Madaxwayne-ku-xigeenka Cabdirahman Cabdilahi Ismaaciil “Saylici” iyo Gudida Wasiiradda ah ka tirsan mashruuc maamul daadejinta ee loo soo gaabiyo (Inter-Ministerial Committee) ayaa yeeshay kulankoodii saddex bilood laha ahaa ee uu shirguddoominayey Madaxweyne-ku-xigeeka oo ah Guddoomiyaha Guddidaas.
Ujeedada shirkan oo daarnayd is waraysi iyo xog kala qaadasho ku saabsan halka ay marayso hirgalinta siyaasada maamul daadejinta oo saddexdii sanno ee u danbaysay dalka laga hirgaliyay iyadoo dhammaan wasiiradda, wasiiro-ku-xigeenada iyo wasiiru dawlayaasha ka soo qayb galay shirkan ay war bixin ka bixiyeen halka ay hawluhu u marayaan wasaaradahooda.
Qodobadii shirka lagu falanqeeyey ayaa waxa ka mid ahaa qodabadan:
- Warbixinta siyaasasda maamul daadejinta iyo ilaa hadda wixii la hirgaliyay
- Dib u eegida shuruucda iyo xeerarka sectarada iyo wixii kasoo baxay
- Awood kordhinta iyo dhisida tayada waaax yahay arimaha bulshada ee dawladaha hoose
- Daadejinta maaliyada
- Warbixin ku saabsan qiimayta Zaylac ee dhawan la sameeyay
Kulan ka oo ku bilaabmay jawi degan oo warbixino lagu kala dhagaysanayay ayaa ugu horayn saraakiisha Xafiiska madax wayne ku xigeenka ay soo jeediyeen warbixino ay ka mid yihin
- Warbixinta siyaasasda maamul daadejinta iyo ilaa hadda wixii la hirgaliyay
- Dib u eegida shuruucda iyo xeerarka sectarada iyo wixii kasoo baxay
- Awood kordhinta iyo dhisida tayada waaax yahay arimaha bulshada ee dawladaha hoose
Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha Guddaha Amb. Cabdifataax Siciid Axmed iyo Madaxa isku xidhka mashuuca JPLG iyo masuul ka socda haayada UNCDF ayaa iyaguna warbixino ka bixiyay Daadejinta maaliyada iyo Warbixin ku saabsan qiimayta Saylac ee dhawaan la sameeyay.
Intaa ka dib waxa dhammaan iyaguna halkaa warbixino jeediyay Guddida wasiirada iyada oo ugu horayn ay Wasiirada Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka warbixsay wixii u qabsoomay sheegtayna in ay wasaarada deeganku ku bilawday degmada Burco, waxay degmada Burco dhamaystiratay dhammaan wixii tababaro ah ee ku saab sanaa deegaanka waxaana loo sii daayay lacagihii ugu horeeyay ee ay ku bilabayeen shaqada.
Waxay sheegtay sidoo kale in ay Gabiley qaadatay dhamman tabaradii ku saabsanaa hadana diyaar u yihiin in loo sii daayo wajiga lacagtii ugu horaysay, Degmada Berberana qiimayn ayaa lagu sameeyay iyadna way ku xigtaa oo qorshaha sannadkan ayay ka mid tahay.
Waxaa sidoo kale halka ka hadlay Wasiiru Dawlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Amuud, wasaarada arimaha bulshada ayaa iyadna kala fulinaysa mashuur ku saabsan caawinta dadka aan waxba haysan waxa afka qalaad lagu yihdaa (social protection grant) wuxuuna sheegay in ay hore gacanta ugu hayeen mashruuc noocan oo kale ah, waxayna wasaaradu diyaar u tahay inay la shaqayso mashruuca JPLG.
Waxana iyana halkaa warbixino ka jeediyay wasiirada kala ah Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, ku-xigeenka hawlaha guud, wasiiru dawlaha biyaha, ku-xigeenka waxbarashada iyo wasiiru dawlaha Maaliyadda.
Ugu danbayn tii waxa shirkaa soo xidhay Madaxwayne-ku-xigenka waxaanu hadalo dhiiri galin iyo dardaaranba u jeediyay xunbihii kasoo qayb galay shirkaas iyo cidii ay kushayso ay ka go’naato hirgalinta siyaasada maamul daadejinta, wixii qalad ee dhacana ay noqdaan cashar lagu saxo mustaqbalka.
Waxa uu sidoo kale Madaxwayne-ku-xigeenku carabaabay in ay wasaaradahu kala fahmaan Mashruuca JPLG in uu yahay mashruuc laakin iyo siyaasada Qaranka ee maamul daadajinta isagoo sheegay in siyaasadu ka turjumayso Dastuurka qaranka, golaha wasiiraduna ay ansixiyeen fulinteeduna ay waajib tahay.