Waxay ahayd daba yaaqadii sanadkii 2007,Waxa aan isla maalintaas ka soo laabanay safar gaaban oo aan ku tagnay anniga iyo saaxiibkay “MOSCOW” annaga oo ku sii wajahan,KHARTOUM, waxaan transit ku ahayn “DOHA”QATAR, waxa la gaadhay wakhtigii aan soo kori lahayn diyaaradii noo soo qaadi lahayd dhincaas iyo Khartoum.
abaaro 2:00 pm duhurnimo, markii ay nala soo kacday diyaaradii ee cabaar aan hawada ku so jirnay ayaa waxan arkay wiil dhalin yar ah oo dhinicii aan ka fadhiyay diyaarada u soo socda ilaa uu kursiga agtayda oo madhnaa markaas uu soo fadhiistay,wax dareen ah maan siinin waxan u arkaayay uun inuu yahay qof jeclaystay in uu halkan sofadhiisto.
anniguna wax niyad ah umaan haynin inaan qof kale sheeko la furo oo naftayda Ayaan aad ula shawrsanaa markaas.
cabaar ka dib Ayaa wiilkii inta uu dhankayga soo fiirshay igu yidhi isaga oo ku hadlaaya afka carabiga, iga raali noqo ma somali ayaad tahay? Haa soomaali Ayaan ahay Ayaan ugu jawaabay si dhib la’aan ah, inta uu dhoola cadeeyay ayuu igu yidhi anniguna walaalkaa Ayaan, intaas ayaa waxa uu sii raaciyay soomaali Ayaan ahay magacayguna waa maxamad.
inta aan fiirshay ayan ku idhi anniga oo afsomali ku hadlaaya, haa sax soomaali baad tahay, soo dhawaw walaal, intaas hadii aan idhi, ayuu iigu jawaabay, waan ka xumahay ma aqaano afka soomaaliga, hadiiba aan aamusay oo aanan wali wax jawaab ah bixinin ayuu marlabaad illa hadlay isaga oo ku hadaaqaay erayadan:
xeedho….. xeedho , aroos… aroos, luqmad….. luqmad.
Intaas markuu yidhi Ayaan ku qoslay, kadib wuxuu bilaabay inuu iiga sheekeeyo qisadiisii, isagoo ii sheegay inuu soomali yahay ku dhashay sudan, kuna nool magaalada kasala, waxa kale oo iiga sheekeeyay sidii aabayaashii ay ku yimaadeen wadanka sudan, iyo soomaalida kale ee ku nool isla magaaldaasi.
Wuxuu iga waraystay halka aan ka imiday iyo sobobta aan u tagaayo Khartoum, waxan u sheegay inaan ahay arday halkaas wax ka barta anniga iyo sxbkay maxamad oon markaas wada soconay, waxaan uga sheekeeyay qisadii naga qabsatay safarkii aan ku tagnay Moscow aniga iyo sxbkay, sifiican ayuu iga dhagaystay, kadib waxan la hadlay sxbkay oo aan ugu yeedhay inuu yimaado halka aan markaas ka fadhinay diyaaradda, halkii ayayna isku barteen labadoodii.
Daba yaaqaddii sanadkii 2009, mar aan safar gaaban ugu soo amba baxay inaan soo booqdo familkaygii iyo sxbaday anniga oo markaas ku soo wajahan addis ababa oo ahayd goobta diyaaradu ku eegtahay, si aan inta kale gaadhi ugu safro, taas oon aad u jeclasanaayay.
Sobobo jiray awgeed waxan ka habsaamay wakhtigii ay ahayd inaan imaado madaarka, hawlahayga safarna aan ku dhamaysto wakhtigii loogu talo galay, taasi waxay keentay inaan noqdo qofkii ugu dambeeyay ee diyaarada soo kora.
Markii aan diyaarada gudaha u soo galay ayay indhahaygu mushaaxeen diyaarada dhaxdeeda sidii wax iga lumay aan raadinaayo oo kale,waxaan isha ku dhuftay gabadh somaliyed oo dhinaca bidix kaligeed kursi ku fadhida.
Maan fiirinin pording past kii aan sitay si aan u aqoonsado meesha ay tahay inaan fadhiisto, balse sidii aan u socday Ayaan tagay halkii ay gabadhu fadhiday waxan boorsadaydii gashaday halkii loogu talo galay, kadib Ayaan su’aalay gabadhii, iga raali noqo ma ku ag fadhiisankaraa? Yes you can sit ayay iigu jawaabtay, aniga oo dhibsanaya afka qalaad ee ay igula hadashay, balse ku shardamaya inaan isbaaradaas jiidhi doono markay diyaaradu cagaha dhulka ka qaado cirkana isku shareerto.
