Hambalyo Hoggaanka SOLJA W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Murti-Soomaali ayaa tidhaa” Ninkii Timir beera iyo kii Tiin tallaala taariikhda ayaa werin”. Hoggaanka ururka Suxufiyiinta Soomaalilaan ee Solja ayaan hambalyo u dirayaa siday ugu guulaysteen in xeerkii Saxaafadda ay gaadhsiiyeen shirkii golaha wasiirrada.
Xeerkaasi wuxuu soo jiitamayey ku dhawaad 20 sanno. Hoggaannadii kala dambeeyey ee ururku soo yeeshay way u suurtageli weyday inay ku guulaystaan in xeerkan nidaankiisa sharci la mariyo. Hoggaanka ururka waxa taariikhda u gashay inay caqabad weyn ay ka tallaabsadeen, oo ay mustaqbalka ku faani karaan.
= Sidoo kale Wasiir Cali Mareexaan ayaa isna qayb weyn ku lahaa in xeerkaasi u gudbo fadhiga golaha wasiirrada. Waxa aynu sugnaa waa golaha Wasiirrada oo uu xeerkaasi ka soo gudbo oo uu Baarlamaankii oo fasax dheer galay u soo gudbo.