Hambalyo Geeska Afrika, waxaad horseedeen dhaqan saxaafadeed oo togan (WQ: Mustafe Maxamed Khayre)

 

Durba waa sannad-guuradii 11aad ee Wargeyska Geeska Afrika. Wakhtigu dheereeyaa! Waa 11 sanno oo isbeddel, horumar iyo dhaqan-wanaag ah.

Waxan xasuustaa dhammaadkii 2005 Maxamed Xuseen Jaamac “Raamboo” oo safarro door ah ugu bixi jiray magaalooyinka Diridhaba iyo Addis Ababa. Waxay ahayd wakhtigii loo gogol-xaadhayey hirgelinta wargeyska. Waxa ugu weyn ee uu ka fikirayey waxay ahayd sidii uu u noqon lahaa wargeys midabo leh oo ka bilic wacan wargeysyada kale. Wakhtigaas ma ay suurogalin laakiin waxay suurto gashay toddobaadkii ina dhaafay oo Geeska Afrika noqday wargeyska kaliya ee madaxa bannaan ee midabo badan leh.

Bishii koowaad ee 2006, wax yar uun ka hor wakhtigii wargeyska la bilaabay oo ahayd 17-kii April, koox aan ka mid ahay oo ay ku jireen Xasan Cabdi Madar, Khadar Cabdillaahi Badeed, Cabdikariim Xasan Ismaaciil (Qurusdoon) iyo Yuusuf Cismaan Garas waxaanu noqonay Golaha La-Talinta Wargeyska. Waxaan shirar wada gali jirnay Maxamed Xuseen “Raamboo” iyo Jaamac Nuur oo ahaa aasaaseyaashii wargeyska haatana ah wariyaha telefishanka Aljazeera u fadhiya Muqdisho. Su’aasha ugu badan ee ay na weydiin jireen waxay ahayd “Sidee ayuu wargeyska Geeska Afrika uga duwanaan karaa kuwo haatan jira?”

Su’aashaas jawaabteeda waxa laga arki karaa dhaqanka wargeyska oo caan ku ah qoraal tayo leh, ilaalinta xeerarka saxaafadda, falanqaynta arrimaha bulshada, turjumaadda buugaagta taariikhda iyo aqoonta ah. Waxa sidoo kale Geeska looga bartay korjoogaynta qaddiyadda Somaliland iyo dhiirigelinta ololaha aqoonsi-raadiska.

Geeska Afrika wuxu ku soo beegmay wakhti waxa kaliya ee ay saxaafaddu ka hadashaa ahaa siyaasadda isagoo oo noqday wargeyska calanka u sida arrimaha bulshada sida bogga Googooska Geeska iyo buugaagta uu sida joogtada ah u turjumo oo aad loo xiiseeyo. Wuxu gaadhay heer ay haweenka oo aan sida qaalibka ah ku xidhnayn akhriska wargeysyadu ay marka ay sariibadda tagaan adeegooda ku soo darsadaan Geeska Afrika.

Halkaas uun kuma joogsan horumarka wargeysku. Waxa bahda Geeska ku soo biiray wargeys toddobaadle ah oo af-Ingiriisi ah oo la yidhaa “The Horn” iyo mid kale oo isna toddobaadle ah oo la yidhaa “Ciyaaraha”, gaarna u ah ciyaaraha. Dhawaan waxa timid madbacad weyn oo wargeysku iska leeyahay oo suurto galisay in uu wargeysku yeesho nashqadda cusub ee midabada badan, tayada daabacaddiisuna ay kor u kacdo.

Wargeyska Geeska Afriku maanta waa ka loogu iibsiga badan yahay wargeysyada. Hambalyo ayaan leeyahay bahweynta Geeska Afrika, gaar ahaan Tifaftiraha ahna aasaasaha wargeyska Maxamed Xuseen Jaamac “Raamboo” iyo Guddoomiyaha Wargeyska Kamaal Axmed Cali iyo dhammaan cid kasta oo qayb ka soo qaadatay geedigii wargeysku soo maray. Hore u socda horumarkana halkaas ka sii wada!

Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qoray Mustafe Maxamed Khayre

Xusuusta Siciid Maxamed Daahir

Xuska sannad-guurada 20-aad ee Faarax Oomaar

Maalinta Jacaylka

mustafekhaire@gmail.com