Ha lagu baaqo roob doon ay kelii ku yihiin carruurta malcaamadaha dhigtaa (WQ: Xuseen M. Maxamuud โ€œXussen-lucky)

 

Waxaa sii xoogaysanaya saamaynta abaarta oo maalinba maalinta ka danbaysa kasii daraysa, iyadoo hadaba lasoo werinayao inay bilaabantay dhimashadii dadku, waxaana muuqata in wiigaga soo socda ay isu bedeli doonto masiibo daran oo ruux kasta miyi iyo magaalaba gurigiisa ugu soo gasha haddii aan la helin deeqdii rabbi (SWT) ย eeย  waasica ahayd, waxaanad moodaa in dhibaatada taalaa ay ka balaadhan tahay wax awood binu-aadam ay wajahi karto, amaba wax ka qaban karto, tan oo kale ma ahan tii bini-aadam looga caban jiray, waayo, way ka weyn tahay baaxada binu aadamka iyo awooda bashariyadaba, waa tii xagga Alle loola carari jiray ee ilaahay looga caban jiray, ee waa inaynu xagga ilaahay u ciirsanaa, una cabanaa, inta aynu basher aan waxba ina dhaamin u cabanayno.

Arrinta kale, waxay tahay, cidhibta dhibaatada abaareed iyo odolulubka ina haystaa waa mid salka ku haya dunuubta aynu galay, ee ma ahan mid ilaahay iskala keen maagay, waa camalkeenii, taas darted, waxaa laynaga rabaa inaan xagga alle u noqono oo toobad keeno, ruux kastaabana wuu garanayaa intuu gaystay, bulshaduna waxay ka kooban tahay ashkhaas isu tagtay, ee si gaar-gaar ah iyo si guudba waa in Rabbi loogu noqdaa oo loo toobad keenaa, si uu inooga dulqaado dhibka inay haysta.

Docda kale, Inta aan ka xasuusto, ugu yaraan lix jeer ayaa aynu tukanay salaado roob doon ahaa oo ay xukuumaddu Iclaamisay, mid kastaba, marka aynu tukanao ayaa xaaladeenii sii cakirmaysay, oo xataa mararka qaar daruurihii markaas taagnaa ayaaba kala yaacay, tani, waa arin cid kastoo ahlul-caqli ahi wax iska weydiin karto, kuna cibaaro qaadan karto, oo ayย  is weydiiso, Waar maxaa Ilaahay Ducadeenii u aqbali waayay? Waar Maxaa daruurihii taagnaa kala eryaya markastoo aynu saalad roob doon ah tukanaba? Diinteena wanaagsani waxay inoo sheegaysaa inaan ilaahay ducadooda aqbalin umad xaaraanta quudata, waxay kaloo diinteenii aad u diiday xasadka/xaasidnimada, kaasoo ah maanta mid aad ugu badan dhexdeena. Caloosheenii ayaan saafi isu hayn oo siyaasad xumo kala irdhaysay, oo ay naxli isu gelisay, ย waxaana aan isleeyahay waa sababahaas iyo qaar kaloo badan waxa duceedeenii ay xagga Alle u gaadhi kari laโ€™dahay.

Isku soo wada Duuboo, waxaan ku talin lahaa in caruurteena Malcaamadaha dhigata, ee aan qaan-gaadhka ahayn, ay muddo todobaad ah oo xidhiidh ah usoo baxaan shaaracyada, iyagoo kutubtoodii, iyo looxaantoodii madaxyada ku sita oo ilaahay raxmad khayr qabta inoo weydiinaya, arintanina waa inay ka dhacdaa dhamaanba magaalooyinka waaweyn iyo Tuulooyinkaba, waxaan ku rajo-weynahay inaan ilaahay inagu ย qadin doonin baryada sebiyadeena aan qaan-gaadhka ahayn, ee aan iyagu dunuubta lahayn, halka aynu warbaahinta la taaganahay dunidaay wax nala soo gaadha habeen kasta, Rabbi lagama quusto ee aynu Kaadhkaas sebiyada isticmaalo, mar haddii kaadhkii dadkeena waaweyni uu noqday mid saafinimadiisa ay calaamatul-suaal weyni saran yahay.

Wa Bilaahi Towfiiq,

Hoos ka akhri maqaalladii hore eeย Xuseen-Lucky:

Xildhibaanadda Barlamaanka Soomaaliya ma yeelan dareen Qaran, markay dooranayaan Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya?ย 

Muuse Biixiyow, ma xabaalahaa ku codayn doon, hadduuโ€ฆ.ย 

Buubaayow, khariiradda siyaasadeed ee bedelaysaa maxay tahay?ย 

Carruurta malcaamadaha dhigta ayaa ku haboon inay rabbi Inooโ€ฆ

Ma gurmad baa mise waa tamashlayn?

Abaartii Dabadheer waxaynu haysanay Dawlad uu Madaxweyne-ku-Xigeenkeedu ahaa General Ismaaciil Cali Abokor, maantanaโ€ฆ

Waayaha dadka ay abaaruhu haleeleen iyo weedha wasiirad Samsam, laba aan is lahayn

Nidaamyada faasidka ahi waxay dadkooda baraan in ay noqdaan kuwo aan runta waajahin, dhibkoodana ay xalkeeda cid kale ka sugaan

Colaadda Gaalkacayo ka oogani, waxay ceeb ku tahay caqliga bulshada reer gaalkacayo

Wasiir Shucayboow, dalka ma Hargeysa ayuun baad ka taqaanaa ama u taqaanaa?

Tolow, goorma ayaynu garan doonaa in aynu waddo khaldan raacayno

Qalinkii:- Xuseen M. Maxamuud โ€œXussen-lucky

Burco, Email,ย husseinlucky@hotmail.com