Is-Barbardhigga Heshiisyadii Masar ee Siyaad Bare iyo Xasan Sheekh W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Wakhtiyadii ay xoogaysteen dagaalladii dhexmarayey jabhadihii iyo ciidankii Soomaaliya ee MSBarre, ayaa ay Masar heshiis la gashay Maxamed Siyaad. Nuxurka heshiiskaasi wuxuu ahaa: In labada Webi ( Jubba iyo Shabeelle) la dejiyo hal milyan oo beeraley Masaari ah. Laguna dhex-qariyo 10,000 oo Milatariga Masar ah, kuwaasi oo laba ujeeddo laga lahaa. Ta koowaad inay difaacaan xukunka MSBarre. Ta labaadna waxa ay ahayd in haddii biyaha webiga Niil ay Itoobiya ka xidhato Masar, xagga Soomaaliya laga soo weeraro, oo Masar saldhig joogto ah ku yeelato.
= Xasan Sheekh inuu heshiiskaasi soo nooleeyey shaki kuma jiro, waana isku nuxur. Markabka hubka sida ee dekedda Muqdisho soo gaadhay inuu saldhigga Masar ka samaysanayso Soomaaliya way caddahay. Sannadaha soo socda waxa is-waajihi doona Soomaaliya iyo Masar oo wada socda iyo Soomaalilaan iyo Itoobiya wada socda.