Habka uu u dhaco musuqmaasuqa dakhliga qaranku (WQ: Iid Ismaaciil Cabdi)

 

Musuqmaasuqa dakhliga qaranka hababka ay ugu suurto gasho masuuliyiinta xilka qaranka haya waxaa ka mida  1.  Mushaharka shaqaalaha dawlada iyo 2. Kharashka adeega hawsha.

  1. MUSHAHARKA SHAQAALAHA DAWLADA

Sidaynu ka warqabno miisaaniyada qaranka ee guud  50% waxaa loo qorsheeyaa oo lagu bixiyaa mushaharka shaqaalaha haayadaha qaranka.

Sanadkii 2015 guud ahaan shaqaalaha dawladu wuxuu ahaa 15 ,273 (Shan iyo tobon kun laba boqol sadexyo todobaatan  ) qof   yagoo ku kala darajaysan sidan :

DARAJADA  TIRADA SHAQAALAHA
A 2491
B 8161
C 2231
D 2390
TOTAL  15273
   

 

Hadaba masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradaha ama  Haayadaha dawladu waxay lunsadaan   72 % dakhliga miisaaniyada qaranka ee mushahar shaqaale aan jirin ugu jirta .Markaan mudo dabagal badan ku sameeyay waxaa ii suurto gashay  inaan ogaado .

  • In Wasiirka iyo agaasimaha guud ay si gaara u samaystaan jeega lacag bixinta iyo payment voucherka uguna qoraan mushahar shaqaale aan jirin dabadeedna u gudbiyaan wasaarada maaliyada , markay saxeexaan masuuliyiinta wasaarada maaliyada iyo xisaabaadka qaranku  waxaa  jeegaas  si toosa u qaada masuulka u sareeya haayadaas ama wasaaradaas oo aan u ogolaan cidkale dabadeedna banka la taga sidaana lacagta kulabaxa isagoo shaqaalaha u fududaynaya hawshana siiya lacago yar yar  .
  • Somaliland 26 sano ee ay jirtay waxay soo maraysay marxalado kaladuwan marxaladahaas ayaa waxay abuureen in masuul   kasta oo soo mara wasaaradaha ama haayadaha dawladu uu qoro shaqaale cusub kuwaas oo aan si rasmiya u shaqayn xafiisyadii loo qaatay islamarkaana aan laga saarin liiska shaqaalaha markuu qofku ka tago wasaarada  ama uu dhinto  ilaa ay gaadhay heerka maanta ay taagan tahay oo ah in shaqaale aan jirin ama magac been abuur ahi uu ku jiro liiska shaqaalaha haayadaha dawlada .
  • Qaab dhismeed ama nidaamka shaqo ee haayadaha dawlada ee heer gobol iyo mid guud ba oon dhisnayn ama aan shaqayn islamarkaana shaqaalaha ka shaqeeyaa malaha waa jibaadkii shaqo (job-description).
  • Madaxda sare ee wasaaradaha heer gobol iyo wixii kasareeya oo mudada ay xilka hayaan aan dhisin wax nidaam ah oo ay ku shaqeeyaan shaqaalaha dawladu.

Tusaale ahaan xog ururin aan ka sameeyay gobolka togdheer waxaa ii suurto gashay inaan ogaado  lacagta mushaharka shaqaale ee loo diro isuduwayaasha gobolka u jooga wasaaradaha ama Haayadaha  wuxuu lunsado iyo intuu shaqaalaha rasmiga ee u shaqeeya siiyo .

Anigoo ka duulaa inaan si dhab ah u darso shaaqalaha ka hawl gala wasaaradaha iyo haayadaha waxaa ii suurto gashay inaan helo,

  1. Shaqaalaha guud ahaan uga diwaan gashan haayada shaqaalaha, wasaarad kasta oo gobolka Togdheer ka hawl gasha.
  2. Shaqaalaha si rasmiya uga shaqeeya xafiisyada wasaarada/haayada ee guta hawl maalmeedka maalin walba ka dhaca xafiisyada.
  3. Waxaa iyaguna jira shaqaale ku meel gaadh ah (temporary) oo caawiya shaqaalaha dawliga ah ee diwaan gashan si ay shaqada xafiiska u bartaan.
  4. Hadaba sidaad ku arki doontaan shaxdan hoose waxaa si toosa aan u helay shaqaalaha dawlada u diwaan gashan laakiin aan ka shaqayn xafiisyada dawlada ee gobolka Togdheer , taasoo ay sabab u yihiin qodobadan hoos ku xusan :
 

