Hal Shay oo Aanad Qarin Karin ! W/Q:(Maxamed C/kariim Axmed (Shiil) )

naftaada iyo kalsooni gelinta naftaada, adiga oo siyaabo gooni ah uga shaqaynaya.

Bal haddaba aynu in yar isdul taagno qaabka aad u ilaalinayso fayo-qabkaaga maskaxeed; waana sidan soo socota:

Midda 1aad, si aad xididdada ugu saarto caadifadaha taban ee cadhada, calaacalka, xasadka, hiirtaanyada, iyo shalaytada, waa in aad samayso go’aan aan ka noqosho lahayn oo aad ku aqbalayso in aad masuul buuxa ka tahay wixii ku saabsan noloshaada, wax kasta oo aad tahay iyo wax kasta oo aad noqon doonto. Waa in aad iska dayso in aad cudur daarro samayso amaba in aad cid kale u calaacasho. Waa in aad naftaada u aragto, in ay tahay awoodda waxsoosaar ee taagantaada iyo timaadadaada gaarka ah. Waa in aad fahamto in aad tahay meesha aad joogto iyo qofka aad tahay; sababtuna ay tahay xulashooyin iyo go’aamo aad hore u samaysay; maadaama aad samaysay xulashooyinkaas iyo go’aamadaasna, kaliya adiga ayaa masuul ka ah naftaada.

Midda 2aad, waa in aad dusha u ridato maaraynta noloshaada adiga oo naftaada ku qancinaya in aad tahay qof firfircoon. Sabab u noqo in ay wax dhacaan halkii aad sugi lahayd ama aad rajayn lahayd sida aad dooneyso in ay wax u dhacaan. Waa in aad isu aragto maareeye isbedel halkii aad isu arki lahayd dhibane isbedel. Haddii aanad mabsuud ku ahayn qayb noloshaada ka mida, mashquul noqo oo samee wax arrintaas ku saabsan, laakiin diid oo ha ogolaan caadifadaha tabani in ay soo afjaraan shakhsiyaddaada ama in ay heedhheedh galiyaan himiladaada.

Midda 3aad, waa in qorshayaal qoran oo xayaabo tirani ay kuu degsan yihiin si aad u xaqiijiso. Maalin walba waa in aad ka shaqayso ahdaaftaada waaweyn. Waa in aad laasinto dareen hore-u- socodnimo oo ku siinaya tamar iyo xamaasad. Ku sandulee naftaadu in ay ku mashquulsho ka shaqaynta waxyaabaha muhiimka kuu ah ee aanad ka werwerin in wakhti kaaga lumo xaalado aan munaasib kuu ahayn oo aanad xakamayn karin. Waxa jira wax aad qaban karayso iyo wax aanad qaban karayn, qabo waxa aad qaban karayso; haddii se aad ka werwerto wax aanad qaban karayn waxa meesha ka baxaya wixii aad qaban karaysay; waxana aad lumisay wakhti iyo tamar.

Midda 4aad, waa in aad aqoonsato in aqoonta iyo xirfaddu ay yihiin xalka madaxbanaani maaliyadeed. Bartaha wax badani, kasbadaa wax  badan. Mar kastoo aad barato wax ku saabsan aqoontaadii jaamacadeed ama shaqada aad hayso, waxa sii badanaya fursadaha aad heli doonto si aad u adeegsato aqoontaada sarre u sii kacaysa. Marka aynu horumar ka hadlayno, waa in taagantaadu kaaga duwanaato tagtadii, si timaadadaaduna uga duwanaato taagantaada. Ogow haddii aanad hore u marin in aad dib u dhacayso.

Midda 5aad, waa in aad aqoonsato in horumarinta shakhsinimo iyo khibradnimo ay ka mid yihiin wax akhrinta, dhegaysashada barmaamijyada maqalka ah, ka qaybgelidda koorasyo cilmi iyo siminaaro iyo in aad qaadato fursad kasta oo aad kor ugu qaadayso aqoontaada iyo xirfadaadaba.

Midda 6aad, shayga mar walba ugu muhiimsani waxa uu yahay, adiga oo maanka ku haya in aad noqoto waxa mar walba aad ka fekerto. Intaa kadib, naftaada waxa aad si joogto ah ugu laylin doontaa in ay ku dhegto waxyaabaha ay rabto iyo inay ka go’do waxyaabaha aanay rabin.

 

Qore: Maxamed C/Kariim Axmed (Shiil)

Bandhige@gmail.com