Aniga iyo aakhiro: Silsilad Ramadaani ah, Sheekh Berberaawi, Q.17aad

Waa xalqaddii 17aad ee silsilad Ramadaani ah oo uu soo jeediyo Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka, taas oo uu ugu talo galay in bulshada af-Soomaaliga ku hadaashaa ay la socdaan kana bogtaan inta lagu gudo jiro bishan barakaysan. Qaybtan maanta sheekhu wuxu uu ugu magac-daray “Aniga iyo aakhiro.

Silsiladdani waxa ay ku saabsan tahay arrimo door ah oo ay ka mid yihiin akhlaaqda qofka Muslimka ah; ha noqoto xidhiidhka uu Illaahay la leeyahay, Rasuulka SCW, samofalka waalidka, Qur’aanka iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.

Sh. Cabdillaahi Xasan Xaashi (Berberaawi) waxa uu aqoontiisii heerka jaamacadeed ku soo qaatay waddanka Yemen, wuxuna hadda imaamka iyo khadiib ka yahay Masaajidka Ansaar oo ku yaalla Hargeysa. Waxa kale oo uu Sheekhu bare sare ka yahay kulliyadaha barashada Shareecada Islaamka ee jaamacadaha waddanka. Sidoo kale waxa uu masaajiddada Hargeysa ka dhigaa duruus xidhiidh ah oo ku saabsan cilmiga diinta, gaar ahaan xadiiska, caqiiqada iyo duruus kaleba.

Sheekh Berberaawi waxa uu dedaal xoog leh ku leeyahay baraarujinta bulshada ee dhinaca diinta, waxana uu muxaadarooyin joogto ah iyo waanooyin ku qabtaa gobollada iyo degmooyinka waddanka.

Bandhige wuxu idiin soo gudbinayaa haddii Alle idmo qaybaha silsiladdani ka kooban tahay. Wixii aad su’aalo u haysaan sheekha ku soo hagaajiyabandhige@gmail.com si aanu jawaabaha dib idiinku soo dirno.

Daawasho wacan