Hadiiba aan wali wax hadal ahi afkayga ka soo bixin ayay gabadhi ila hadashay iyada oo leh : at the ground the climate was hot, but here in the sky its too cold, anniga oo u malaynaya ku hadalka afka qalaad inuu mukur dumar yahay Ayaan ugu jawaabay, but I feel cool not cold, inta ay qososhay ayay tiri: ha ila yaabin afki somaligi sifcan uma garanayo that’s why an ugu hadlaya English. Iyadda oo labda afba mataanaysay.
Sheeko gaaban oo haasaawe ragg ka madhnayn ka dib waxay iga sheekaysay ilwaad qaybo ka mida nolosheeda, hadiiba sheekadii aan isla jaan qaadnay ayaa waxa is fahan darro soo kala dhax galay mid ka mida rakaabkii diyaarada saarnaa iyo mid kamida shaqaaihii diyaarada oo iyagu is aff fahmi waayay.
Ilwaad ayaa kala dhax gashay unna kala turjuntay labadoodii, sidii ayayn mushkiladii ku dhamaatay, kadib Ayaan su’aalay ilwaad waadigan afka xabashiga qururuxinaayee ilayn show itoobiyaanbaad ahayd, inta dhoola cadaysay ayay tirri, haa waan ahay, but I m not pure Ethiopian ayay sii raacisay.
Waxay diyaaradii aan saarnayn soo cago dhigatay addis ababa, markii aan soo dhaafnay imigrationka ee aan soo gaadhnay albaabkii aan dibadda uga bixi lahayn madaarka, ayaa ilwaad I su ‘aashay ayaa ku sugaaya, waxan u sheegay inayna jirin cid I sugaysa, balse magaalada aan kal garanayo, waxa kale on u sheegay in isla maanta galinka dambe an u sii dhaafi doodno dhinacaas iyo boorama.
Markii aan dibada aan u soo baxay ayay indhahaygu qabteen jawiga aadka u quruxbadan, daruuro ayaa dul hoganaaayay magaalada,waxan isha la raacay magaalada intii ishaydu ay markaas qaban karaysay anniga oo xasuusanaaya xasuuso hore oo igu soo maray isla magaaladan.
Waxa laga jooga dhacdada hore muddo 10 sanno ah, halka dhacdada dambe ay ka soo wareegtay muddo 8 sanaddood ah.
Hadda Ayaan ogaaday waxa wiilkii soomaaliga ahaa ka soo kiciyay halkii uu fadhiyay ee uu agtayda u yimiday in ay hayd in uu raadiyo qof ay asal ahaan isku jiidh yihiin.
Hadda Ayaan ogaaday ereyadii maxamad ku dhawaaqaayay xeedho.. xeedho aroos .. aroos in ay ahayd ereyo salka ku haya dhaqanka somalida, uuna rabay in uu muujiyo dhaqankiisu waxa uu yahay iyo halka uu yahay, si uu uga baxo jeelka dhaqan ee uu ku jiray markaas.
Hadda Ayaan ogaaday in jeelku uusan ahayn mid afar gidaar lagu dhax xidho qofka, balse uu yahay jeelka dhabta ahi jeelka dhaqanka, afka, iyo xaddaarada.
Hadda Ayaan ogaaday ku dhawaaqista ereyadaasi in ay u ahayd maxamad, dal ku gal dhaqan, si uu u muujiyo dhalashadiisu halkay ay tahay annigana ii shiki tiro, si masaafada noo dhaxaysa ee dhanka afka ah uga gudbo.
Hadda Ayaan ogaaday in waxa aan ka dhax raadinaayay markii aan diyaarada soo galay uu ahaa wuxii uu wiilkaas ka dhax raadinaayay diyaaradii uu saarna, aanan sidaas isku diyaarad u ahayn labadaas jeer muddoba ha u dhaxaysee.
Hadda Ayaan ogaaday sobobta ilwaad ay ii lahayd but i am not pure Ethiopian in ay ahayd in ay ka xorowdo isla jeelkii wiilkii ku jiray, anniguna aan ku jiray isla saacadaas balse aanan dareensanayn.
Markii uu maxamad ku dhawaaqaayay ereyadaas waan ku qoslay, lakin 10 sanno kadib anniga ayaa dib iskugu qoslay, fursad umaan helin inaan dib ula kulmo maxamad iyo ilwaad si aan ugu cudur daarto, balse waxan fursad u helay inaan idinla wadaago dhacdadan.
Waxaa Qorey: Mukhtaar Cali Maxamed