Wasiirka warfaafinta ayaa waxa digniin u diray Puntland

Maamulka Puntland oo isku dayey in uu guduhu u soo galo xuduudka ay wadaagaan gobolka Sool ayaa waxa jawaab adag ka bixiyey shalay qaar ka tirsan ciidanka Qaranka kuwaas oo ugu baaqay Puntland in si degdeg ah fara ugala baxdo deegaanada bixin ee ay fara-gelinta qaawan ku hayaan.

Sidoo kalena waxa shir-saxaafadeed xafiiskii ku qabtay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani, waxaanay ugu baaqeen Puntland in ay faro-gelinta ay ku hayso deegaanada Sool ka dayso, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:

Jamhuuriya Somaliland waxay ka digaysaa faro-gelinta qaawan ee cadaawaddu ku dheehan tahay ee Puntland oo ka tirsan dawladda aanu jaarka nahay ee Soomaaliya ku hayso deegaanadda Somaliland ee gobolka Sool, iyadoo Puntland bilowday deegaamayn tuuladda Buura-wadal oo ka tirsan gobolka Sool.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Somaliland waxay xaq u leedahay in difaacato xuduudaheeda iyo ciideeda duruufkasta oo jirta, faraha kama laabanayso ilaalinta dadweynaha iyo jiritaankeeda.”

Waxay kama dambaystii uu baaq u diray maamul goboleedka Puntland, waxaanu yidhi:

“Waxaan ugu baaqayaa maamul goboleedka Puntland ee ka tirsan Soomaaliya in ay si deg-deg ah ugala baxdoo ciidankeed iyo joojisana deegaamaynta.”

Sidoo kale waxa uu baaq u diray ururada Jaamacadda Carabta, beesha caalamk, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Halkan hoose ka daawo war-saxaafadeedkan:

bandhige@gmail.com