Waxa guriga ku sugnaa inan ay dhashay gabadhan Muslim binu Caqiil magan galisay. Inankii ayaa oroday oo u tagay Maxamed binu Ashcas oo isagu xidhiidh dhaw la lahaa Cubeydullaahi binu Siyaad, isla markiiba warkii ayaa gaadhay Cubeydullaahi wuxuuna diyaariyay ciidan xooggan oo loogu talo galay qabashada Muslim.
Amar ayuu siiyay Maxamed binu Ashcas uu ugu sheegayo in uu guriga ka soo kaxeeyo Muslim. Hawraarsan ayaa xigtay. Gurigii ayuu ugu tagay Muslim binu Caqiil, wuxuuna ku yidhi:
“Inna keen anigaa ammaankaaga qaaday, laguna taaban maayee!”
Wuu soo raacay Muslim binu Caqiil. Kolkii uu arkay in qasrigii madaxtooyadda lagu sii wado, ayuu ogaaday in la dili doono. Labadiisa indhood waxa ka soo booday oohin! Ibnu Ashcas ayaa weydiiyay sababta uu u ooyayo illayn geesi buu ahaaye!
Muslim oo u halcelinaya Ibnu Ashcas ayaa yidhi:
“Kama ooyayo in la i dilo, ee waxaan ka ooyayaa Xuseen oo dariiqa ku soo jira iyo Aalu Beytkaygii oo la soo socda, kuwaas ayaan u ooyayaa. Oh oh! Yaa u sheega in reer Ciraaq ballantii igaga baxeen meeshanna lagu dili doono Xuseen iyo inta la socotaba.”
“Ballan ii qaad, Maxammadaw. Warqad u dir Xuseen iyo inta la socota una sheeg in la layn doono, reer Kuufana ballantii ka baxeen.”Sidaas ayuu Muslim binu Caqiil ka codsaday Maxamed binu Ashcas “Hagaag, sidaas ayaan kuu ballan qaadayaa,” ayuu ku warceliyay Ibnu Ashcas na.
Laakiin waxa jirtay hal carqalad taas oo ay adkayd in Maxamed binu Ashcas ka gudbo, carqaladdaasi waxay ahayd xuduudka oo gebi ahaanba xidhnaa isla markaana aan la dhaafi karin. Ciddii soo gasha iyo ciddii ka baxaysayba waa la xidhayey. Amarkaasina wuxuu ka soo fulay Cubeydullaahi binu Siyaad oo isagu doonayay in uu kala gooyo Xuseen iyo wax farriin ah oo u taga ama ka timaadda.
Muslim binu Caqiil waxa la keenay qasrigii Kuufa ee Cubeydullaah. Habeennimadii ayaa madax laga jaray inta meel dheer laga soo laallaadiyay. Haanii binu Curwa oo dardaarmay ayaa isna lagu xigsiiyay oo inta meel sare laga soo laallaadiyay madaxa laga jaray. Kolkii waagu baryayna waxa meydadkoodii la dhigay suuqa badhtankiisa si dadku ay ugu cibro qaataan oo aan Xuseen binu Cali lagu maqal. Reer Kuufa waxa ka soo hadhay werwer iyo walaac kaddib kolkii ay arkeen naxariis darrada Cubeydullaahi, waxaana la waayay cid soo hadal qaadda Xuseen ama Aala Beyt ba.
Cubeydullaahi binu Siyaad waxa soo gaadhay dhawr dhanbaal oo ka kala yimid Marwaan binu Xakam oo Madiina joogay iyo Yasiid binu Mucaawiye oo isagu ahaa Khaliifkii Muslimiinta. Marwaan wuxuu yidhi, “Waxa kugu soo aaddan Xuseen binu Cali. Waa Xuseenkii ay dhashay Faadumo oo ahayd Faadumo binu Maxammed – Rasuulkii Ilaahay SCW inantiisii ayaa dhashay. Ilaahay baan ku dhaartaye ma jiro qof aanu ka jecelnahay in Xuseen badbaado. Adigu ha dhex dabbaalan wax aanad u babac dhigi karin hana samayn wax aanay caammadu illoobi dooni.”
