Dhacdadii Caawa Masaajidka 26-Juun. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Salaaddii Makhrib ayaa noogu soo gashay Masaajidka. Markii la aqiimay ayuu Imaamkii yidhi “Salaadda Cishaa’i waynu raacin doonaa, maadaama roobkii aanu weli wada joogsan”. Mu’adimkii Masaajidka ayaa safka ka soo booday, markaasuu Makarafoonkii qabsaday oo uu yidhi” Roob ma jiro, salaadana la isma raacinayo oo waa khalad”. Haddana nin safka hore ku jiray ayuu soo kaxeeyey oo uu daaqadda tusay in aanu roob da’ayn. Buuq iyo dood ayaa dadkii la oogsadeen. Mu’adimkii wuu galay salaaddii Makhrib.
= Markii salaaddii laga baxay, ayaa haddana salaaddi Cishaa’i la galay. Dadkii qaar badan ayaa dareeray, intii kale ee soo hadhay ayaa salaaddii Cishaa’i galay. Haddan markii ay gaadhay wakhtigii salaadda Cishaa’i ayuu Imaamkii in la is-raaciyo diidanaa ayaa eedaamay oo salaaddii Cishaa’i tukiyey. Almihiim Masaajidkaasi laba salaadood oo Cishaa’i ah ayaa laga tukaday.