s/no

Wasaarada /Haayada Shaqaalaha guud Shaqaalaha si rasmiya u shaqeeya Shaqaalaha aan shaqaynba
1 W.Caafimaadka
2 W.Waxbarashada 64 54 10
3 W.Qorshaynta 12 9 3
4 W.Ganacsiga 15 2 13
5 W.Warshadaha 13 0 13
6 W.Biyaha 24 1 23
7 W.Macdanta 16 0 16
8 W.Deeganka 17 5 12
9 W.Beeraha 33 1 32
10 W.Maaliyada 102 56 46
11 W.Duulista 43 4 39
12 W.Dibudajinta 45 1 44
13 W.Diinta/Awqafta 8 1 7
14 W/X.Xoolaha 63 2 61
15 W.Hawlaha guud 39 1 38
16 W.Shaqa/bulshada 38 3 35
17 Hayada xidhiidh Rashinka WFP 23 0 23
18 H.Quality control 32 0 32
19 H.Shaqalaha Dawl 24 0 24
20 W.Dh/Ciyaaraha 38 0 38
21 W.Warfaafinta 23 0 23
22 H.Nerad 36 0 36
23 W/B.Isgaadhsiinta 28 0 28
24 H.Solnac 30 1 29
25 Ag/G/Martida
26 Wakaalada Biyaha 155 94 61
27 Baanka 61 50 11
28 W.Cadaalada 32 0 32

Sidaa shaxda sare ku aragteen wasaaradaha intooda badan waxaa ku qoran zero (0) waxay ka dhigan tahay malaha xafiis ay ku shaqeeyaan gabi ahaanba ma jirto  gobolkaTogdheer.

Shaxdan iyo chartkan hoose waxaan ku eegi doonaa  boqolkiiba shaqaalaha shaqeeya dhamaan wasaaradaha ama haayadaha gobolka Togdheer iyo boqolkiiba shaqaalaha aan shaqayn dhamaan wasaaradaha/haayadaha gobolka Togdheer .

S/NO   TIRADA BOQOLKIIBA
1 Shaqaalaha shaqeeya 285 28%
2 Shaqaalaha aan shaqayn 725 72%
  TOTAL 1014 100%
  1. KHARASHKA ADEEGA HAWSHA IYO DHISMAYAAL

Miisaaniyada qaranka ee wasaaradaha ama haayadaha  50% waxay ku baxdaa kharashka adeega hawsha iyo dhismayaal .

Masuuliyiinta u saraysa wasaaradaha ama haayadaha dawladu  waxay soo xushaan ganacsadayaal  ay heshiis ku yihiin in ay buunbuuniyaan  qalabka ay dawlada ka iibinayaan ama kharashka ku baxaya dhismaha ay u dhisayaan  . taasoo ay kala qaybsadaan lacagtaa faraha badan ee ay dawlada wax kaga ii biyeen ama ay adeeg ugu qabteen .

Hadaba waxaa u suuro galinaya musuqmaasuqa dakhliga qaranka masuuliyiinta haayadaha dawlada :

  1. Miisaaniyada qaranka iyo habka xisaabaadka oo ilaa intii Somaliland ay jirtay aan la horumarin taasoo sababtay in ay u fududaato musuqmaasuqa tusaale ahaan  wasaarada maaliyadu waxay u diyaarisaa oo ay isticmaashaa  qaabkan soo socda oon nidaam ahaan ku urursan qaybahan wasaarad kasta  laakiin aan ku faahfaahsanayn nidaam ku qorshaysan gobol  ama hawl  ujeedadu  caday .
  • Mushaharka shaqaalaha .
  • Guno Shaqaale iyo habeen dhax (perdium )
  • Shidaalka gaadiidka .
  • Gunooyinka shaqaalaha .Jaraaid , Gaadiid cusub , Dhismayaal cusub , Dayn hore , Allaabta ama stationaryga xafiisyada .

NB:  Nidaamkaa miisaaniyadu u taalo waxaa sameeyay Alle ha unaxariistee Madaxwaynihii hore Maxamed X.ibrahim Cigaal oo isagu ugu talo galay inuu wasiir kastaa ka shaqeeyo nabad galyada Reerkiisa iyo odayaashiisana uu dhaameelka ugu daadiyo si loo sugo amniga qaranka oo ahaa markaa hadafka guud ee la hiigsanayay .