Waxa dhanbaalka labaad soo diray Camar binu Saciid binu Caas oo isna Maka ku sugnaa. Wuxuu isna yidhi, “Waxa ku soo kugu soo waajahan Xuseen. Ama addoon baad noqon ama xor baad noqon maanta.”
Yasiid binu Mucaawiye dhanbaalkiisa isna wuxuu ahaa: Waxa na soo gaadhay in Xuseen kugu soo socdo. Maanta waddankaagaa isha lagu wada hayaa; magaaladaad xukunto ayaa isha lala raacayaa; cid kasta ayaa u sarreeya oo amarkaaga ayaa shaqaynaya. Maalinkan maanta ah ama addoon la addoonsado baad noqon ama xor baad noqon.
Dardaarannada kala duwan ee gooddigu ku badan yahay, Cubeydullaahi waxay ka dhigeen nin hadh iyo habeen soo jeeda tallaabooyin yaab leh na qaaday; wuxuu ciidammo dhigay jidadka laga soo galo Kuufa. Cid kasta oo magaalada soo galaysa waa xadhig, ciddii ka sii baxaysana waa xadhig.
Xuseen ayaa aad u soo dhawaaday wuxuuna soo degay kanbalka Kuufa. Si uu u war geliyo, wuxuu warqad u dhiibay Qays Asaydaawi. Kolkii uu xuduudkii soo galay waxa qabtay Xuseen binu Tamiim. Warqaddii uu siday ayaa laga qaaday, waxaana loo geeyay Cubeydullaahi binu Siyaad. Waa la dilay Qays.
Xuseen binu Cali wuxuu waayay wax war ah. Wuxuu haddana diray nin kale bal si uu war uga keeno reer Kuufa. Isna Xuseen binu Tamiim ayaa qabtay. Inta warqaddii laga qaaday ayaa madaxa laga jaray. Ugu danbeyn, Xuseen wuxuu war ka helay dad reer baadiye ah kuwaas oo yagu isla dhex guurayay wixii dhacay. Wuxuu dhab u ogaaday xaaladda jirta iyo sidoo kale in aanay cidi kaga horreyn meesha uu u socdo. Ciidankiisii ayuu isugu yeedhay oo uu u sheegay wixii jiray. Sidoo kale wuxuu u sheegay ciidanka in ciddii rabtaa ay iska noqon karto. Mar keliya ayaa dadkii la socday iska wada noqdeen. Taariikhyahannadu waxay sheegeen in illaa boqol qof oo maati u badan ku soo hadheen. Xuseen way ku adkaatay inuu halkaas ka noqdo wuxuuna sii hayay dhabbadii rajada xumayd ka soo muuqatay.
Ciidankii ilaalada ahaa oo uu hoggaaminayay al-Xor binu Yasiid al-Tamiimii ayaa Xuseen gaadhay. Al-Xor binu Yasiid wuxuu u tagay Xuseen binu Cali. Wuxuu u sheegay in uu iska noqdo; haddii uu sidaas sameeyo na aanay cidi ka daba imanayn. Taas Xuseen wuu ka diiday. Mar labaad wuxuu u sheegay in ciidan badan oo illaa tobannaan kun gaadhayaa uu ka horreeyo. Xuseen ayaa weydiiyay, “Maxaan sameeyaa?” “Waxaad u ka leexataa jidka Kuufa, una leexo xaggaas iyo Shaam ee Yasiid.”Xuseen wuu oggolaaday aragtidan danbe, hagaag ayuuna ku falceliyay.
Xuseen waxa ka hadhi waayay al-Xor binu Yasiid oo sheegay inuu qabo amar ah in aanu Xuseen ka hadhin illaa inta ay xeedhada iyo fandhaalku kala dhacayaan. Labadoodii ciidan ayaana is barbar socday!Runtii waxay ahayd qiso cajiib ah waayo laba ciidan oo is garab socda oo sita seefihii dagaalka, haddana aan isku bilaabayn; laba ciidan oo dagaal ka dhaxeeyo, haddana aminta salaadaha wada tukanaya. Xuseen ayaa labada ciidanba wada tukinayay. Kolka salaadda laga baxo na waxa uu mid kastaa u jihaysanayaa dhinaca ciidankiisa.
Dheegasho: Degelka Dr Raaqib Asarjaani
Dhammaan kutubka siirada waa laga helayaa qisada oo faahfaahsan
Turjumaaddii Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”