Afti lagu go’aaminayo inta jeer ee madaxweynuhu isa soo sharixi karo oo ka socota Riwaandha

Dadweynaha Riwaandha ayaa maanta u dareeray in ay u codeeyaan in madaxweynaha Riwaandha uu talada dalkaas hayn karo ilaa 2034-ka iyo in kale. Haddii dadka badankiisu ay ku codeeyaan “haa” waxa wax-ka-beddel lagu samayn doonaa dastuurka dalkaas.

Dad weyne aad u tiro badan ayaa is dhoobay safafka si ay codkooda u dhiibtaan. Madaxweynaha Riwaandha Paul Kagame ayaa sheegay in uu is sharaxi doono ama tanaasuli doono marka ay soo baxdo natiijada codaynta dadweynaha laakiin aanu doonayn in uu ka hor dhaco maadaama damaciisu ku salaysnaan doono waxa ay dadku doonayaan.

Hase ahaatee mucaaradka dalkaas ayaa codaynta maanta ku sifeeyey mid dimuqraadiyadda aad uga fog, waxayna ku sheegeen mid uu madaxweyne Paul Kagame ku xalaashanayo sannado dheeraad ah oo uu dalka sida uu doono ugu amar-ku-taagleeyo.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa ilaa sannadkii 1994-kii ahaa qofka haga siyaasadda dalkaas, isagoo sannadkaas noqday madaxweyne-xigeen ahna Wasiirka Gaashaan-dhigga kadib markii uu dalkiisa xasuuq ka dhacay kadibna la laayey 800,000 oo beeshiisa ah. Xasuuqaas waxa Tuutsiga u gaystay beesha Huutuuga oo ugu tiro badan dalkaas oo uu ka soo jeeday madaxweynihii shirqoolka lagu dilay ee dalkaas Juvénal Habyarimana.

Wuxu sidoo kale Kagame Madaxweyne doorasho ku yimid noqday 2003 iyadoo dib loo doortay 2010-kii muddo toddoba sanno ah.

Paul Kagame waxa lagu ammaanayaa in uu dalkiisa oo ka soo doogay dagaal sokeeye uu gaadhsiiyey horumar dhinac walba ah taas oo sababay in Riwaandha ay tusaale u noqoto waddamada kale ee Afrika.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com