Doorashada isreeb-reebka Maraykanka oo qaybtii ugu badnayd maanta qabsoomayso

Murashaxiinta doonaya in ay Madaxwaynenimada Maraykanka u tartamaan bisha November iyaga oo xisbigooda matalaya ayaa maanta wajahaya isreeb-reebkii ugu weynaa ee loo yaqaano Salaasada wayn.

Isreeb-reebkan ayaa waxa uu maanta ka dhacayaa laba iyo toban gobol oo ay soo saari doonaan musharaxii meteli lahaa Jamhuuriya iyo Dimuqraadiga.

Tartanka ayaa waxa uu ka dhacay Massachusetts oo dhacda dhanka waqooyi ilaa Alaska oo iyaduna dhacda waqooyi galbeed ah.

Isreeb-reebka afartii gobol ee hore ayaa waxa guulo waa weyn ka soo hooyey Donald Trump iyo Hillary  Clinton.

Dhanka kale Senetar Ted Cruz ayaysan u cuntami karin in Trump uu kaga guulaysto gobolka Texas maadaama ay tahay halka uu ka soo jeedo, Trump ayaa ka soo jeeda Massachusetts.

Hillary Clinton ayaa rajaynaysa in ay maalmaha fasaxa ah sabtida iyo axada ay guul ka soo hoyiso Koonfurta Carolina halkaas oo ay si wayn ugu codeeyeen dadka Madaw ee Maraykanka ah si ay uga soo kabato guul daradii ay kala kulantay New Hampshire oo ay guushu ka raacday Bernie Sanders oo ay tartan iskula jiraan.

Sideedda bisha November dadka Maraykanka ah waxay dooran doonaan qofkii badali lahaa Madaxwayne Brack Obama.

bandhige@gmail.com