Dawladnimadu waa wax wada lahaansho, ma ah wax isa-siin
Maanta oo ay taariikhdu tahay 29ka bisha blabaad, Feebarwari, 2016, waxa aan Bandhige ka akhriyay maqaal uu soo daabacay 14kii isla bishan Feebarwari. Maqaalkan oo uu ciwaankiisu ahaa “ Maalinta coddeynta, fahamka liita iyo siyaasiga Awdal” waxa qoray saaxiibkay Maxamed Xaaji Cumar. Markii aan akhriyay maqaalka, waxa ii soo baxay laba amuurood oo igu dhaliyay in aan jawaabtan qoro. Ta koowaad oo ah, fahan la’aan wayn oo saaxiibkay iyo inta la aragtida ahba ka haysata siyaasadda dhabta ah ee gobolka Awdal. Runtii gobolka Awdal waa uu ka duwanyahay goballada kale ee Soomaalilaand, sidaa darteed, fallanqayn kasta iyo saadaal kasta oo la sameeyo iyada oo aan la tixgalin duruufihiisa gaarka ahi sax noqonmayso. Ta labaadna waa duruufaha gaarka ah ee ku gadaamman siyaasiga reer Awdal.
Sida uu saaxiibkay ku sheegay qoraalkiisa, waxa uu talo iyo nasteexo uga dhigay reer Awdal in ay fahmaan siyaasada i sii aan ku siiyee, si ay uga badbaadaan hadimo siyaasadeed oo danbe. Waxa kale oo uu sheegay in lexejeclo gaar ah uu u hayo dadka reer Awdal. Waxa uu Maxamed yidhi “Sababta Gobolka Awdal aan u soo qaatey maanta waa iyada oo Gobolka aan wax badan isku nahay. Lexejeeclo bandanna iga hayso oo dheerri ahi”. Aniguna ma beensan hadalkaa oo waan qabaa in aanu Maxamed wax wanaaji mooyee aanu islahayn wax xumee.
An soo qaato qaar ka mid ah qodobada Maxamed qoraalkiisa ku jira ee aan isleeyahay wuu il-duufay. Maxamed waxa uu sheegay (a) Cabashada xagga saamiga ee reer Awdal oo uu ku macneeyay, haddii aan fahmay, fahan la’aanta reer Awdal aanay fahmin siyaasadda ” i sii aan ku siiye” (b) Is-barbardhigga uu is-barbardhigay gobollada Awdal iyo Togdheer, isaga oo aan Maxamed habayaraatee tixgalin kala duwanaanshaha labada gobol. Tixgalin la’aantaasi waxa ay tustay Maxamed, natiijo aan sax ahayn aragtidayda. Natiijadaas oo ah, in ay dadka reer Togdheer siyaasadda fahmeen halka dadka reer Awdal oo ay dad badani ku tiriyaan dad ilbax ahi aanay fahmin siyaasadda, (c) Siyaasadda ah i sii aan ku siiyee iyo sida uu ugu dabbaqay Soomaalilaand.
Aan ku horreeyo arrinta cabashada saami-qaybsiga reer Awdal iyo sida uu saaxibkay u macneeyay. Maxamed waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaya guushii uu Kulmiye ka gaadhay doorashooyinkii 2010 “ Gobolka Awdal oo uu taaggeerro aad u yar ka helay ilaa iyo hadda waxa uu ka cawdaa saami-qabysiga dawliga ah”. Halkan waxa ka muuqata in aanu Maxamed aad u fahmin cabashada reer Awdal ee xagga saami-qaybsigu waxa ay salka ku hayso iyo waliba xilliga ay bilaabantay. Haddaba su’aashu waxa ay tahay goorma ayay cabashda reer Awdal bilaabantay? Ma guushsii Kulmiye ee 2010 ayay la bilaabantay sida Maxamed u dhigay? Maya, cabashada reer Awdal, oo ay dad badani gar u arkaan, waa ay ka horraysay guusha Kulmiye. Taa bedelkeeda dad badan baa qaba in Kulmiye wax ka bedelay xagga saami-qaybsiga Suldaan Wabar hortii, inkasta oo aan lagu qancin. Tusaale ahaan waxa uu Kulmiye kordhiyay tirada wasiirada ee gobolka.
Waxa kale oo uu Maxamed yidhi isaga oo wali ka hadlaya gobolka Awdal ” Laakiin, inta badan dadkiisu ma fahamsana sababta keentay in ay Wasiirrada shillis ee dalku leeyahay wax ku yeellan waayaan”. Haddii aan sax u fahmay, waxa uu Maxamed leeyahay, haddii ay dadka reer Awdal cod badan siin lahaayeen Kulmiye waxa ay heli lahaayee wasiirro culus. Anigu taa ma qabo, wasiirro culculusna looma magacaabeen (ma aha siin) xataa haddii aanay reer Awdal madaxwayne u sharraxnaan lahayn oo ay cod badan siin lahayaayeen Kulmiye. Taa bedelkeeda waxa aan qabaa, in magacaabis la’aanta wasiirro culculus aan loo magacaabin reer Awdal iyo reer Soolba ay tahay siyaasad xumada kolba cidii hoggaanka haysa. Ta kale, anigu ma qaboba in wasiirada iyo magacaabistoodi ay qayb ka yihiin saami-qaybsiga maadaama uu madaxwaynuhu xaq distooriya u leeyahay in uu wasiirkii uu doono u magacaabo cidda uu doono.
