Haddii rag badan weli ku riyoonayaan in halgankii Somaliland uu dhammaaday oo ay ku libin sheeganayaan in dalka ay iyagu xorreeyeen, waxa hubaal ah in aan weli halgankaasi dhammaan, maalinba maalinta ka dambeysana ay hoggaamiyeyaal iyo jiilal cusubi halkaas ka sii wadayaan dedaalka lagu doonayo siddii dalkan loogga dhigi lahaa qaran jira oo ka mid noqda dalalka la aqoonsan yahay, suurto-galna noqon mayso in halganka Somaliland kaliya lagu soo afmeero wakhtigii lala dagaalamayey kalitaliskii Siyaad Barre.
Dhammaanba intii u soo shahiiday, u soo dhaawacantay, u soo rafaaday, u soo agoomowday, asayna u soo qaaday xoreynta dalkan, abaalweyn oo aan la hillaabi karin ayeynu dhammaanteen u haynaa, waana tilmaan timaado kasta ku xardhanaan doonta quluubteena, hase yeeshee haddii Guddoomiye Muuse Biixi uu hore qeyb uga soo ahaa halgamayaashii dalka xorreeyey ee weliba qori caaraddii ku soo xorreeyey maanta halganka weli socdaa maaha mid qori caaraddii salka ku haya, waa halganย u baahan xirfad aqooneed oo xeel dheer, waa halgan u baahan furfurnaan iyo debacsanaan siyaasaddeed oo bulshada caalamka innaga iibin karta, waa halgan aan xulashadiisu u baahnayn ka libin sheegashada abaal dalku kugu lahaa oo aad hore ugu soo gashay.
Halganka maanta, timaado kastana way xusi doontaayee, waa halgan uu ka soo midho dhallin karo Guddoomiyaha Waddani oo aan hubno in uu leeyahay hanka iyo kartida aqooneed iyo weliba midda waayo aragnimeed ee bulshada caalamka lagula xidhiidhayo, ka midho dhallinta xaajadana waa midda qudha ee aynu baahida xoogga ah u qabnay dhowr iyo labbaatankii sanno ee u dambeeyey.
Faraqa maanta u dhaxeeya Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixina, waa kaliya laba hoggaamiye oo u kala bisil siyaasadda arrimaha dibedda oo ku kala suntan furfurnaan iyo ad-adkaan, mana dhici doonto guul aynu saadaasheeda xaqiiqsanay in aynu u loogno una gowracno cid aan masiirka ummadda ahayn.
Biseylka siyaasaddeed ee salka ku haya furfurnaanta iyo debecsanaanta diblomaasiyaddeed waa hoggaaminta kaliya ee innagu hagi karta dariiqa guusha, si aynu uga mid noqono dalalka la aqoonsan yahay ee aynu hore tab iyo xeeladba ugu weynay ka mid noqoshadooda.
Ugu dambeyntii, haddiiba uu Guddoomiye Cirro ka midho dhalliyo hadafka iyo himilada qaranka Somaliland iyo weliba sida oo kale horumarinta dalkan faqiirka ah oo sida oo kalena qaba baahiye kale oo aad u tira badan, waxa uu isna kaalinta halgan ku geli doonaan mujaahidnimo maadaama uu ugu dambeyntii soo gebo-gabbeeyey halgankii ay hore ugu soo shahiideen kumanaanku, waxaana dhowr iyo labbaataneeyo sanno ka dib loo deb-baal degi doonaa xuska maalinta aqoonsiga Somaliland, halkii hore looggu deb-baal deji jiray xuska maalinta dib-u-la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.
Weli Halgankii Dawladnimo Muu Dhammaan!!!!.
Ha Socoto oo Ha Samaato Somaliland!!!!.
khadar Cabdi Xasan(Gureyte)
Hargeysa, Somaliland