ha moodina.”
Suldaan Xasan, Boqor Buur-Madow iyo Guddoomiye Faisal waxay hanjabaan ayagoo fadhiya Hudheelo qururx badan, oo ku dekaynaaya kuraas laanjeera ah, oo cabaaya caano karuur ah oo ay wejigooda ka muuqata nimco kuna dhaashdaan subag iyo sixin waxa hayaa waa kibir, shaydaanbaana dhegta u saaray waxa ay waddan oo ah fitno, qofkii kibrana waxa uu Ilaahay ka qubaa dhiisa uu haysa. Abwaan Ismail Mire waa lahaa mar uu ka tiriyey gabay sida uu Ilaahay qofka uga qubo dhiishiisa marka uu kibro:
Kulligood adoomaha rabboow, qaybsha kibistiiye,
Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kor dheer fuula ,
Bad kalluun ku jira kollay ku tahay ama fijaan kooban,
Nin waliba waxii loo katibay ,waa la kulansiine ,
Qofna inaanu soo korodhsanayn kaa ha la ogaado .
============
Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala ,
In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille,
Kuligoodba Reer-Hagar anaa kiin ah baa rogaye ,
Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede ,
Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene ,
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado ,
==============
Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey ,
Kasi waaye wuxu waa qabaal waana kabataane ,
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado .
================
Qof kuwaa ka dhigan baan arkaa kibis u laabneyne ,
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay ,
Yuu duul karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye ,
Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye.
=============
Ka shib dhaha islaamo fitnada Faysal, Buur-Madow inyo Suldaan Xassan.
Drs Hoodo Yusuf, London.