Heerarka Uu Soo Maray Dhaqaalaha Caalamku Soomaalilaan Ugu Deeqay Ee Soomaaliya xannibtay.

Sannadkii 2005-tii ayey Hay’adda UNDP dejisay nidaam qorshe oo guud ahaan Soomaalida ku dhaqan wixii la isku odhan jiray Soomaaliya wax loogu qaybinayo, maadaama oo lagu kala baxay nidaamkii dawladnimo. Waxa ay dejiyeen in saddex qaybood wax loo siiyo, kuwaasi oo kala ah: Soomaalilaan, Puntland iyo badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Qorshahaasi wuxuu soo gaadhay ilaa sannadkii 2013, hasayeeshee waxa doonay inuu meesha ka saaro Raysal Wasaare Saacid, waxaanu ku dooday in dawladiisu ay dalka oo dhan metesho.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka horyimid qorshaha Raysal Wasaarihiisa, waxaanay arrinti ku soo beegantay iyada oo ay socdaan wadahadalladii Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Ka dib Xasan Sheekh wuxuu soo jeediyey in Soomaalilaan gaar looga dhigo wixii la siinayo (Somaliland Special Arrangement). 2018-kii ayuu Farmaajo, Raysal Wasaarihiisa Xasan Cali Khayre iyo wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed diideen inay cusboonaysiiyaan heshiiskii Soomaalilaan gaar wax loogu siinayayey (Somaliland Special Arrangement). Raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed wuxuu arrinta ka ahaa daawade dantiisa raacay oo hal mar kamuu hadal. Sidii ayaa loo joojiyey dhammaan wixii Soomaalilaan gaar loo siin jiray waana muddo shan sanno ah, ilaa maanta oo sannadku yahay 2022.

 

Nasiib wanaag kooxdii u midowday shirqoolka iyo cunaqabateynta Soomaalilaan waxa daaqada ka baxay Xasan Cali Khayre, Jamaal iyo Oomaar, waxaana hadhay Farmaajo. Lacagta uu shalay fasaxay Raysal wasaare Rooble waa isla deeqihii sida gaarka ah Soomaalilaan loo siin jiray ee kooxda Farmaajo xannibtay oo is-gaadhay.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com