= Aragtida koowaad: waxa ay leedahay wakhti aad u fog geyiga Soomaalida waxa ka jiray beel aad u tiro badan oo awoodeeda ballaadhan ugu talin jirtay, kuna xukumi jirtay beelaha kale oo dhan. Lama garanayo waxa la isku qoonsaday, waxaase la sheegay beelihii kale is-bahaysteen inay dagaal ku qaadeen kuna jebiyeen beeshii awoodda badnayd. Ayaandarro intii la diley mooyee intii kale oo maxaabiis laga dhigay ayaa xero lagu ooday, halkaasina ay badankoodii silic iyo gaajo ugu le’deen. Dadkii ka hadhay beeshii laga adkaaday darxumo darteed xeradii ciqaabta qaar baa ku dhintay. Maalintii qof xerada ku dhintaba, bulshadii kale waxay halhays ka dhigatay weedha” maanta Mid Go’”. Weedhaasi waxa loola jeeday maantana qof baa dhintay. Intii yarayd ee ka badbaaday Allena ka samatabixiyey xeradii ciqaabta, maadaam oo aanay lahayn xool iyo beertoona, waxa ay noqdeen dabato, islamarkaana waxa ay dantu ku keliftay inay nolol-maalimeed ka dhigtaan kuna shaqaystaan meheradaha Soomaalidu ka faanto sida, ugaadhsiga, kabo-tolis, bir-tumis, timo xiiris, xool-qalidda IWM. Waxa kale oo weliba lagu sameeyey bahdil iyo ab dhalasho doorin, iyada oo lagu tolay halhays ah” MID GO’”. Magaacsi oo muddo ka dib isu rogay hayb-beeleed oo la takooray.
= Aragtida labaad: waxa ay leedahay, oday la odhan jiray Gorgaarte Hawiye ayaa laba wiil dhalay (Maxamed iyo Maxamuud). Seben lagu jiray xilli jiilaal iyo abaar darani dhacday oo gaajo darani asiibtay dadka, oo dabadeedna naftu ku daba yaraatay ayey heleen neef bakhtiyey, waxa aanay dantu ku kelliftay inay neefkii bakhityey hilibkiisa wax ka cunaan. Markay ka dhargeen, ee naftii ku soo noqotay ayuu Maxamed Gorgaarte neefkii bakhtiyey hilibkiisii badh u soo qaatay si uu sahay uga dhigto, balse walaalkii Maxamuud wuu diiday inuu wax hilib ah qaato. Sidoo kale ayuu Maxamuud hilibkii neefka iska matajiyey. Markay gurigoodii ku soo noqdeen, waxa ay aabahood u sharraxeen wixii dhacay, odaygii wuxuu u qaadan waayey inay wiilashiisu bakhti cuneen, dabadeedna wuxuu u yeedhay wax-garadkii beesha, arrintii dhacday ayuu hordhigay. Arrintani waxa ay noqotay wax cusub (ugub), waxaana loo xilsaaray xeerbeegti go’aan ka soo gaadha waxa laga yeelayo, wiilashan shilku ku dhacay. Ka dib xeerbeegtidii waxa ay go’aamiyeen in Maxamed Gorgaarte la takooro oo aan la guursan faraciisa, maadaam oo ahayn geyaan la siman bulshada inteeda kale. Go’aankaasi wuxuu horseeday in faracii Maxamed Gorgaarte loo aqoonsaday MIDGO, waxana la raaciyey kooxihii hore loo takooray.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraac: C/qaadir Aroma AHN…….Hadimadii Gumeysiga (2005)