Shirkii iskaashiga Somaliland iyo Itoobiya oo la soo gabagabeeyey, heshiisna lagu kala saxeexday

Wefti ka socda Itoobiya oo ku hoggaaminayo Ambassadord Saloma iyo masuuliyiin ka tirsan laamaha dawladda Somaliland oo shirkii afaraad ee labada dal uga socday labadii maalmood ee u dambeeyey ayaa soo gababgabooyey.

Shirkan ayaa waxa lagu kala saxeexday heshiisyo iskaashi ay ka mid yihiin dhinacyadda ganacsiga, korontada, bilowga khad tareen, wadooyinka, waxbarashada, ammaanka, isticmaalka iyo iisticmaalka dekedda Berbera.

Kulankii afaraad ee guddiyada wada-xaajoodka dalalka  Somaliland iyo Itoobiya oo muddo laba maalmood shir uga socdeen Berbera, ujeedadiisuna ahayd sii xoojinta iyo balaadhinta xidhiidhka iyo iskaashiga labada wadan oo mudooyin faro badan soo taxnaa, isla markaana hore heshiisyo la xidhiidha u dhex mareen.

Qodobada heshiiskan ayaa dhowaan lagu wada saxeexi doonaa shirka kale oo ka dhici dalka Itoobiya gaar ahaan Adisaba.

Halkan hoose ka daawo warka shirkan:  

bandhige@gmail.com