HADDII AAD 28 SANNO JIR KA YARTAHAY FURSAD WEYN BAAD HAYSATAA: (1)..W/Q:(Kamal Marjaan)

21 illaa 28 sanno jir waa cimriga ugu muhiimsan da’da qofka, waayo waa sannadaha saamaynta ugu badan ku leh jaangooyada masiirkiisa iyo inta badan jidka uu ku socon doono noloshiisa inta ka hadhay. Waxaa se barbar socda isbedello nololeed iyo xitaa mararka qaarkood dhinaca hormoonnada ah oo qofka xilligan ku yimaadda, kuwaas oo keeni kara mashquul iyo xaalado nafsi ah. sidaas awgeed inta badan qofku maba ogaado muddada ay ku daafayaan sannadahani.

Maqaal lagu baahiyey shabakadda Arabic Post ayaa talooyin siiyey dhalinyarada ku dhex jirta da’dan, waxa aanu uga digay in ay qofku u deymo la’aado arrimahan. Talooyinkaas oo aynu kuwa ugu sii muhiimsan soo koobnay waxaa ka mid ah:

1. Noloshaada si sax ah seeska ugu dhig:

Noloshu sideedaba waa ‘Waqtig, caafimaad iyo maal’. Da’dan marka aad ku jirto ku dadaal in aad labada hor hayntooda fara adaygto, adiga oo aan ku mashquulin lacag iyo ka fikirka adduun helista, xitaa shaqo in aad hesho ha ku lumin waqti. Waayo waa ay adagtahay in saddexdan arrimood aad mar wada hesho.

Waa da’da waxbarashada, adkaynta caafimaadka, kobcinta aqoontaada guud iyo dhismaha waayo-aragnimada. Ku fara adayg labada hore, una diyaargarow waqti uu maalku iman doono laakiin labadan midkood meesha ka bixi doono, taasina ay dhantaali doonto dadaal kasta oo aad yoolkaaga ku higsanayso.

2. Wax akhris
Waa da’da qofku naftiisa ku tababari karo dhaqanka uu rabo. Caadayso wax akhriska, xitaa haddii ay noqonayso in aad ugu yaraan 2 illaa 10 bog akhrido Maalintii.
Waxaa laga helaa anshax wanaag, maskax furnaan aan xuduud lahayn, hab-fikirka oo toosa, garaadka oo kobco iyo in aad hesho xog aad u badan oo noloshaada jiheysa. Waxaa ka sii muhiimsan in akhrisku uu kordhiyo kalsoonida nafta.

Akhrisku waxa uu u baahdaa la qabsi, sidaas awgeed Bilowga waa uu dhib bataa. Waxa aad taas kaga gudbi kartaa in aanad waqti gaar ah u samayn, akhri mar kasta oo aad firaaqo hesho iyo meel kasta oo aad joogtaba, ugu dambayn caado ayaa uu kuu noqonayaa.

 

 

xigasho:kamal marjaan

bandhige@gmail.com