Hambalyo diiran musharax Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiye Xasan Cismaan “Sabca” (WQ Drs. Hoodo Yuusuf)

Aniga oo ka wakeel ah Wax-garad  iyo Aqoonyahano u dhashay Somaliland oo deggan daafaha dunida, waxaan hambalyo diiran u dirayaa Guddoomiyaha Cusub ee Xisbigga UCID Mudane Sabci iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen oo musharaxnimadiisa lagu ansaxiyay shirkii taariikha ah ee lagu qabtay “ Hadhka Geedka”.

Waa dhaqan soo jireen ah in lagu tashado geed hoostii oo go’aamo masiiriya lagu gaadho.

Waxaanu canbaaraynayna  shirkii gacan ku rimiska ahaa ee laga soo abaabulay Madaxtooyadda ee baal marsanaa go’aankii Maxkmadda Sare.

Waxaan  ku boorinaynaa bulshada Somaliland in ay taageero hiil iyo hooba isla garab taagaan garabka la dulmiyay .

Waxa muuqata inay Somaliland ku danbaysay:

“ Ninkii roonaayow  Reerka u hadh.”

Waxaana ku xigi doonta   ismuquunin, xasilooni darro  iyo gacmaha oo laysula tago.

 

Wa bilaahi towfiiq.

Drs Hoodo Yusudf, Uk, London.

yhoodo@yahoo.com.