Iska-hor-imaad ku dhex maray Calais ciidamada booliska Faransiis iyo muhaajiriin

Faransiiska oo bilaabay burburinta xerada qaxoontiga ee Calais kadib weeraradii Paris, ayaa waxa rabshado horlehi ka bilaabmeen dekedda Calais oo wakhti ay doonayeen muhaajiriintii laga burburiyey ooshada ay deganaayeen ayaa waxa isku dayeen in u gudbaan dhinaca Ingiriiska.

Ciidamada booliska Faransiiska ee ka hortaga rabshadaha ayaa waxa isku dayeen in ay kala eryaan muhaajiriinta, iyadoo socota burburinta xerada qaxoontiga Calais.

Xiisad ayaa ka aloosnayd bannaanka hore ee xeradaasi oo ay muhaajiriinta ku jiraan, iyadoo muhaajiriintu ay ku yaaceen dhanka dekedda.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay sheegayaan in muhaajiriintu ay tahay in ay tagaan goob kale oo ka tirsan dalkaasi basle muhaajiriinta ayaa ka cabsi qaba in arrintaasi ay sababi karto in lagu khasbo in ay magan gelyo weydiistaan Faransiiska oo ay u suurtagali weydo in ay Ingiriiska galaan.

bandhige@gmail.com