TALO SOO JEEDIN (RECOMMENDATIONS)

Sidaynu kawada warqabno qaran wuxuu dhismaa  ama horumaraa markay haayadaha dawladu si fiican ugutaan shaqada ay qaranka u hayaan , somaliland waxay maanta u baahan tahay  in la dhiso qaab dhismeedka  shaqada  haayadaha dawlada ilaa heer gobol .

Hadaba waxaan talo ahaan soo jeedinayaa in madaxwaynuhu uu awood badan siiyo islamarkaana  si fiican loo dhiso  labadan haayadadood ee kala ah  :

  1. ) Haayada Shaqada Shaqaalaha& Maamulwanaaga

2) Wasaarada Maaliyada.

 HAAYADA SHAQADA , SHAQAALAHA IYO MAAMUL WANAAGA

Sidaynu kawada war qabno qaranku wuxuu leeyahay haayada shaqaalaha oo shaqadeedu tahay shaqaalaha haayadaha qaranka Somaliland , sida uu dastuurka Somaliland dhigayo waa haayad dastuuri ah oo lagu ladhi karo ama lagu kordhin karo hawlaha qaranka horumarinaya ee uu madaxwaynuhu garto .

Anigoo madaxwaynaha qaranka Somaliland usoo jeedinaya waxaa talo ahaan soo jeedinayaa in laysku daro Haayada shaqaalaha  , haayada maamul wanaaaga iyo qaybta shaqada ee wasaarada qoyska iyo shaqada   si ay u noqoto Haayada Shaqada Shaqaalaha iyo maamul wanaaga .

Haayada shaqada,  shaqaalaha iyo maamulwanaagu  waxay dajinaysaa siyaasada ama nidaamka shaqada  shaqaalaha haayadaha dawlada Somaliland yadoo haayad kastaa yeelanaysa qaab dhismeed ilaa heer gobol ah  mustaqbalkana lagu fidin karo ilaa heer degmo  islamarkaana ku daba galaysa fulinta iyo daadajinta shaqada haayadaha qaranka Somaliland .

Haayada shaqada shaqaalaha iyo maamulwanaagu  waa in ay is waafajisaa  baahida haayadaha qaranku  shaqaale aqoon leh u qabaan iyo  baahida shaqola’aaneed ee dhalinyarada aqoonta leh ee  ku nool gobolada Somaliland . Tusaale ahaan xog ururintan aan ka sameeyay haayadaha dawlada ee gobolka Togdheer  waxaan ku helay  in 330 shaqaale ah loo baahan yahay markaan sameeyay qaab dhismeedka haayadaha dawlada ee gobol Togdheer  anigoo ka tix raacay xafiisyada dawlada dhexe ee hargeisa iyo mabaadiida ay u dhisan yihiin qaran ahaan  .

  1. WASAARADA MAALIYADA

Wasaarada maaliyadu waa halbawlaha uu qaranku  ku horumaro hadii ay ku dadaasho ilaalinta iyo dabargoynta musuqmaasuqa yadoo si wada jira u kaashanaysa haayada shaqada , shaqaalaha iyo maamulwanaaga iyo Wasaarada qorshaynta Qaranka Somaliland ,  isla markaana raacaysa nidaamka iyo baahiyaha u qorshaysan haayadaha dawlada .

Wasaarada Maaliyadu waa in ay dajisaa Xeerka maamulka iyo maaliyada ee ay raacayaan haayadaha dawladu  wakhtiyada samaynta miisaaniyada iyo wakhtiyada ay isticmaalayaan lacagaha loogu talogalay hawlaha haayadaha dawlada u qorshaysan  .

Wasaarada Maaliyada gaar ahaan Xafiiska Xisaabiyaha guud ee qaranku waa in uu si dhab ah u raacaa xeerka maamulka iyo maaliyada isagoo adeegsanaya waaxaha xafiiska xisaabaadka qaranka  ee haayadaha dawlada   wakhtiyada lacag bixinta  ,  iibsiga Agabka iyo ilaalinta hantida qaranka  .

Xeerka Maamulka iyo Maaliyadu wuxuu qayb laxaad leh ka qaadanayaa  ama uu halbawle u yahay daadajinta shaqada haayadaha dawlada iyo ka midho dhalinta hadafka horumarinta qaranka , xeerkan oo faahfaahsana waxaad ka dheehan kartaa buug aan ka qoray qormadan .

WAXAA DIYAARIYAY: IID ISMAIL CABDI  

TELEPHONE: 063-4421588

Email: iid4001873@gmail.com