Arrinka labaad ee aan is leeyahay saaxibkay Maxamed, waa uu il-duufay waa is-barbardhigga uu ku saameeyay gobollada Awdal iyo Togdheer. Maxamed waxa uu yidhi,
Kala duwanaanshaha labada gobol (Awdal iyo Togdheer) waxa aan ku sababbeynayaa in uu yahay dhinaca fahamka siyaasiga ah. Waayo Togdheer waxa uu fahamsan yahay in si kasta oo uu cid ugu coddeeyo, aannu kalidii soo saarri karin Madaxweyne, halka ay Awdal intaa siyaasiyiinteedu hore uga il-duufeen maanta na ay u egtahay in ay wali il-duufsan yihiin
Halkan waxa uu Maxamed is-leegta ka ilaaway in ay gobolka Awdal ay ka sharraxnaayeen 3 qof oo u tartamayay madaxwayne ku xigeen, taas oo dabcan keentay in codka reer Awdal uu qaybsamo, halka gobolka Togdheer uu nin kaliya oo waliba madaxwayne ahi u sharraxnaa. Waana taa sida aan qabo sababta keentay kala duwanaashaha labada gobol ee ma aha fahan siyaasadeed oo Togdheerna fahantay Awdalna il-duuftay sida uu Maxamed u macneeyay. Arrinta kale ee ay had iyo jeer dadku il-duufaan ee saaxiibkayna qoraalkiisa ka muuqataa, waa arrinta ah in ay reer Awdal u arkaan reer kaliya hayb ahaan. Runtii arrintaasi sax maaha, si la mid ah sida gobollada kale ee Soomaalilaand, reer Awdal waa beelo kala duwan oo ku loollama siyaasadda. Waliba, waxa gobolka Awdal u dheer in uu mar walba saddex musharrax leeyahay.
Arrinta saddexaad ee uu saaxiibkay Maxamed il-duufay waa sida uu u dhigay siyaasadda i sii aan ku siiyee. Maxamed waxa uu yidhi ” Yeelkeed, maanta dardaaran kaygu waxa uu daaran yahay, yaan Awdal mar dambe is hodin. U malleyn maayo in Kulmiye baddellayo siyaasaddii ahayd in uu xisaabta ku bixiyo isii aan ku siiyee (Covenant of Voting)”. Horta anigu ma qabo in siyaasadda uu Maxamed sheegay ay Soomaalilaand ka shaqayso, haddii ay ka shaqaysana way ila-qaldantahay aragti ahaan. Sababtoo ah, (a) madaxwaynaha la doortaa uma aha madaxwayne cidda doorata oo kaliya ee waxa uu madaxwayne u yahay dalka iyo dadka oo dhan. Waxana looga baahanyahay in uu si siman oo caddaalad ah ugu shaqeeyo ummadda. Soomaalilanad waxa ay u baahantahay isbedal siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho. Isbedal siyaasadeed oo uu xisbigu ku cod doonto waxa uu qabtay iyo horumarka uu dadka iyo dalka gaadhsiiyay ee aanu ku cod doonan tirada iyo nooca wasiirada ah ee uu dadka iyo beelaha siiyay ama uu siin doon (b) waxa aan qabaa in ay musuqmaasuq tahay in madaxwaynuhu gobal ama cid tixgalin gaar ah ku siiyo cod badan bay i siiyeen, haddii ay dhacdo arrintaasi waxa ay meesha ka saaraysaa hore u socodkii xagga dowladnimada iyo maamul wanaagga (c) ta ugu danbaysa uguna muhiimsan ee ay ”i sii aan ku siiyeedu” keeni kartaa waa in ay meesha ka saarto isla-xisaabtankii u dhexeeyay shacabka iyo dawladda. Waxa kale oo ay keenaysaa in dadka iyo shacabka waxqabad looga dhigo wasiir loo magacaabay sida haddaba muuqata.
Ugu danbayn, qodobada aan kor ku xusay ee aan isleeyahay saaxiibkaa wuu il-duufay waxa ay ka dhigayaan siyaasiga reer Awdal mid ka duwan siyaasiyiinta kale ee Soomaaliland, gaar ahaan kuwa beesha dhexe. Kow, siyaasiga reer Awdal waxa uu ka soo jeedaa shacab aaminsan in ay Soomaaliland cid gaar ahi leedahay. Haa waa dhab oo dad badan, oo waliba dhallinyar ah, oo reer Awdal ah ayaa u arka in Soomaaliland laga leeyahay. Haddii aad i waydiiso sababta, hal eray baan ku soo koobi karaa oo waa ”saami-qaybsiga” oo ay u arkaan in ay cid kaliyihi qaadatay wixii la wada lahaa. Laba, siyaasiga reer Awdal waxa uu hormood ka yahay ama ku daba taxanyahay saddex xisbi midkood. Waa dhab in siyaasiyiinta kale ee Soomaalilandna la mid yihiin oo ay xisbiyo kala duwan ka mid yiniin. Ta Awdal u gaarka ah ee aan lala wadaagin waa, in gobolka Awdal yahay ka kaliya ee saddex musharrax Madaxwayne ku xigeen leh ee la soco saaxiib.
FG: Halkan ka akhri Maqaalka Maxamed oo dhamaystiran
http://bandhige.com/maalinta-coddeynta-fahamka-liita-iyo-siyaasiga-awdal-w-q-maxamed-xaaji-cumar/