Dablay hubaysan oo dishay taliyihii qaybta booliska Saaxil

koox dablay hubaysan ayaa waxa weerar ku dileen tayihii qaybta booliska Saaxil Cabdirisaaq Yuusuf Casayr. Taliyaha ayaaa waxa ay wada socdeen Guddoomiye-ku-xigeen Gobolka, labadan masuul ayaa waxay hawl nabadeed ugu ambabaxeen tuuladda Dhibiijo oo ka tirsan degmada Sheekh, markii ay marayeen duleedka tuulada Biyooley ayaa waxa koox dablay ah oo ku sugnay halkaas ku sugnaayeen kooxdii weerarka ka gaysatay dhismihii dekedda Ceel-gerdi rasaas ku fureen gaadhigii ay saarnaayeen taliyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Saaxil.

Dhismaha dekedda Ceel-gerdi ayaa waxa hakada la galiyey kadib markii odayaal ka tirsan deegaanka Ceel-gerdi iyo maamulka gobolka Saaxil heshiis ka gaadheen.

Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Saaxil oo la socday taliyihii ayaa waxa uu ka warbixiyey sidii ay wax u dhaceen, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa weeyi halkan ayaanu ka baxnay aniga iyo Cabdirisaaq, waxaanan u kacnay dhinacaa iyo tuuladda  Dhiibiijo oo qolooyin isku laayeen, nabad-gelyo darano ka dhacday oo dad beeralay iyo gaadiidley ahi, hawshaasaa ayuu Cabdirisaaq yidhi aynu u baxno, markaanu gaadhnay duleedka tuulada Biyaley ayaa waxa rasaas nagu furay koox dablay ah, ka dib waxay ku dhacda marxuunka iyo Askari nala socday.”

Dhanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Waddani ayaa waxay tacsi u direen ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Cabdirisaaq Yuusuf Casayr Taliyihii Qaybta Gobolka Saaxil.

Halkan hoose ka daawo warka dilka Taliyaha oo kuu ka waramayo Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Saaxil:

bandhige@gmail.com