Halgankii halgamaagii hal-adayga badnaa: Muj. Cabdiraxmaan Maxamed Case (WQ: Mustafe Axmed M Geedi)

Maanta waxan jeclaystay inaan idinla wadaago mid ka mid halgamayashii naftooda iyo wakhtigooda u huray Somaliland. Waa Mujaahid. Kornayl.Cabdiraxmaan Maxamed Case. waa mid kamid ah geesiyadii ay ku dhaadan jirtay jabhadii xaqu-dirirka ee SNM. waa mujaahid ku caan baxay geesinimo,hal-adayg iyo hogaan dagaal. Waa taliyhii qaybtii 1aad ee SNM oo kamid ahayd qaybihii ugu xoganaa SNM.

Waa Taliye ku/xigeen-kii Ciidamadii SNM ee weererka kula baxay, 11-maxbuus oo ku jiray xabsigii ugu adkaa uguna weynaa waqooyiga, markii tirsiga tariikhdu ahaa 3-1-1983-kii. bal ila dhugo sidii wax u dhaceen iyo kaalintii uu mujaahidku ku lahaa dagalkaas.

Waa ciidamdii ugu horeeyay ee SNM. ee intay xuduuda kasoo talabeen ku dhex-dagalamay gudaha dalka. ee waliba xooga ku qabsaday xabsiga wayn ee mandheera.

SNM waxay diyaarisay 25-12-1982-kii Ciidamo naftood hurayaal ah, oo ay ugu talo-gashay inay gudaha u galaan Xabsiga Wayn ee Mandheera .ciidamadaas waxa loogu talo galay inay xabsigii mandheera kala baxaan, 11-xubnood oo ku jiray xabsiga .oo kamid ahaa odayashii iyo waxgaradkii uu rajiimkii siyaad barre u xidhay inay tageraan jabhadii SNM.waxa kale oo xabsiga ku jiray dhalinayro laga soo xidhay dhagax-tuurkii Uffo ee hargaysa. oo ka kobnaa ilaa 7-xubnood oo lagu xukumay dil toogasho ah. dhalinyaradaas oo wakhtigii la toogan lahaa oo taag-nayd ayay kusoo beegmeen nasiib wanaag. waxayna kamid ahayeen dadkii maalinta SNM kala baxday xabsiga mandheera.waxa kale oo xabsiga laga sii daayay ilaa 700- oo maxbuus. oo qaar kamid ahi ay xabsi daa’iim iyo dil ku xukunayeen.

Ciidamada waxa hogaaminayay labo taliye oo kala ahaa Muj.Maxamed Xashi Lixle iyo Col.Cabdiraxmaan Maxamed Case. taliyaha ciidmadu Mujaahid Lixle ayuu ahaa taliye ku/igeenkuna muj.Cabdiraxman M Case ayuu ahaa. Qaybta sahanka waxa u qaabilsana Duuliye/sare Maxamed Maxamuud Xayd.

25/12/1982-kii ayay SNM sakootiyeen saxIibadood oo geeri iyo nolol aan la malayn karin midka ay noqon donaan(geeri iyo nolol). Waxa sii gunaanaday oo sakootiyay. saadka iyo saanada milatry usoo dhamaystiray muj.Maxamed Kaahin oo ahaa taliyihii ciidanka ee qaybta bari ee SNM  iyo ku xigeenkisii Cali hayaan AHUN.waxay ahayd habeen Axad ah.25/12/1982-kii .codsiga ciidanka lagu soo habeeyay waxa lahaa muj. Lixle.

Maalmo badan oo sahan ahaa kadib. waxay qaadatay 7-cisho.weerarku waxauu bilaabmay 2;30. maalin isniin ah 3-1-1983-kii. tirada ciidamada SNM waxay ahayeen ilaa 41-mujaahid .ciidamadu waxa isu qaybiyeen labo qaybood. qayb weeraraysa dugsiga tababarada oo tiradoodu dhamayd 32- mujaahid. waxa taliye u ahaa Muj. C/raxman M Case. waxaa ku wehelinayay Sarkaal sare,C/xakiim Maxamed Aadan .qaybta jeelka weerar-tayna waxay ahayeen 9-xubnood oo u taliye u yahay muj. Maxamed Xaashi lixle.Waxa ku jiray duuliye sare maxamed maxmuud xayd.

