HCTV wuxuu ka mid yahay warbaahinta ugu firfircoon, uguna horaysa warbaahinta ku hadasha Afka-soomaliga. HCTV wuxuu ka mid yahay TVyada sida wayn looga daawado guddo iyo dibedba looguna jecel yahay.
HCTV waa TV madax-banaan oo tebiya wararka xaqiiqada iyo runta ku salaysan. HCTV waxa dagaal ku haya dhammaan talisyada faasidka ah ee ka taliya Geeska Afrika.
Halkan waxa ku lifaaqan warqad uu qoray Wasiirka Warfaafinta ee Maamula Goboleedka Soomalida Itoobiya.
Waa Maamul ku sifoobay xasuuqa dadka, kuna darsday bahalnimo iyo dad-qalnimo.
Waxa waajib ku dhamaan dadka jecel nabada, xoriyatul qowlka iyo madax-banaanida saxaafada in ay dificaan codka-shacabka dulman HCTV.
Xukuumadda Somaliland, waxa ku waajib ah in ay qaado tallaabada ku haboon, warqad deg-deg ahna u qorto Maamulka Thai.com, si xuquuqdii HCTV loo soo celiyo.
Halkan hoose ka akhriso warqada dawlad Deegaanka Soomaalid Itoobiya u qoreen Thai.com:
Drs Hoodo yusuf, London, UK.