Kudkiiyoo kabo loo Tolay “Jinkiiyoo jaamo loo to lay” (WQ: Boodhari Warsame)

 

Macallin Saciid Saalax Axmad ayaa iiga sheekeeyay waa “Kacaankii Barakaysnaa” la yiri wax “Labakaclayn” la yiri ayuu samaynayaa.

Waa tii boodhadh waawayn oo M.S. Barre iyo kooxdii hoggaanka sare ku la jirtay ay ku sawiranyihiin meel kasta ee isha dadwaynuhu qabato lagu dhejin jiray (Big Borothers).
Waxaa kale oo jiray kuwo farshaxanno kala duwan oo kicin/dhiirrigelin/hanuunin loogu talagalay lagu dhigi jiray.

Haddaba, waagaa “Labakaclaynta Kacaanka” lagu jiray ayaa waxaa la soo saaray tabbeelle wayn oo xarafka K oo labada lugood ee hoose kabo buud ah loo geshay ku sawiranyahay. Waxaa laga waday in Kacaankii hadda kabo cusub xirtay oo uu labakaclaynta u illaday.

Oday Saciid Saalax, maaddaama uu dhaqan iyo suugaan yaqaan yahay, waxa u muuqday oraahda Soomaalidu tiraahdo “Kudkii oo kabo loo tolay” ama “Jinkii oo jaamo loo tolay”.

Isla markiiba qolooyin uu garanayay ayuu u sheegay musiibada meesha ka muuqata ee haddii aan wax laga beddelin uu marka Kacaanku ogaado ciddii ka masuulka ahayd hawada lagu duban doono.
Markaaba la kala orod oo K-dii kabaha laga bixi!

“Inta dhogortaadu dhantaahaa la dhawrsadaa”, inta aadan tabeelle taaginna (mid siyaasadeed, ganacsi, xayaysiin ….iwm) waa in qoraalka iyo sawirradu farriinta ay dirayaan laga fiirsadaa iyo sida dadka akhrinayaa u qaadan karaan oo laga baraandegaa. Afka lagu qorayana waa in la saxaa oo la sharfaa, kuu donaba ha noqdee.

Waxa Qoray: Boodhari Warsame