Mar mujaahid Xayd iyo Col.C/raxmaan maxamed case ay qoraal ka qoreen hubkii ay siteen maalintaas waxa uu ahaa sidan. “qori AK/47 ah(boobaha culus).4-bomb gacmeed. iyo qoriga baasuke ah”.iyo hubka fudud” weerarku si kadis ah ayuu ku bilaabmay dagaalku waxa uu socday ilaa 20-daqiiqo.

Markii dagaalku socday cabaar. ciidamadii tirada badnaa ee dugsiga tababrka joogay way khlakhaleen oo isku dhex-yaceen. waxay noqdeen kuwo baxsaday iyo kuwo dhuunta ama is-dhiiba, tirada ciidamada dugsiga tababrka joogay ee faqashtu waxay ahayeen 72-askari. halka kuwa ilaalada jeelku ka ahyeen 14-askari.waxa dhintay labo askari oo ka tirsanaa ciidamada faqashta iyo tiro dhawac ah oo kale.SNM-ta waxa ka dhawcmay labo mujaahid oo kala ah Jamac Qarash iyo Cabdi Yusuf Fandhiye oo dhawac fudud noqday.sidaa ayuu ku guulaystay duulankii ay hogaminayeen Lixle iyo C/raxmaan M Case.waana maalin kamid ah maalmaha ku xardhan maalmihii guusha ee SNM iyo umada reer somaliland. malaha waa is iloobaye’ aan usoo laabto dagaal-ruugi iyo halgamaagii Col.C/ramanan.Maxamed Case iyo maalmihisii kale. oo aan hal qoraal iyo wax lamid ah lagaga bogan karin lkn waa dhibic kamid ah tariikhdii halgankiisa ee Col..Muj.C/raxmaan M Case”.

Aan usoo laabto maalmihii kale ee mujaahidka aynu rabno inaynu xusno. Muj.C/raxman Maxamed Case.waa maalin kale oo xusuus mudan iyo 1988-kii C/raxmaan M Case waxa uu noqday taliyihii guud ee Qaybta 1aad. oo ahaa ciidamadii ugu awooda badnaa SNM. dagaal faraha lagaga gubtay ayaa dhexmaray iyaga iyo ciidamada dawlada. badhtamihii bishii Oct-1988-kii. waxaana weerar kusoo qaaday ciidamdii faqashta, iyagoo qaybta kowaad ee uu taliyaha u ahaa Col.C/raxmaan Maxmed Case hagaaminayay ka war heshay. waxaa labad ciidan iskaga horyimadeen. meel u dhaxaysa tuulooyinka beer iyo gumbur libaax.halkaas ayay labada ciidan fooda isku dareen, waxa dhexmaray dagaal faraha lagaga gubtay oo tariikhda SNM ku xardhan..waxaa tarax-beelay dhimasho iyo dhawaac labada dhinacba.taliyhii qaybta kowaad C/raxmaan Maxamed Case si xun ayuu maalintaas u dhawacmay.gacan ilaa garbka iyo cududa ayaa si xun u burburay oo dhawaac culus ayaa gaadhay.darawalkiisuna wuu ku dhinatay oo ahaa. mujaaahid la odhan jiray basbaas(AHUN).

Waa maalmo kooban oo kamid ah maalmihii mujaahidkii waynaa ee Col.muj.C/raxmaan Maxamed Case .waa dhibic kamid ah tariikhdii halgan ee halgamaagii Hal-adayga badnaa.

Tariikhadan aniga ayaa soo uruuriyay waxanan kasoo dheegtay. meelo kala duwan.gaar ahaan waxan kasoo dheegtay mujaahid xayd oo ka hadlay iyo Col.c/raxmaan maxamed case.sidoo kale waxa qaybo kamid ah aan kasoo waariday waraysi laga qaaday muj.c/xakiim maxamed aadan waraysi ay idacada radio hargaysa ka qaaday intaanu dhiman 1995-kii (AHUN).

Dagaalkii Ulasan wuxuu kamid ah dagaaladii uu mujaahidku wacdaraha ka muujiyay.waa dagaal faqshta lagu weeraray oo jidgooyo lagu sameeyay iyagoo soo bilili-qaystay magalada Burco.waxayna noqdeen wa la dilay iyo wax dhaawcma iyo qaar baxsada.

Alaah mahad-leh

Mustafe Axmed Maxamed Geedi (Geedi Yare)

mustafea179@gmail.com

Facebook. Mustafe Ahmed Geedi

Burco-somaliland