𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗿𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝗦𝗵𝗮𝗮𝗰𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗱𝗱𝗶𝗱𝗮 𝗫𝘂𝗹𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗫𝘂𝗯𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗞𝗼𝗺𝗶𝘀𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗫𝘂𝗾𝘂𝘂𝗾𝗱𝗮 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗺𝗮𝗵𝗮

Xog-hayaha guud ee golaha guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinasr Aadan Beegsi ayaa sheegay in guddida soo xulista xubnaha komishanka xuquuqda aadamaha qaranku ay yeesheen kulankoodii u horeeyay, sida ku cad xeer num/39/2023.

 

Xog-hayaha golaha guurtida ayaa sidoo kale sheegay in guddidaasi soo xulaysa komishanka uu Madaxwaynuhu magacaabay kuwaasi oo kala ah laba xubnood oo ka imanaya golaha guurtida iyo sidoo kale laba xubnood oo ka imanaya Garsoorka iyo sadex xubnood  oo uu madaxwaynuhu soo magacaabo kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin.

 

Maxamed Cabdiraxman Cali

Axmed Saleebaan Jaamac

Cali Xasan Cawaale

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble

Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur

Garsoore Cabdiraxman Xuseen Caynaan

Xildhibaan Axmed nuur aw-Cali Aadan

 

Xog-hayuhu waxa uu intaasi ku daray in ay guddidu doorteen gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen kuwaasi oo kala ah Dr. Axmed Saleebaan Jaamac iyo Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur.

 

Gebo’gabadii waxa uu sheegay inay soo saareen wargalinta abuurista xafiiska Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee shanta sano ee soo socda madaama oo ay mudadii ka dhammaatay komishankii hore, waxaanay ku wargaliyeen dhammaan muwaadiniinta danaynaya inay ka qayb galaan tartan xulista komishanka Xuquuqda Aadamaha ee qaranka Somaliland inay furanka qabashada araajida codsigu.

 

Bandhige@gmail.com