Q.2aad
Dheegasho: Degelka Dr Raaqib Asarjaani
Dhammaan kutubka siirada waa laga helayaa qisada oo faahfaahsan
Turjumaaddii Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa”
Sidii ayuu hoggaanka Muslimiinta gacanta ugu dhigay Mucaawiye. Muddo yar ka dib waxa soo gaadhay Mucaawiye farriin uu soo diray Marwaan binu Xakam oo kolkaas Madiina ku sugnaa. Warqaddani farriinta ay gudbinaysay ayaa ahayd in Xuseen ay u yimaaddeen dad ka yimid xaggaas iyo Kuufa isla markaana ay wadaan qorshihii xilka uu ku qabsan lahaa. Mucaawiye waxa uu ahaa saxaabi aad u jeclaa midnimada Muslimiinta. Taasna waxa ku tusinaysa naanaysta loo yiqiinnay ee ahayd. Mucaawiye wuxuu warqad u diray Xuseen uu ugu sheegayo in aanay isku ogayn ballan ka bixid.
Xuseen wuxuu u sheegay in aanu ballantii ka bixin laakiin wuxuu raaciyay in aanu Ilaahay agtiisa cudur daar lahayn Xuseen haddii aanu la jihaadin Mucaawiye dulmigiisa. Mucaawiye wuxuu ka qoomamooday farriintii uu diray waayo waxa ay u muuqatay inuu huriyay dab bakhtiisnaa. DHibta ugu weyni waxay dhacday kolkii Mucaawiye xilkii ku wareejiyay inankiisii Yasiid oo ahaa 34 jir. Arrintaas ayuu Xuseen si weyn uga soo hor jeestay wuxuuna arkay ballantii uu Mucaawiye la galay Xasan inay meesha ka baxday.
Hilaadda 61 dii Hijriyada waxa geeriyooday Alle ha u naxariistee. Geerida ka hor, Mucaawiye wuxuu si weyn ula dardaarmay wiilkiisii Yasiid isagoo u sheegay in Xuseen binu Cali uu si weyn u ilaaliyo una ixtiraamo. Yasiid wuxuu xukunka qabtay isagoo werwer badan ka qaba Xuseen iyo tallaabooyinkiisa waayo aabbihii ayaa hore ugu sii sheegay in colaadda Xuseen uu ka fogaado, Xuseenna yahay nin Muslimiintu jecel yihiin. Xuseen binu Cali binu Abii Daalib wuxuu ahaa nin suubbanuhu aad u jeclaa. Nebigu SCW wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya Xuseen, “Xuseen aniguu iga mid yahay; anna isagaan ka mid ahay. Ilaahayaw jeclaw ciddii Xuseen jeclaata.”
Isagoo ka hadlaya Xasan iyo Xuseen, wuxuu Nebigu SCW yidhi, “Ilaahayaw waan jeclahay ee qofkii jeclaada, jeclaw.” Mar kale wuxuu lahaa Suubbanuhu, “Waa udgoonka aan adduunka ka haysto labadaas wiil.” Isugeynta tilmaamahaas togan, ayaa Xuseen ka dhigtay mid Muslimiinta maqaam weyn ku dhex leh qaligoodana meel adag kaga yaalla. Muslimiintii waxay guda galeen inay heshiis la galaan Yasiid oo reer banii Umaya ahaa. Reer Madiina sidaas ayay yaguna sameeyeen. Xuseen isagu ganafka ayuu ku dhuftay inuu beyco la galo Yasiid, waxa isna go’aankaas ku raacay Cabdillahi binu Subeyr. Sidaas daraaddeed way ka huleeleen Madiina waxayna gaadheen magaalada barakaysan ee Maka al Mukarrama.
Xuseen wuxuu aad uga soo xanuunsaday hannaankii Muslimiinta isu maamuli jireen oo dhabbihii laga leexiyay lagana dhigay nidaam dhaxaltooyo ah. Yasiid wuxuu ka warhelay in Cabdillahi binu Subayr iyo Xuseen diideen baycadii. Dhanbaal ayuu soo diray uu ku yidhi, “Waan ogahay in Xuseen binu Cali iyo Cabdillahi binu Subeyr diideen baycadii. Waa in lagu qasbaa inay qaataan.”
Intaas ka dib, waxa Xuseen soo gaadhay dhanbaallo fara badan oo kaga yimid Kuufa. Dhanbaalladan oo tiradoodu gaadhay illaa 500 oo farriimood waxay Xuseen ugu sheegayeen reer Kuufa in aanay la baayactamin Yasiid isagana ay heellan yihiin, doonayaanna in Xuseen xilka loo dhiibo. Kolkii ay farriimuhu ku bateen, Xuseen wuxuu diray inaadeerkii Muslim binu Caqiil si uu u soo hubiyo bal reer Kuufa iyo xaqiiqadooda. Muslim binu Caqiil waxa loo sameeyay soo-dhawayn layaab leh waxa lagu sooray gurigii martida ee Haanii binu Curwa. Dadkii reer Ciraaq ayaa iska soo daba dhacay yagoo ku soo qulqulaya ibnu Caqiil una sheegaya in ay diyaar u yihiin baycada Xuseen binu Cali.