Halyey la hilmaamay: Dilkii saxaabigii weynaa ee Xuseen Bin Cali, Q.8aad (WQ: Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”)

Ciidankii ilaalada ahaa oo uu hoggaaminayay al-Xor binu Yasiid al-Tamiimii ayaa Xuseen gaadhay. Al-Xor binu Yasiid wuxuu u tagay Xuseen binu Cali. Wuxuu u sheegay in uu iska noqdo; haddii uu sidaas sameeyo na aanay cidi ka daba imanayn. Taas Xuseen wuu ka diiday. Mar labaad wuxuu u sheegay in ciidan badan oo illaa tobannaan kun gaadhayaa uu ka horreeyo. Xuseen ayaa weydiiyay, “Maxaan sameeyaa?” “Waxaad u ka leexataa jidka Kuufa, una leexo xaggaas iyo Shaam ee Yasiid.” Xuseen wuu oggolaaday aragtidan danbe, hagaag ayuuna ku falceliyay.

Xuseen waxa ka hadhi waayay al-Xor binu Yasiid oo sheegay inuu qabo amar ah in aanu Xuseen ka hadhin illaa inta ay xeedhada iyo fandhaalku kala dhacayaan. Labadoodii ciidan ayaana is barbar socday!Runtii waxay ahayd qiso cajiib ah waayo laba ciidan oo is garab socda oo sita seefihii dagaalka, haddana aan isku bilaabayn; laba ciidan oo dagaal ka dhaxeeyo, haddana aminta salaadaha wada tukanaya. Xuseen ayaa labada ciidanba wada tukinayay. Kolka salaadda laga baxo na waxa uu mid kastaa u jihaysanayaa dhinaca ciidankiisa.

Xuseen waxa uu aad uga dhaadhiciyay al-Xor binu Yasiid in aanu dagaallamin.Sababta uu sidaas u sheegayay al-Xor ayaa ahayd cududda ciidanka Xuseen oo aan u dhigmi karin tan dhiggiisa ee Cubeydullaahi diyaariyay.

Waxa garoonkii isna soo gaadhay ciidankii labaad oo uu hoggaaminayay Cumar binu Sacad binu abii Waqaas oo watay ciidan tiradoodu dhantahay afar kun. Waxa ciidankiisaa la socday laba nin Shimra iyo Xuseen binu Tamiim. Wada-hadal ayaa u bilaabmay laba dhinac; Xuseen binu Cali iyo Cumar. Xuseen wuxuu u sheegay Cumar in aanu dagaal u soconnin ee reer Kuufa u yeedheen. Waxa uu soo saaray farriimihii badnaa ee gaadhayay 500 ee farriimood uu ku jiray laba shandadood. Sidoo kale, waxa uu Xuseen kolkan ka codsaday in haddii laga dalbado uu noqonayo.
Cumar binu Sacad wuxuu dhanbaal u diray Cubeydullaahi binu Siyaad oo si dhaw ula socday Xuseen iyo socdaalkiisan soo dhawaaday. Kolkii ay Cubeyduullaahi warqaddii gaadhay wuxuu soo diray warqad warcelin ah oo u dhignayd sidan:

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Waan helay warqaddii Cumaroow, waanan fahmay wixii aad soo sheegtay. Haddaba, Xuseen u sheeg in uu Yasiid iyo kooxdiisa la baayactamo. Haddii uu sidaas yeelo, waynu eegi. Macasalaama!”

Xuseen arrintii uu ka diiday Cubeydullaahi wuxuuna dalbaday in saddex qodob midkood laga yeelo. Waa mid e ha laga yeelo inuu iska noqdo. Waa mid labaad e, ha loo oggolaado inuu isagu toos ugu tago Yasiid binu Mucaawiye. Kan ugu danbeeya ayaa ahaa in haddii labadaas hore laga yeeli waayo loo tilmaamo goob dagaal oo Muslim iyo gaal isku haleeleen si uu halkaas jihaad uga galo.

Cumar binu Sacad ayaa aad ugu riyaaqay go’aannada fiican ee Xuseen qaatay; waxa ka soo boodday farxad kal iyo laab ah waayo muu doonayn inuu Xuseen la dagaallamo maadaama oo uu ahaa Aalu Beyt isla markaana Nebigu SCW jeclaa. Halhaleel ayuu warqad ugu diray Cubeydullaahi isagoo u sheegay in xalkiiba la helay dagaalna laga baaqsan karo.

Cubeydullaahi wuu oggolaaday. Laakiin nasiib darro, waxa go’aankaas diiday mid ka mid ah la-taliyayaashiisii. Ninkaas ayaa Cubeydullaahi u sheegay in maanta go’aanka uu isagu leeyahay. Cubeydullaahi kaddibna wuu diiday go’aannadaas Xuseen soo jeediyay.

Dheegasho: Degelka Dr Raaqib Asarjaani

Turjumaaddii Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”