Haddii aad Bad leedahay waxaad u adeegaysaa adduunka, haddii aanad lahayna waxaad u adeegaysaa wadamada jaarka (WQ: Mukhtaar Xasan Axmed)

Ugu Horayn Illaahaybaa Mahad leh(SWT) runtii waxaan jeclaystay in aan idiin soo gudbiyo warbixin ka hadlasa qaar ka mida wadamada adduunka oo aan haba yaraate waxa badda lahayn laakiin ku tiirsan baddaha wadamadda ay jaarka yihiin, arinnta xiisaha leh waxay tahay inay jiraan waddamo aan bad lahayn iyadoo wadamadda la jaarka ahina aanay lahayn waxa badda haba yaraate.

Runtii sababta igu dhalisay ayaa ahaa nimcadda aynu haysanno iyo sida adduunka qaar uga qatan yahay Badduhu waa halbowlaha wadamada horumaray iyo kuwa soo koray taasoo ay kaga faaโ€™idaystaan dhinacyo badan; haddii ay noqon lahayd ganacsi isku xidha waddamada adduunka taasoo ay xooga saaraan dhinacyadda soo dajinta iyo waxa dhoofinta ,dalxiis ay ku soo dalxiisaan dadka ajaanibka ahi,kalluumaysi laga soo saaaro nimcaddaa illaahay ku dhaliyey.
hadaba faaโ€™idadu baduhu u leeyihiin wadamadda waxaynu ku soo koobana saddexdan qodob ee hoose
โ€ข Waxay qayb laxaad leh ka qaataan kobaca dhaqaale ee waddanka iyo waddamadda la jaarka ah
โ€ข Waxay laf dhabar u yihiin warshadaha wadanka taasoo ay kala soo dagaan alaabaha si ay u sameeyaan wax soo saar balaadhan.
โ€ข Waxay qayb ka yihiin difaaca iyo amaanka waddanka dhinacyadda kala duwan ee ciidanka.

Haddii aynu u daadagno ujeedada qoraalkeenan waxay u qaybsamaan waddamada adduunka ee aan lahayn badduhu laba nooc waxayna kala yhiin.
1. Landlocked counties = nooca koobaad waa waddamo aan lahayn waxa badda laakiin la jaara hal ama laba wadan oo leh badda taasoo ganacsigiisu guud ahaan ku xidhan yahay waddankaa ay waxa kala soo dagayaan.dhibaatada ugu wayn eewaddamadani wajahaan waxa weeyi kharashaadka aadka u badan ee ku baxaya kala soo gooshida ama socdaalka alaabaha ee waddanka kale soo dhexmarasa maadaama uu kharashku laba jbaar yahay marka la barar dhigo kuwa leh baddaha,waxa kale oo meesha ka baxaya kalluumaysigii,dalxiiskii,ganacsigii taasoo curyaaminasa dhaqaalihii waddanka maadaama dhaqaalaha waddanka intiisa badan ku tiirsan yahay waxsoosaarka.

Guud ahaan adduunka waxa ku yaalaa soddon iyo kow wadddan(31 countries) oo aan lahayn waxa badda oo 15 ka mid ahi ku yaallaan Africa, 12 Aasiya, 2 Latin America , 2 badhtamaha iyo bariga Europe.
Hadaba waddamadani %50 wax ka badan waxay ku bixiyaan kharashka Keenidda alaabaha marka la barbardhigo kuwa leh baddaha, sidoo kale %60 ganacsigoodu wuu ka hooseeya ganacsiyadda kuwa leh baddaha.
2. Doublelanlocked countries= runtii waddamadi way ka sii waxsoosaar iyo ganacsi yaryihiin kuwa iyaguna aan lahayn baddaha. Waddamadani waxay la daaladhacayaan quutal daruurigii.
Dhinaca wax soo dajinta waddamadani markay alaab la soo dagayaan waa inay ka gudbaan laba waddan ama xadd taaso culayskeeda iyo kharashkeeda aad dareemayso alaab laba waddan transit ku noqonasa.
Waxayna kala yihiin laba waddan oo kaliya waana sidan;
โ€ข Liechtenstein oo ku taala badhtamaha Europe, Xaddna la leh laba waddan oo kaliya oo aan lahayn waxa badda Switzerland and Austria.
โ€ข Uzbekistan in oo ku taala badhtamaha Asia,xadna la leh shan waddan oo aan lahayn waxa badda Afghanistan, Kazakhstan, Kyrgyzstan, Tajikistan, and Turkmenistan.

Waa Bilaahi towfiiq
Mukhtaar Xasan Axmed
Mukhtarxassan4@gmail.com