Madaxweyne Siilaanyo wuxu tacsi u diray sarkaalkii shalay lagu toogtay Berbera

Sida ku xusan war-saxaafadeed cawaysinkii caawa ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Siilaanyo wuxu tacsi u diray Marxuum Aadan Guuleed Daahir “Tallaabo” oo askari ka mid ah ciidanka booliska ee uu maamulayey uu shalay toogasho ku dilay Berbera.

War-saxaafadeedka oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan hoose:

18/12/2015
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenka, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka Gobolka Saaxiil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo 17-12-2015 uu Askari ka tirsan Ciidanka Boolisku ku diley Magaalada Berbera.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo Ciidamada Qarankana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.