17 arday ayaa lagu tabobaray farsamaynta elektarooniga

Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa loo qabtay 17 arday oo lagu tababaray xirfadda elaktarooniga (electronics), waxaanay ardaydaasi waxbarashadaasi wadeen mudo sanad ah waxaanay qaateen shahaadada Diploma. Mashruucan lagu tababaray ardaydan waxa uu ka mid yahay mashruuca horumarinta cilmiga II kaasi oo ay Somaliland ku caawiyeen midawga yurub waxaanay u soo mariyeen hay’adda SCF taasi oo wada shaqayn dhow la leh wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska. Waxa ardaydan ay waxbarashadooda ku soo qaateen dugsi gaar loo leeyahay oo ka mid ah machadada dhifta ah ee bixiya aqoonta farsamadda gacanta. Waxa xafladan ka soo qayb-galay madax ka socotay hay’adda SCF, Madax ka socotay wasaaradda waxbrashadda iyo sayniska, Xubno ka tirsan ururka warshadlaydda Somaliland, madaxda dugsiga Dayaxa oo ardaydan soo tababaray, ardayda qalin-jabinaysey, waalidiin iyo dad-weyne kale oo aad u tiro badan.

Ugu horeyn waxa munaasibadan ka hadlay maamulaha dugsiga Dayaxa oo ardaydan wax soo baray Eng; Maxamuud Cabdilaahi Axmed, waxaanu ka xog waramay ardaydan iyo mudadii ay wax soo barayeen waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; mudanayaal iyo marwooyin waxa noo farxad ah in aad nagala soo qayb-gashaan munaasibadan qalin-jabinta ah ee aan u qabanay ardaydan aan soo barnay xirfadda Elegtarooniga (electronics), waxaana ardaydan kharashka ay wax ku barteen ka bixisey hay’adda SCF, waxaana laga soo xulay ardaydii dugsiyadda sare dhammaysatay ee awoodi waday in ay galaan jaamacaddaha dalka, waxaana lagu soo xulay ardaydan si cadaalad ah taasi oo intoodii ugu liidatay dhaqaale ahaan la qaatay. Bilawgii waxay ahaayeen ardaydani 20, laakiin hadda waxa waxbarashadoodii dhammeystay 17 arday oo kaliya. waxan ardaydan kula dardaarmayaa in ay waxbarashadooda halkaa ka sii wadaan. waxa kale oo mudane maxamuud uu sheegay in ardaydan qaar ka mid ahi hadaba ay shaqo heleen oo ay maanta kaga maqan yihiin ka soo qayb-galka xafladan, taasina waxay cadayn u tahay sida farsamadda gacantu muhiimka u tahay.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Eng: Daahir Isaaq Jibriil oo ah madaxda hay’adda SCF waxaanu ka xog waramay mashruucan lagu tababaray ardaydan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; ardaydan mashruuca lagu tababaray waxa uu ka mid yahay horumarinta cilmiga II oo ay midawga yurub ku soo caawiyeen Somaliland taasi oo ay u soo marisey hay’adda SCF. Ka dib falanqayn dheer oo aan wada yeelanay wasaaradda waxbarashadda iyo saynis ee Somaliland waxa noo cadaatay mashruucani in uu ka qayb-qaadan karo kobcinta iyo kor u qaadka dhaqaalaha dalka jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteed waxa muhiim noqotay in aan xirfadan iyo kuwa kaleba aanu ku tababarno dhallinyaradda ka soo baxay dugsiyadda sare ee dalka kuwaasi oo dan yar ah oo awoodi waayey in ay galaan jamacadaha dalka. waxan ardaydan kula dardaarmayaa in ay daacad u ahaadaan xirfadaa la baray oo aanay noqon kuwii dadkeenu ku maahmaahi jireen ee ahaa “farsamo yaqaan oo dhammi waa beenaalayaal, haba ahaado bir laabe”, waxa la idinka doonaayaa in aad fikirkaasi bedashaan oo aad hawsha aad qabanaysaan u gudataan si daacadnimo iyo xilkasnimo ku dheehan tahay.

Waxa ugu danbayn munaasibadaasi ka hadlay Agaasinka waaxda farsamadda ee wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Axmed Faarax Caynaan, waxaanu ku dheeraaday sida ay muhiimka u tahay farsamadda gacantu, waxaanu sheegay haddii sidaa loo sii joogteeyo ardaydan lagu tababarayo dhanka aqoonta farsamadda gacanta in dalka laga dareemi doono horumarka balaadhan ee ay horseedi doonto arrintani. Dhanka kale waxa uu agaasimuhu hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda dhammaysatay waxbarashaddan kuwaasi oo mudo sanad ah aqoontan baranayey, waxaanay qaateen shahaadada diploma-da. Waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dawliga ah, waalidiin, ganacsato iyo qaar ka mid ah ardayda qalin-jabinaysey, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimadda balaadhan ee guud ahaan mihnadda farsamadda gacantu u leedahay dalka iyo dadka jamhuuriyadda somaliland. ugu danbayntii waxa ardadaasi la gudoonsiiyey shahaadooyin iyo qalab arday waliba ku hawl-gali doono, kaasi oo shaqada la baray wax badan ka caawin.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiraddii Munaasibadaasi:

Xigasho: kibaar2012.wordpress.com