Hambalyada ka dib Madaxweyne Biixi hawlo badan baa hor yaalla (WQ: Xasan Ciise Raage)

 

Dabcan tartan kasta oo dhaca cid uun buu u dhaxeeyaa isla markaana mid uun baa guulaysta tartamayaasha markaa is hirdinaaya taasi uun bay ka mid ahayd doorashadii dhawaan ka dhacday S/land.

Runtii doorashada ololihii ka horeeyey ee qaatey 21 ka caano maal iyo sidii loo codeeyey maalinkii cod bixinta intaba waxaa badnaa wanaaga iyo amaanta loo jeedin karo, inkasta oo ay jiraan waxyaabo farta lagu godi karo oo mad madow ah taasina waxa ay ka mid tahay doorasho kasta oo dhacda way dhici kartaa in wax ka khaldamaan oo waxa sameynaya waa Bani Aadam isna ceeb kama fogaan karo.

Hadaba waxaa madaxweynaha cusub ee mudane Muuse Biixi sugaya hawlo waaweyn ย oo laga yaabo in ay ka daran tahay kuwii isaga ka horeeyey, arimaha aan is leeyahay marka aan dad badan oo wax gal ah la sheekeystey waxaa ugu culus oo ka mid ah:

  • Shacabka ku dhaqan S/land waxa aad u kala qaybiyey sidii qaabka dareyd ee qabyaaladu ku dheehnayd ee xisbiyadu u hawl galeen taasi oo magacyo iyo naanayso kala duwan ay ku baxeen in uu arintaas ka hawl galo oo dadkii walaaleeyo, taasina waxa uu iskaashi uga baahan yahay mucaarad iyo muxaafidba.
  • Musuqo oo aad moodo in u dabeecad iyo dhaqan u noqday dadka Soomaalida ah ee u shaqeeya hayโ€™ahada kala duwan ee dawlada,xukuumadii Kulmiye ee hada waqtigeedu dhamaadeyna astaan gaar ah ayuuba u noqday isna meelo badan wuu ka qiray in uu aafo yahay musuqaasi, waxaa madaxweyanah u taala sidii uu bahalkaas gawsaha iyo ilakaha uga guri lahaa, taa horena eed kuma laha isagu oo xubin kama ahayn xukuumadaas walow uu xisbigiisu talada dalka hayey.
  • Doorashada waa lagu shubtey oo ay Wadani ku dacwiyeen waa arin kale oo u baahan in la daweeyo loona muujiyo xisbigii doorashada waayey in Qaranku ka wada dhexeeyo oo lexejclo loo wada leeyahay, iyada oo taasi saan saan fiicani durba ka muuqato labada dhinacba sida ay ku dhawaaqistii natiijada cod bixinta uga wada hadleen, wixii shaki ku shubasho keenayana waa in meesha laga saaro.
  • Tirade golaha wasiirada iyo tayadooda ayaa ah iyaduna mid xiiso gaar ah leh waxaana lagama maar maan ah in madaxweynaha cusubi jideeyo sune cusub oo uu tirade golaha ka dhigo mid ku haboon awooda dhaqaale ee dalka, ils markaan waa in ay karti u yeeshaan in ay ka soo bixi karaan hawlaha qaranka ee Madaxwenuhu u igmado, waana in ay ahaadaan wasiiro farsamo ee aanay noqon kuwo siyaasiyiin uun ah.
  • Hogaanka dhaqanka oo ku milmey siyaasada waa in u madaxweynuhu u ku soo celiyaa dhaqankoodii iyo dhexdhexaadnimadoodii si ay u ahaadaan kuwo wada matali kara bulshada ay dhaqan ahaan ay ka soo jeedaan.
  • Habka shaqaaleynta oo aad uu mugdi badan uga jiro waa in uu ahaado madaxweyne Muuse marka uu xilka la wareego ka dib xalaal maalin baa la qashaa waa in muwaadiniintu ku helaan shaqada kartidooda, aqoontooda iyo waayo aragnimadooda hayb in waxa lagu helaana waa in ay inaga hadhaa.
  • Baahinta mashaariicda horu marinta dalka oo dhan waa in u wada gaadhaa si siman waana in laga digtoonaadaa in gobol helaa qayb libaax kuwana ay gaajo la tiicaan sidaa hada dhici jirtey oo kale.

Xasan Ciise -Suxufi