Dadweynaha Faransiiska oo bilaabay in ay codkooda dhiibtaan

 

Waxa hadda ka socda dalka Faransiiska wareegii koowaad ee doorashada madaxtooyada. Waxa ku loollamaya 11 murashax.

Ilaa hadda doorashadu waxay u socotaa si nabadgalyo ah. Waxa aad loo adkeeyey amniga iyadoo ay weli sii jirto argagixii laga qaaday toogashadii Khamiistii ka dhacday dalkaas oo uu ku naf waayey sarkaal boolis ahi.