Xidhiidhka cusub Eratariya gacmo diirran iyo kii Jabuuti oo aan waxba laga bedelin (WQ: Rashiid Odowaa)

 

Inkastoo Jabuuti xidhiidh jaarnimo iyo ehelnimo ka ย dhaxayso, in kastoo xidhiidh siyaasaded ka dhexeeyo Jabuutyi iyo Somaliland haddana marnaba Jabuuti uma hagar baxdo Somaliland waxa aad u qiimo badnaan lahayd inay dhex ka noqotto arrinta Somaliland iyo Somalia hase ahaattee dhinac ayay u ciirsan tahay waxayna Somalia u haysaa Jacayl Xad dhaaf ah.

Waxa xusid mudan maalintii Eritrea ay isku dhaceen Jabuutti 2008 kii Xilligii Xukuumaddii Rayaale,Somaliland waxay is garab taagtay Jabuuti Hiil ayay u mujisay,waxa kaloo xusid mudan Somalia iyadoo Jabuuti Ciidan ka joogaan nabad ilaalin ah,iyadoo aan la soo koobi Karin Hiilka ay Jabuuti u gasho Somalia, ayaa haddana Xukuumadda farmaajo ka hiilisay dhowaan,ka dib markii ay si wada jir ah Golaha amaanka ee UN ay baaq ugu wada direen Abby ahmed iyo Farmaajo in cunaqabatynta laga qaado Eritrea,waxa aan waxba laga soo qaadin Gardarrada ay Jabuuti tirsanaysay ee ah in Gasiiradda(Raas Dumera) ay Eritrea ka qabsatay iyo 13 askari si gardarro ah.

Booqashada uu xamar ku tagay,Ismaciil Cumar geelle isagoo ay la socdaan Fanaaniin gayiga Somalida caan ka ah,ayay reer Somalilnd u fasireen inuu raadinayo Geelle Midnimo Somaliyeed,isagoo ka ilduufay ama aan kula xisaabtamin Farmaajo hiilka uu ka hiiliyay Jabuuti,waxana muuqattay inaanu hadalkiisa ama Qudbadiisa aanay ka muuqan hal kalmad ah oo muujinaysa inuu dhex ka yahay arrimaha Somaliland iyo Somalia,waxana laga dheehan karayay inuu isu muujinayo inuu isagu yahay ka Somali isku haynaya,ee aanay waddan kale xaq u lahayn inuu soo dhex galo arrimaha Somalida,waxa ka muuqatay dareen ah inuu ka dagaalamayo wada hadalka Somalia iyo Somalilnd ee Ghana ee dhowaan uu shaaciayay madaxweyne Muuse biixi.

Inkastoo ay Jabuuti iyo Somaliland xidhiidh leeyihiin haddana waxad moodda in Jabuuti ay,xagga danbe ka tuurto Saxiibtinimada Somaliland oo ay marar badan damaqdo boogta reer Somaliland,ee ah inay midnimo ย raadiso taas oo reer Somaliland aad uga damqadaan,Jabuuti waxay ku leedahay arrintaas canaan waxana la gudboon inay arrinta Somalia iyo Somaliland mowqif cad oo dhex ah iska taagto,waxa fiicnan lahayd inay Siyaasadda Ishaafalatada (hypocrite) ah ka baxdo ee ugu yaraan ay dhex uun ka noqoto arrimaha Somaliland iyo Somalia.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea iyo la taliyaha madaxweynaha ee Eritrea ay Hargeisa ku yimaadeen ayaa ah arrin taariikhi ah,waxay naxdin iyo u qaadan waa ku noqonaysaa Jabuuti iyo Somalia labadaba, waxana muuqatta inay midhihii Samirka Umadda Reer Somaliland ay bislaadeen,Waxana soo hooban doona oo u soo kala dheereyn doona waddamo badan oo Adduunka iyo Gobolka geeska Afrika.

Haddaba maxaa Somaliland la gudboon? Waxa la gudboon in Siyaasad miisaaman la ciyaaro cidna aan waji xun la tusin,xidhiidhka Eritrea ee Curtay Gacmo diirran waa in lagu soo dhoweeyaa,Xidhiidhkii Jabuutina waa in la ilaaliyaa oo aan la xumaynin way wanaagsantahay siyaasadda Dhex-dhexaadka ah (Neutral),taariikhduna way qoraysaa ninkii caano ku siiyay iyo kii gaawe madhan kugu seexin jiray.

Waxa kaloo Somaliland la gudboon inay Door jilaa ah (Actor) ka noqotto geeska Afrika,waa inay han yeelato ay isku dayi karto inay khilaafka Geeska afrika iyo nabadiisaba door muhiim ah ku yeelato.

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213